Dalku Yuu Sugayaa Dadkuse Yay Sugayaan?

Waa Su,aal Utaala Siyaasiyiinta Soomaaliland Ee Kursi Raadiska Cajeladii Kaga Goday

Dalkan Soomaaliland Markaad Dib U Milicsata Marxaladihii Kala Duwanaa Uu Soomaray

Oo Ahaa Kuwo Aad U Qadhaadhaa Jeesiyaal Badanina Ku Nafwaayeen Iyo Caruur Iyo Maato

Kalee Badaniba.


Taas Oo Raacsanayd Ama Odhan Karo Wuxuu Ahaa Mid Kasaare badani Soo Gaadhey Oo

Naf Iyo Maalba Isugu Jiraa laakiin Waxaad Moodaa Markaad Sida Kale U Eegto Inuu Yahay

Mid Nasiib Badan Oo Ka Badbaadey Wax Yaabaha Kasocda Dalka Ay Jaarka Yihiin Ee Walaalohood Ah

Ayna Mudan Tahay Waxaan Illaahay Ugu Mahad Naqno.


Hadaba Markaan eegno Mudooyinkan Danbe Waxaad Arkaysaa Inaan Hanaan Usocodkii ama Citiraaf

Raadintii Dalkan Isaga Ah Ay Ka Xoog Badnaatay Keli Danaysinimadii Taas Oo Aad Ku Arkayso Siyaasiyiintii

Soomaaliland Oo Cararaya Hawl Galkoodaas Oo Ku Salaysan Mid Shiqsinimo Taas Oo Ka Saartay meesha

Danta Caamka Aahayd Ee Ahayd In dalkan Loo Qabta Habkii Loo Midaysnaan Lahaa danta guud.


Waxaa kaloo Isweydiin Gaar Ah Mudan .

Inaad Kursi Raadisaa Ma Xumee Miyaanay kasii Wanaagsanayn Meeshii Sinaanta Lahayd ee Aad Ku Fadhiisan

Lahayd Kursiga Inaad Raadisaa Miyaanay Kasii Haboonayn Mr Kursi Ku Hadaroow.

Miyaanay Haboonaay Dadka Aad Xukumi Doonto Waxaad Siigashan Lahayd Inaad raadisaan Si Laydinku Soo Joogsado

Markastoo Aan Wararkiina Dhegeystoba Manoqdaan Kuwo Aniga Shacabka Aad Kasoo Jeedaanba Farxad nagu

Abuura Waxaana Qabaa Inaa Farxad Iyo Wanaag Nagashataan waa Mid Idinka Anagaba Iyo Dalkaba U Wanaagsan

Laakiin haddaad Kursi Iska Jeclaataan aan Qodaxda laga sii Xaaqin Waafeerta Galoolka Ayaa Badhida Idinka

Mudi Doonta Taasi Intaanay Dhicin Sidii Looga Wada Shaqayn Lahaa wada Hadal Iyo Afgarad Baa Ka wanaagsan.



Waxaa kaloo Shacabka reer soomaaliland Ee Macaanka Badan Kula talin Lahaa Inay Maskaxdooda Tuujiyaan

Iskana Ilaaliyaan Maskax Qof Kale Oo dan Iyaga kalihi Iska soo Tuujiyey Inuu Ku Shubto Wax kasta waxaa

Fiican Inay danta guud Ka Hormariyaan Iyadoo Sinaan Iyo Cadaalad Ku Dabaqaya Iskana Ilaalinaya

Inay Is Kala soo Caan Ama Cid Gaari Ku Guurto Ama Si Raadiyihii Maxadad gaara geysato.


Ugu Danbayntii Waxaan Jeclaan Lahaa Aqrista Yaal Inaan Mudnaanta Siino Anoga iyo Idinkuba Inaan Dalkan

Wax Qabadkiisa IOsugu Duubnaano Sidaan Horumar Taama Iyo Citiraaf Uhelid Ugu Guulaysan lahayn.

Waxaa Eebahay Inagu Beeray Dalkan Soomaaliland Oo Ah bogcad Aad iyo Aad U wanaagsan

Qayraad Badanina Ku Jiro Hadaba sidaan Uga wada Faa,iidaysan Lahay Isagana Ugu Faa,iideyn Lahayn Aan

Umidaysnaano Insha,allah.

Gudoomiyaha Xusbiga Kulmiye Ee Wadanka Holland

Xasancade