Dallada Heer Qaran Ee Ururada Dhallinyarada Somaliland Ee Sonyo Ayaa Maanta Soo Saartay Baaq Culus Oo Ku Aadan Doorka Dhallinyarada Ee Kaqaybqaadashada Tallada Dalka.

 

Sidaasina waxaa lagu sheegay baaq culus oo ka kooban 18 qodob oo hogaanka sare  ee  D allada Dhallinyarada Somaliland Ee Sonyo ay maanta ka soosaareen Kullan lagu falan  qayna ayey doorka Dhallinyarada iyo Ka qaybgalka tallada Dalka Kaasi oo maanta Ka dhacay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa,waana Kan baaqaas oo faah faahsani




BAAQA DHALINYARADA EE KA QAYBGALKA TALADA DALKA


Sonyo Umbrella




Jan. 2010

Hargeysa, Somaliland




Gogoldhig

Dallada dhalinyarada Somaliland; Sonyo oo ah dallad mutadawacnimo, horumar, aadaminimo iyo eex la’aaneed, isuna abaabushay xoojinta dhalinyarada Somaliland, Waxa ka go’an wacyi galinta, horumarinta, dhismaha awooda waxqabad, abaabulista iyo isku xidhka dhalinyarada Somaliland iyo bulshada oo dhan.

Dallada oo door muhiim ah ka ciyaaraysa horumarka dhaqaale iyo bulsho iyo dimuqraadiyadaynta Somaliland, diiradana ku haysa ka wacyi galinta HIVAIDS; joojinta gudniinka fircooniga ah; kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha; taagerida ciyaaraha iyo waxbarashada dadban; dhaqanka iyo deegaanka adeegsanaysana la taliye farsamo; Hassan Suudi,

Oo ay hagayso shuruucda u yaala dalkeena jumhuuriyada Somaliland, uguna horeeyo Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dhaqangalkaa;

Ku hanwayn in dhalinyaradu ka tahay 65% dadwaynaha Somaliland qiyaas ahaan, taasina ka dhigantahay khayraad dihin oo Somaliland u soo koraya;

Ka faa’iidaysanaysa xeerarka dalka ee u danaynaya dhalinyarada una fududaynaysa inay xuquuqda u doodaan;



Xasuusan xanibaadaha sharci ee dhalinyarada ka hortaagan qabashada ama u tartanka golayaasha qaranka, iyo xanibaadaha aan sharciga ahayn ee dhalinyarada ka hortaagan qabashada xilalka sarsare ee hay’adaha fulinta heererkooda kala duwan;

Ka jawaabaysa baahiyaha dadka qaba baahiyaha gaarka ah, dadka dalka gudihiisa ku barakacay (IDP), naafada, dadka la haybsooco;

Higsanaysa ahdaafta, rajooyinka iyo qiirooyinka ay u tartamayaan dhalinyarada afrika, laguna muujiyay Axdiga Dhalinyarada Afrika ee soo baxay 2006;

Ku xisaabtamaysa Barnaamijka Aduunka ee Wax u Qabadka Dhalinyarada ee ahmiyada leh kana mid yihiin waxbarashada, shaqo u abuurida, la dagaalanka gaajada, daryeelka caafimaadka, ilaalinta deegaanka, xakamaynta maandooriyaha, sixida caruurta sharciga khilaafta;

Wuxay Soo Saartay Baaqan Hoos ku Qoran:



QAYBTA KOOBAAD

Mabda 1aad

Dhalinyarada Somaliland waa muruq aadame oo kaydsan, waxaanay xaq u leeyihiin ka qaybgalka go’aan gaadhista gaar ahaan go’aamada la xidhiidha dhalinyarada mustaqbalkooda, aadaminimadooda amaba si uun ula tacaluqda arimaha dhalinyarada

Mabda 2aad

Dhalinyaradu, ka sakaw xuquuqda ay la wadaagaan muwaadiniinta, waxay leeyihiin xuquuq dhalinyaro sida ku cad Qod. 15 ee dastuurka, sidaas awgeed waa waajib in loo sameeyo fursado u saamaxaya inay door ka ciyaaraan arimaha dalka

Mabda 3aad

Waxbarashada, caafimaadka, shaqo abuurista, ka qayb galinta dhalinyarada, sinaanta lab iyo dhediga, nabada iyo amniga, garsoorka iyo caruurta sharciga khilaafta, degaanka, ciyaaraha iyo madadaalada, ICT iyo edegaynta, farshaxanka iyo dhaqanka, iyo arimaha tahriibka waxa loo aqoonsaday waxyaalaha ugu muhiimsan dhalinyarada sida ku cad siyaasada dhalinyarada qaranka

Mabda 4aad

Ka qaby galinta dhalinyarada ee talada dalka waxay gaadhsiisantahay siyaasida, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo shuruucda

Mabda 5aad

Iyadoon lagu xadgudbayn shuruucda u taala dalka ama xaqa sharci dejinta, waa inaan la samayn, lana soo saarin xeer baarlamaan, xeerar hoose, ama digreeto lagu xanibayo ama yaraynayo ka qabygalka dhalinyarada oo cadaalad ku timid

Mabda 6aad

1. Xirfada iyo khibrada shaqo oo keliya ayaa lagu go’aan qaadanayaa marka la raadinayo xirfadle (professional), masuul ama shaqaale,

2. da’da iyo jinsigu (sex) xidhiidh lama laha hadii sidaa cagsigeeda aan loogu baahan sabab suurtagal ah oo sharciga ku banaan



Mabda 7aad

Ka qabygalinta talada dalka ee dhlinyarada looma adeegsan karo dacaayad xisbi, urur ama koox si loogu gaadho hadaf siyaasi ah ama mid dhaqaale oo lagu halo sifo sharci daro ah

Mabda 8aad

1. Waxa reeban in xisbi, urur ama koox ku soo jiidato dhalinyar balanqaad maandooriye amaba inuu u furo meelo loogu qaybiyo maandooriye,

2. maandooriyuhu wuxu iska hortaagaa dhalinyarada shaqada, dedaalka, akhlaaqda, fikirka fayaw, caafimaadka iyo waxbarashada, waxaanu u horseedaa baahi joogto ah iyo ku tiirsanaan cidkale



Mabda 9aad

1. Dhalinyaradu waxay ku baaqayaan in wax laga qabto ama xal loo helo xanibaadaha sharciga ah ee ka hor taagan ka qaybgalka talada dalka;

2. xanibaadaha sharciga ah waxa ka mid ah: Qod. 41(2) iyo 59(1) ee dastuurka jumhuuriyada Somaliland, Qod. 33(4) ee xeerka doorashada madaxtooyada iyo dawladaha hoose iyo Qod. 15(3) ee xeerka doorashada golaha wakiilada



Mabda 10aad

xoojinta wadaniyada dhalinyarada waxa lagaga hortagi karaa maandooriyaha, qabyaalada, tahriibka iyo dhaqan bi’inta

Mabda 11aad

Dawladu waa inay xil iska saarto dhamaystirka iyo hirgalinta siyaasada dhalinyarada qaranka

Mabda 12aad

Dawladaha hoose, markay qorshaynayaan degsimooyinka, waa inay ku xisaabtamaan danta guud oo ay ku jirto meelaha dhalinyaradu ku ciyaaraan ama ku madadaashaan


QAYBTA LABAAD

Mabda 13aad

1. Iyagoo u maraya si sharciga waafaqsan, dhalinyaradu waxay xaq u leeyihiin inay ku dadaalaan inay iska caabiyaan xanibaadaha la hordhigayo si ay uga qayb galaan talada dalka

2. Waxa reeban wax kasta oo dhalinyaradu ku khalkhal galinayaan nabad gelyada, kala danbaynta, is hogaaminta iyo isu hogaansanka si ay u gaadhaan hadaf ama u muujiyaan dareenkooda



Mabda 14aad

1. Dhalinyaradu xuquuqdooda ka qaybgal waxay ku gaadhi karaan ama dareenkooda ku cabirikaraan oo keliya si waafaqsan shuruucda dalka, kana hor imanayn madax banaanida dalka, dimuqraadiyada, iyo qiyamka bulshada,

2. si waafaqsan Qod. 74(3) ee dastuurka jumhuuriyada Somaliland, dhalinyaradu waxay gudbin karaan biil sharci (bill of right), sidoo kale waxay gudbin karaan dacwad sida ku cad Qod. 28aad iyagoo isu abaabulaya ururo, dallado, iskaashatooyin ama gudiyo



Mabda 15aad

Dhalinyaradu waxay diyaar u yihiin inay is hogaamiyaan, isna qanciayaan marxalad kasta si ay kor ugu qaadaan awoodooda waxqabad

Mabda 16aad

Dhalinyarada, lab iyo dhedig, way u siman yihiin baaqan, ka sakaw wixii midkood si gooniya loogu gaar yeelay xeerarka dalka

Mabda 17aad

Dhalinyaradu waxay si ficil ah ugu dedaalayaan joojinta haybsooca lagu hayo qayb ka mid ah bulshada



Mabda 18aad

Baaqan looma turjumi karo si u danaynaysa koox, urur ama xisbi, ama si laysugu hortaago xuquuqda qayb bulshada ka mid ah


DHAMAAD







Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland