DALKA MA MADAXWEYNAHA IYO KU XIGEENKIISAA LEH
Markaad salaad tukaneyso waa xiligeed iyo qiblada ood u jiheysato,
hargo iyo saamo haddaad gadaneysana waa tanfiid, duunyo nool haddad
baayacaysna waa shirrabaad ha la mariyo. Haddaynu dib u raadraacno
dhaqankeenii reer guuraaga ahaa xoolaha halka loo rarayo sahan ayaa
laga horeysiin jirey si looga baaraan dego in aan goobtu dulin iyo
dugaag midna lahayn; haddii xoolo la aroorinayana ceelalyo ayaa laga
sii horeysiinjirey.
Nidaamka dowladeed ee distoorkeenu ku salaysanyahay ayaa isna ina
faraya in labada jago ee xukumka dalka qabanayaa noqdaan madaxweyne
iyo madaxweyne-ku-xigeen; sidaas ayey xisbiyada dalka ka jiraa ku
soo xushaan cidda labadaa jago ugu tartami doonta.
Sidaa xaalka dalku yahay waxa cad in labadii masuul ee dalka lagu
aamin in ay la soof daran habaabeen hawshii loo igmady, lamana garan
karo hadday sidan ku sii socdaan halka dalkani ku dambeyndoon.
Marka aynu eegno sida xaalka Xisbigii Kulmiye iyo xukuumaddii
mateleysey maanta yahay, ayaa waxa marag madoon ah in aan cidiba
isweydiin in lammaanaha madasha la keenaya wada shaqeyn karaan iyo
in kale. Halka shirrabaadu ka fashilantay waxa weeye meesha maxlal
iyo maqaarsaar ku gee mooyee, waxan la isku qobtolayo ma wada
jaanqaadi karan dhan dabeecadeed, dhaqan, diineed, dadnimo, aqoon
adduunyo, iyo akhlaaqiyaat iyo qiyamka bini Aadamnimo lagu qiimeeyo
.
Ma aha markii koowaad, labaad, ama seddexaad ee aynu maqalo
Madaxweynihii iyo ku xigeenkiisii ayaa taladii dalka isku
maandhaafsan! Iyaba waa darxumo inagu soo maqneyd ma maantaynu
dacartii abwaan Qaasim (Ahun) sheegi jirey leefnay! Alleylehi
intaynu si fiican u cantuunay ayey labadii dhegoodba in dilaaceen!
Waxaynu maqalaa madaxweyne ku xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi
Ismaaciil oo ku cabana in aanu haba yaraatee talada dalka waxba ku
lahayn; mararka qaarkoodna doorbiday in aanu sooba shaqo tegin oo
gurigiisii hoosta ka xidhay ama dalkaba ka dhoofay oo hadba ergo loo
dirayo.
Garbis iyo gardaro garab og ayaa hagardaamooyin dadban la daba
joogta madaxweyne-ku-xigeenta laga soo bilaabo maalintii xilka loo
dhaariyey. Dadka madaxweyne ku xigeenka sidaa ula dhaqmaya ummaddu
umay codeyn e' waa rakaab liita oo xarunta madaxtooyada buux
dhaafiyey. Madaxweynuhuna waxa xafiiskiisa ka socda wuu la socdaa in
uu wax ka qabtona diyaar uma aha.
Madaxweyne ku xigeenku hadda wuxu ku hambaabiray qorshan cusub ee
xeerkii lagu dhaqan gelinayayna la diyaariyey iyo mansabkiisii oo la
dmacsanyahay in daaqadda laga tuuro. War muceedyo sugan ayaa
tibaaxaya in qodobka distooriga ee haddii madaweynaha xaalaado hawl
gudashdiisa la xidhiidhaa la soo darsaan in sida distoorku dhigayo
si ka duwan loo maaraeeyo; xaaladadaha distoorku tilmaamay lagu
bedel qaab
DHAXALTOOYO oo xisbul Xaakimku soo xulayo cidda madaxweynaha hawl
gaba bedeleysa. Waa distoorkii dalka oo hadba qabcad dhulka lala
simayo.
Xaqiiqada dhabta ah ee jirtaa iyo wax ka bedelka distorku waa
sidaase ummad yahay ku abshira. Distoor jebinta noocan ihi waxay
inoo horseedi jahawareer hor leh sida ay xukuumadda iyo inta danaha
gaarka ah leh ee dalkan u maleegeysa dabinada; ummadduna wey aragtaa
oo weynu ka dheregsannahay cidda dalkan minjixaabinaysa; iyaada oo
faahfaahsan ayaa warbaahinta lagu soo bandhigi ka dibna waxaynu
ogaan quraaraddan kala jabaysaa cidda ay caano ka daataan ha la arko.
Hadday xukuumadani dalka cagta u dhigi weydo ummaddu waxay odhan waa
la idinku khasaaraye deg deg noo dhaafa.
Haddaynu taariuikhda dib ugu noqono markuu allah ha u naxariistee
Marxuum Muxamed Xaaji Ibrahim Cigaal xaalad caafimaad Koonfur Afrika
loogu qaaday wuxu ku dardaarmay in sida distoorka qaranka ku qoran
aan hal xaraf laga bedelin oo sideeda loogu dhaqmo. Sidaas ayey
taladii Cigaal ahayd, Kulmiye iyo dirkiisiina taladay la shir
yimaadeen waynu aragna.
Waxa lagama maarmaan ah in Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu aya
hawsha ay ummadda u hayaan in ay daacadnimo iyo hagar la'aan u wada
shaqeeyaan. Haddii distoorku awoodii dalka hal shakhsi gacanta u
geliyey waa in hoose loo eego.
Madaxweyne ku xigeenka mid baa seegan: Shirkii Golaha Dhexe ee
Xisbiga ee magaalada Burco ku tala galku wuxu ahaa in Cabdiraxmaan
Aw Cali Faarax sidii doorkii horeba ay ahayd in aan jagada
madaxweyne ku xigeenka cidi kula tartamin. Md. Axmed Muxamed
Maxamuud awood sheegashao iyo mulkiyaddii xisbiga oo uu isagu
leehyahay ayaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax si badheedh ah loogu
muquuniyey. Md. Madaxweyne ku xigeenoow haddu xaajigu talo wadaag ku
talo galay Cabdiraxmaan Aw Cali oo ummadda qaderin iyo karaamoba ka
mudin sidii foosha xumayd ulama dhaqmeen. Ku xigeenoow adigana
meeshaba lama soo dhigin in aad waxa talo ah ku yeelato.
Distoorka dalka kuma qeexna in madaxweyne ku xigeenku TAALO loo
daawasho tago ahaado. Xaq wuxu u leeyahay in in uu qeyb ka noqdno oo
uu taladiisa ka dhiibto hadba wixii dalka ka jira, madaweynahna
marti uma aha umana daba fadhiisanayo e waa laba muwaadin oo qaranka
u siman. Nashuushad ayaa madaxtooyadii dhex barriinsata oo
barroosinka aasatay oo isu bahaystay in ay irridda ka saaraan
madaxweyne-ku-xigeen ummadi doortay. Bal aynu eegn halka ay ku
dambeyso.
Gebogebo iyo gunaanad:
Horta waa marka u horeysee dhaqanka noocan ah xagay kala yimaadeen
labadan nin ee masuuliyaddii qaranka loo xambaariyey? Miyaan wax
qaderin ah ama maamuus iyo sharaf looba hayn ummaddii sida hagar
la'aanta ah ugu codeysey? Waxay taladu ku fiicnayd in Xisbi iyo
xukuumadba khilaafaadkiina si asturan u dhammaystaan weydinkan
dhinac walba ka holcaye.
Axmed Cali Sabeyse
February 7, 2013
|