DALKEENA OO BURBURA IYO WAXAY WADAAN DIB UNOQOSHADII LIXDANKII!!! 

 

“Ma laha mabda’ Mideeya oo aan ahayn magaca Somaliland”.

“Ma jiro waxay maanka ku hayan o an ahayn kursi madaxweyne”.

“Ma jiro Mashruc u hayo iyo Wuxuu kan kale malmo dheryahay”.


Tan iyo intii Jamhuuriyada Somaliland ka guurtey nidaamkii beelaha ee ay udigo rogatey habka asxaabta badan, waxay ahayd mid kasoo raysa marba marka  ka dambaysa marka labarbar dhigo xiliyadii nidaamka qabaliga ah ee sanadihii 1991 ilaa 2002, xiliyadaas oo dalka ay soo mareen dagaalo sokeeye oo dabada ku  hay ay kala riixashada hogaaminta dalka.

Qaadashadii nidaamka axsaabta badani wuxuu ididiilo galiyay inta badan  muwaa diniinta Somaliland oo u arkayay midka ugu haboon ee lagaga badbaadi karo isku dhacyo dambe, Isla markaana lagu gaadhi karo horumar lataaban karo.

Inkasta oo ay xili hore tahay qiimaynta nidaamka asxaabta badan ee Somaliland, hadana waxa marag madoon ah in lagu gaadhay bilow fiican iyo deganaansho nololeed sanadihii lasoo dhaafay, kaasi oo suurto galiyay kor uqaadida sumcada Somaliland ku yeelatay beesha caalamka. Iyada oo aan wali la odhan karin  nidaa mkaasi wuxuu u shaqeeyay sidii loogu talogalay.

Nidaam kasta oo laqaato waxa uu leeyahay dhibtiisa iyo dheeftiisa, waxaanu ubaahan yahay samir iyo wakhti kufilan oo lasiiyo si looga midho dhaliyo. Balse deg dega Somalida guud ahaanba aynu lawadaago ayaa sababay in aynu rajayno beerida midhaha iyo bisaylkooda oo wada socda.

Deg degsiimadaasi waxa uu sababey in isla doorashadii ugu horeysay ee  mada xtooyada oo xisbiga hada talada Somaliland haya ee UDUB kugulaystay uu la kowsaday diidmo kaga timid axsaabtii mucaaridka ee latartamayay siiba xisbiga Kulmiye. Inaga oo liqi kari waynay bar bilowga qadhaadhka uu leeyahay  nidaam ka aynu qaadanay, mararka si gaar ah kuu saacidi waayo.

Kala fogaansho iyo qardoofooyin siyaasadeed oo soo kala gaadhay qoladii  door ashada heshay iyo kuwii laga helay wakhtigaas ayaa bilow unoqday murano macno daro ah oo marba sii xoogaysanay oo udhexeyay xisbiga talada haya iyo xisbiyada mucaaridka ah siiba Kulmiye, kaasi oo aan ku salaysnayn dhaliisha mucaarid dawladiisa toosiya iyo dawlad nasteex u aragto mucaaridkeeda, balse xaalku ahaa in wax walba oo uu badka soo dhigo xisbiga UDUB inta uu talada hayo laga hor yimaado, isla markaana lagu abuuro tuhuno iyo been abuuro aan jirin sidii shacabka loogu kicin lahaa xisbiga talada haya. Halka xukuumada iyo xisbigeeda UDUB na meel iska dhigeen talo kasta oo uga timaada xisbiga Kulmiye noocey doonto ha noqotee.

Midi midi kutaaga maalintaas bilaabmey ayay dadka siyaasada rog rogaa u sibir saaraan siyaasada labada xisbi oo aan wax buuran ku kala duweyn, iyo saaxiibo isqaniiney oo dano shakhsi kala kaxaysay, iyada oo taasi marag looga dhigo isweyd weydaarashada madaxda sare ee labada xisbi oo kii shalay Kulmiye ahaa manta UDUB yahay, mid UDUB ahaana manta Kulmiye lagasoo helayo. Waxayna nidaamkii axsaabta badan ee horumarinta dalka ubadaleen aargoosi  siyaasad eed iyo isdaba wareeg dhexdooda ah, iyada oo shacabkuna uyaqaanaan  labad an xisbi wasiiradii shalay (Kulmiye) wasiirada manta ( UDUB).

Xisbiga Kulmiye oo lagu dhawaaqey sadex maalmood uun kadib geeridii  Gudomiy ihii ugu horeeyay ee UDUB marxuum M.X.I.Cigaal ayaa lasheegaa inuusan haysan wakhti badan oo lagu diyaariyo barnaamijyo qoto dheer iyo qorsheyaal uu kaga duwanaado xisbiyadii wakhtigaas jirey oo ay kamid ahaayeen UDUB iyo UCID. Taas badalkeeda waxay magacyada uun kabaaleen copy lagasoo min guuriyay barnaamikii siyaasadeed ee xisbiyadii jirey. Halka meelo aan badnayn oo ay  diira da saarayeena wax kudareen.

Isku milanka UDUB iyo Kulmiye ee dhinaca siyaasiyiinta isweydaarta, kujiqsiin iyo kala jabinta, iyo kala Copy iyo paste gareyn barnaamijkooda siyaasadeed wuxuu sababey in dantii guud kulunto, oo ay labadooda uuni qoorta iska lushaan. Waa siyaasiyiin Kulmiye katirsan horena uga tirsanaan jirey UDUB oo markii xilka laga qaadey galey Kulmiye oo maanta u arka in geeloodii UDUB cirka ku maalayso, iyo siyaasiyiin UDUB ah iyo kuwo hore Kulmiye uga tirsanaa oo maanta UDUB ah, kuwaasi tu kasta oo Kulmiye soo dhigo ka dhex uriya kuqisiin iyo kicin dadweyne.

Mawqifyo kala durugsan oo aan wali soo shaac bixin oo xisbiyada mucaaridka ahi wataan iyo mid kale oo ay xukuumada talada haysaa kaga hortegayso ayaa caqabad ku ah xal laga gaadho wakhtiga dhow muranada taagan. Xisbiyada mucaaridka ahi waxay is tuseen in aan manta lajoogin wakhti doorasho kale lala galo xisbiga UDUB oo awoodii dawlada oo dhan haysta, horena ay usoo arkeen, waxayna badalkeeda hoosta kusitaan qorshe dhagaraysan oo dhigaya in  wakh tiga laga rido xukuumada UDUB, inta kahoreysana buuq lagu abuuro ilaa lasoo gaadho dhamaadka wakhtiga xukuumada talada haysa.

Waxay mucaaridku kamidaysan yihiin in hadii xukuumadu doorasho diyaariso  aa nay kaqayb galin, iyagoo marmarsiiyo kadhigta in dawladu isticmaasho  hantida qaranka ee loo siman yahay, waxayna door bidayaan iyaga oo aan u eegin waxa sharcigu ka qabo in talada dalka loo dhiibo cid dhex ah, kadibna sadexda xisbi oo dibada kajooga maamulku ay galaan doorasho, halka dhinaca kalena xukuumada Somaliland isha kuhayso isku dayada mucaaridka. Waxayna dhinacooda  diyaari yeen qorsheyaal dhawr ah oo ay kaga hortagayaan.

Kuwaasi oo ah In mar hore xukuumadu wado kasta oo doorasho ku dhici karto isku daydo, xataa hadii ay ku kalifayso inay kaligood doorasho galaan, in hadii ay suurto gal noqon waydo doorasho dhacdaa, ayna kafursan doonin kordhin  dam be oo guurtidu samayso, si ay taasi ugu suurto gashana ay xal u helaan  diidma da mucaaridka galida doorasho bilaa diwaan galin ah iyo suurtogal nimada hadii ay taasi diidaan kordhinta guurtida ee xilka madaxweynaha.

Maanta oo lataagan yahay dhamaadka mudadii wakhtiga loo kordhiyay xisbiga talada haya si doorasho loogu diyaar garoobo oo aan ilaa manta aanay muuqan wakhti loo cayimey in doorasho lagu qabto kadib is maandhaafka uu sababey fashilaadii kutimid diwaangalintii qaranka ee komishanku laaley, kala  fogaans haha damaca ku qotoma danaha shakhsiyeed, xisbiyeed iyo kooxeed ee  dhinac yada is hayaa waxay horseedi kartaa qalalaase aan hadhow laqaban Karin.


Sidaa darted waxa la gudboon inta nasiibka uyeelatay inay kawada hadlaan  ma siirka dalku in ay tixgaliyaan malaayiinta reer Somaliland ee jecel horumarka  dal kooda, aadkana u neceb muranka madhalayska ah ee wakhti badani hore  inag aga lumey.

Allaa mahadleh
 

 

 

Ahmed Ismail Abdi (Haji)