JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND

 



 



Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة
REF /UCID /004/ 2014 Date: 14/01/2014

Baaq

Dalka Somaliland Maanta Cagta Wuxu saaray Wadadii Keeni Jirtay Nabadgelyo Xumida iyo Iska hor-imaadka waxaanu Dalku u eg yahay sidii baabuur isteerinkii u baxay oo Dirawalkii lumiyay kaantaroolkii Baabuurka.

Waxaa si cad u soo baxaysa in aan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ha noq oto Caafimaad darro ama Tamar darro uu u dhashay in uu hanan kari waayay Hogaankii Dalka, taasina waxay keentay is dhex yaac iyo Nidaamkii Dawladnimo oo burburay.

Markaan eegno Qaranka Somaliland Xuduudihiisii Way ka soo Faydmeen Barigii Somaliland taas ina ay ka faaiidaysatay Tamar daradda Xukuumadda Siilaanyo Maamul Goboleedka Garoowe ee Soomaaliya, iyagoo Ku soo Fidaaya Deegaanada Bariga Sanaag iyo Qaybo Ka Tirsan Degmada Buuhoodle is la markaasna Beelaha Deegaankaa Degan Ka siisay maamulkooda Qaybo Waafiya Sida Madaxweyno Ku Xigeenka iyo Ra’iisul Baarlamaanka Ka dib Markay Ku Qadeen Xukuumad da Siilaanyo.

Gobolka Togdheer: waxaa ka socda ee Dawladdu ku abuurtay Kala Shaki iyo Jaahwareer la kala dhex dhigay Beelaha Wada Daga, Taas oo dhawaana ay Mudaharaadyo Ka dhaceen Oodweyne iyo Burca-ba Kuwaas oo keenay Dhimasho iyo Dhaawac iyadoo Ciidanka RRU-du Si arxan darro ah Shacabka u rasaaseeyeen, taasina ay sababtay in uu is-casilo Badhsaabkii Gobolka Togdhe er Axmed Cumar X.Cabdillaahi (Xamarji).

Waxaa wax laga xumaado ah in Badhasaab-Ku xigeenkii Hore e Gobolka Togdheer Md. Guuleed si anshax xumo ah oo u eeg farsamooyinkii Dawladii Kali-taliskii Siyaad Barre gurigiisa loogu dha cay saq-dhexe lana soo xidhay isagoon wax dambi ah lagu hayn imikana uu ku xidhan yahay sal dhiga dhexe ee Hargeysa iyadoo laga horjoogo in uu magaaladiisii Burco ku noqdo sidaasaanu Gobolka Togdheer Ku Cadilanyahay Shacabkii Burcana Wuxu u eegyahay in uu sii kala fogaanay o oo shaki lagu kala dhextuuray.

Magaaladda Berbera: Dadka deegaanka ah ilaa bilawgii Xukuumadda Siilaanyo iyo Markii la hindi say dhismaha Warshada Sibidhka iyo Doorashadii Meeyorka waxa ku abuurmay kala shaki iyo d areen ah in Xukuumadda Siilaanyo ka leedahay Ajande Qarsoon oo Beelaysan taasina waxay sii cadaatay Markii aakhirkii bishii 12aad ee sanadkii aynu soo dhaafnay Muwaadin Somaliland u d hashay oo Maalqabeen ah la siiyay (Netfish) sababtayna in qayb shacabka reer Berbera ahi ka gadoodeen kana Mudaharaadeen halkaa waxa ka muuqata in Magaalada Berbera Arinteedu Cakirantahay.

Gobolka M/jeex: waxa Dawladda Imaaraadku ugu deeqday Mashruuc biyo galina kaa soo loogu talo-galay inay waraabiso Degmooyinka aanay Biyuhu soo gaadhin, Mashruucaasina uu hakad galay Markii Dawladu si qaawan u fara galisay taasoo keentay Gadood Shacbi iyo Mudaharaad ku soo beegmay shaqo joojintii Booyadaha Cashuurtii Xaq-darada ahayd ee la saaray.

Waxaa iyaduna jirtay Mashruucii EU-da ee Balaadhinta Biyaha Geedeeble oo dhamaa $24,000 000 (afar iyo labaatan Milyan oo dollar) oo iyaguna hakad galay marii Dawladdu lunsatay $ 2,000,000 (2ba Milyan oo dollar) iyadoo ku mar mar sootay Cilmi Baadhis taasina ay ka cadhay siisay Qaadhaan Bixiyayaashii, waxa intaa u dheer Gobolka M/Jeex arintii Ururkii Xaqsoor oo aan wali la xalin.

Gobolada Awdal iyo Salal: beelaha wada Dagaa waxay ku kala qaybsameen Doorashadii Golaha Deegaanka siiba Degmooyinka Saylac iyo Lughaya kuwaas oo sababay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac, waxa hadana ku biirtay is-afgaran waa ka taagan beelaha wada daga oo ku saabsan Mashruuca Dekada Lughaya waxa isla markaana Beelahaasi aaminsanyihiin Saami qaybsiga Awoodaha Somaliland inay dhinac ka rarntahay oo xaqiiq ah.

Isku soo wada duuboo Xaalada Arimaha Gudaha ee Somaliland markaad u eegto Gobol Gobol Xa aladda dhabta ah ee aan indhaha laga qarsan Karini waa sida aan soo sheegnay.

Siyaasadda Arimaha Dibadda ee Somaliland: waa go’doon waxaanay ku soo biyo shubatay hal ku dheg ah (Walaalaheena Soomaaliya Wadahadaladii dib ayay u dhigeen iyo walaalaheena so omaaliya waynoo yeedheen), Xaaladda Guud ee Dalka oo sidaa u cakiran waxay ku mashquus hay Xukuumadda Siilaanyo Xaraashkii Dhulkii Danta Guud taas oo u muuqata ka gaadhsii shanta sanno ee bilaa nidaamka ah iyadoo wax ala wixii dilaaliin jirtay ee ka faa’iidaysta Xukuumadda ha liita ay Dalka ka soo buuxsameen Khayraadkii Dalkana ay ku iibsanayaan Qiimo Liita,

Waxa kale oo ay Xukuumaddu ku mashquushay Dacaayadaha Xisbiga UCID iyo Shaqsi Dilka Gud oomiyaha Xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe iyagoo kumanaan kun oo dollar xukuumaddu ku bixinaya Lacagtii Cashuurtii Dalka ee laga biyo la’aa, laga Caafimaad la’aa laga waxbarasho la’a a iyaga oo soo ururinaya Dad aan ka tirsanayn Xisbiga TV-yada soo fadhiisinaya oo odhan aya waxaanu iska casilnay Xisbiga UCID iyaga oo aan marka horaba Xil ka hayn.

Hadaba waxa uu Xisbiga UCID ugu baaqayaa Umadda reer Somaliland in laga badbaadiyo Qaran ka Somalilnd hoggaan Xumidda Siilaanyo sidii looga badbaadiyay Hoggaanii SNM.





WABILLAAHI TAQFIIQ





Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax)

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ahna Ku Simaha Xogahaya Guud ee Xisbiga UCID