Dahir Rayale oo Socod ku Jooga Yurub iyo Xiisada Siyaasada Dalka

 


Kadib bishan Maarso horaanteedii markuu madaxwaynuhu ku yimid socod aan la sheegin ujeedadiisa ayaa dadka qaar waxay safarka madaxwaynaha ku tilmaameen inuu yahay mid dawlada ingiriisku ay walwal ka muujisay sida ay u socoto nidaamkii Somaliland ay ku faanaysay ee ahayd in ay nabad iyo xasilooni ku kala baxaan.

Madaxwaynaha waxa wakhtiga loo dheereeyey dhawr jeer oo aan ku jirin dastuurka dalka waxaanad moodaa ayey dadka qaar sheegeen in xisbiga UDUB uu ka maagayo inuu cod bixiyayaasha waajaho sidaasi darteed “Nafi orod ayey ku aamintaa

Maxamed Roble oo ka mid ah jaaliyada ingiriiska ee Somaliland ayaa sayliciPress u sheegay in wakhtigan aan loo baahnayn in dhiiga la’isku kariyo ama amniga lagu ciyaaro kaliya waxa loo baahan yahay in aayar cod lagu kala baxo oo Dahir isagoo raali ah jagaaftiisa iska gurto.”

December 2007-ayey ahayd inay dhacdo doorashada madaxwaynuhu wuxuuse madaxwaynuhu codsaday in mudada loo kordhiyo kadib hal sano ayaa loogu daray; halkii la rabay inay ka dhacdo dabayaaqada 2008- hadana Dahir Rayale wuxuu dalbaday in mudada loo dheereeyo iyadoon tirokoobtu dhamaad darteed; waxa lagu balamay in doorashadu ay dhacdo bisha Maarso 29 keeda, 2009 - hadana Dahir Rayale wuxuu codsaday in dib loogu dhigo ilaa bisha May 31, 2009.

Shacabka ingiriiska ayaa abaabulaya mudahaaraadyo ay Dahir Rayale kaga soo horjeedaan oo ay ku muujinayaan inuu dimuqraadiyadii iyo qunyar socodnimadii bulshada Somaliland uu meel kaga dhacay sidaasi darteed kursigii madaxwayne-nimada uu boqortooyo u badalay.

Indheergaradka Somaliland ayaa ku baaqaya in Dahir Rayale maxkamad lasoo taago oo baadhitaan lagu sameeyo hantida qaranka sida uu u maamulay intuu kursiga hayey.

Shacabku sidoo kale waxay ka baqayaan in laga foojignaado xasilooni daro dhacda hadii Dahir Rayale markale uu dalbado in mudada loo kordhiyo. Doorashada ayaa ugu danbayn lagu wadaa 31 May 2009 - inay dhacdo iyadoo dib loo dhigay mudo sanad ka badan.

 



SayliciPress