Imaaraadka Carabta Oo Dadka Abaaruhu Tabaaleeyeen Ugu Deeqay Raashin
 

 


Berbera (TNN):-Dawladda Imaaraadka carabta ayaa dawladda jamhuuriyadda Somalil and, soo ga adh siisay raashin mucaawimo ah oo dhan kun tan, oo loogu tallo-galay da dka abaaraha kululi saa meeyeen ee ku dhaqan gobolladda dalka.

Danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta Baashe Cawil Xaaji Cumar, oo maa nta ka hadl ayay kulan deeqdan lagula kala wareegayay oo lagu qabtay magaaladda Berbera, ayaa sheegay in deeqdani ay ka timid Hay’adda Khalifa Binu Zayed Al-Nahyan Foundation. Waxaanu tilmaamay in lo ogu tallo-galay in loo qeybiyo kun qoys oo ka mid ah dadka abaaruhu hayaan.

Danjire Baashe Cawil waxa uu intaasi ku daray in deeqdani tahay markii saddexaad ee dawladda im aaraadka carabtu ay Somaliland deeqo u soo dirto Somaliland muddo sann ad gudihii ah.
 
Baashe Cawil waxa uu dawladda imaaraadka uga mahad celiyay xidhiidhka ka dhaxeey a Somaliland iyo kaalmadda joogtada ah ee ay u fidiso dadka abaaraha ku tabaaloo bay.

Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo xubin ka ah Guddida heer qaran e e gurmadka abaaraha, ayaa sheegay inay deeqdan si niyadsami ah ula wareegayaan. Waxaanu tilmaamay inay deeqdan gaadh siin doonaan dadkii loogu tal lo-galay.