Bannière SSE - Sociétés Somaliland en Europe | Connecting Communities Somaliland

 

 

Taariikh: 21/11/2017

Tixraac:  SSE/DK 068/21112017

 

Dallada SSE oo dhambaal hambalyo ah u direysa Madaxweynaha la doortey

 

Dallada SSE oo ay ku bahoobeen ururrada Somaliland ee Yurub waxa ay baaqan ku soo gudbinayaan dhambaal hambalyo oo ku wajahan Madaxweynaha la doortey Mudane Muuse Biixi Cabdi oo noqonaya Madaxweynihii shannaad ee la doorto tan iyo intii ay Jamhuuriyadda Somaliland la soo noqotey madax-banaaanideeda. Dallada SSE waxay hambalyo taa la mid ah u dirayaan Cabdiraxman Cabdillahi Saylici oo isna loo doortey xilka Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dallada SSE waxay baaaqan hambalyada ah si dareen togon ku jiro ula wadaagayaan dhammaan shicibweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo iyagu ah kuwa xaqiijiyay guusha manta la gaadhay.

Waa guul taariikhiya in dadka reer Somaliland tartan xor iyo xalaal ah ugu tartameen doorashada Madaxweynaha oo Somaliland ka qabsoontey 13kii bisha November 2017. Waxay aheyd doorasho ku qabsoontey jawi nabadeed isla markaana shicibka Somaliland ay si mas’uuliyadi ku jirto ugu soo dareereen maalintaa si ay u codeeyaan. Doorashada Madaxweynaha Somaliland waa guul u soo hoyatay dhammaan manadqada Geeska Africa isla markaana ah tusaale ku dayasho mudan.

Dallada SSE waxay baaaqan hambalyada ah uga faa’iideysanayaan inay si gaara ugu mahadnaqaan guddiga ama Komishanka doorashada Madaxweynaha Somaliland oo mas’uuliyad iyo xilkasnimo xirfadeeddu sarreyso  muujiyay si ay doorashadani u qabsoonto si nabadda isla markaana natiijadeedii u soo saarey qaab ay wada aqbaleen dhammaan asxaabtii ku tartamayay doorashada.

Mahadnaq taa la mid ah ayaanu u soo gudbinaynaa dhammaan mas’uuliyiinta Xisbiga Waddani iyo Xisbiga UCID oo si wadajir ah u aqbalay natiijada ay ku dhaqwaaqeen guddiga  doorashadu. Ciidanka nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaan marnaba la hilmaami karin kaalintii ay ku lahaayeen in doorashadu ay ku dhacdo jawi xasiloon.

Gunaanad

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortey ayaanu Ilaahay uga baryaynaa inuu u sahlo xilka loo igmadey oo ah waajibaad culus.  Waa xil ballaadhan oo aannu u rajaynayo in Ilaahay u fudeydiyo. Dallada SSE iyada oo kalsooni ku qabta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortey ayaannu kula dardaarmaynaa inay ku baraarugsanaadaan cabsida Ilaahay iyo inay la yimaadaan dedaal aan hagrasho lahayn iyo talo saarasho Alle. Waxa aannu Ilaahay uga baryaynaa inay noqdaan kuwo horseeda mustaqbal cusub oo jawaabo ka bixiya baahiyaha aasaasiga ah ee ay wax ka qabashadooda si aada u tabayaan dadka reer Somaliland.

 

 

 

 

 

Guddiga fulinta ee Dallada SSE

www.sseuro.com

Tel:45 25 53 93 15