Danjiraha Somaliland u Magacowday Imaaraadku Waa Xudunta Isku Xidhaya Iskaashiga labada Dal

 


 

Madaxweynaha Somaliland markii uu arkay in dalka Imaaraadka carabtu uu yahay dal weyn oo siyaasiyan ay tahay inaynu kasbanno oo aynu hantino si ay dalkeenna dib u dhismayaa u ga helo mashaariic waaweyn oo ay wax inagala qabtaan iyo inay fure u noqdaan xidhiidh ayn u la yeelano wadammada dunida carabta, waxa uu 30-kii Bishii June magacaabay danjiraha S omaliland u fadhiyi doona imaaraadka carabta, kaasi oo loo magacaabay aqoon-yahan dhalli nyaro ah oo la yidhaahdo Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Inkasta oo dadka muraayadda naxliga indhaha ku sitaa ay wakiilka cusub ee Somaliland ka u riyaan qoyska madaxtooyadda ee uu ka soo jeedo, haddana waxa dadweynuhu u arkayeen in baahi weyn Somaliland u qabto in imaaraadka ku yeelato wakiil rasmi ah oo karti iyo aqoon leh oo siyaasadeenna u iibgeeya wadankaas i isla markaana innoo soo jillaaba mashaariic wax ku ool ah oo ay innaga saacidaan. Waxa dadka fikirkan qabay ku doodayaan in danjiraha cusubi uu yahay mid leh kartida iyo sifooyinka laga doonayo qofka halkaas oo kale Somaliland u fadhiyaya yeesho.

Nasiib wanaag waxa uu noqday Baashe Cawil Xaaji Cumar wakiilkii ugu horeeyay ee safiir So maliland uga noqda dalalka carabta ee ay danjirenimadiisa ay ajiibeen dawladda Imaaraadka carabtu. Haddaba mudadaas kooban waxyaabaha u hirgalay waxa ka mid ah qodobbadan:-

A)- In Dawladda Imaaraadku carabtu ay si rasmi ah u aqoonsato wakiilnimadda safiirka Som aliland, arrintaasi oo aan ahayn mid fudud, balse ka dhalatay juhdi badan oo xukuumaddu sa maysay.

B)- Waxa iyana mudadan gaaban suurto-gashay inay dawladda Imaaraadku ay kaga soo ja waabto dalabkii madaxweynaha ee dhinaca abbaaraha muddo ka yar toddobaad, waxaanay wefti rasmi ah oo ka socday Hay’adda KHALIIFA FOUNDATION (Hay’adda Kheyrigaa ee Dawla da Imaaraadka Carabta), kuwaasi oo gacan weyn siinaya Guddida heer qaran ee taakulaynt a dadka abbaaruhu hayaan.

C)- Waxa kale oo qorshaha dhow ku jira inay hirgeliyaan qorshihii biyo balaadhinta caasimad da Hargeysa.
 
Dabeecadda dublamaasiyadda ayaa dhaqankeedu yahay in hadba dalka ay dawladdu doona yso inay iskaashi wax wada qabsi la yeelato inay geysato safiirro hal abuurnimo leh oo ka sh aqayn kara inay isku xidhaan cilaaqaadka labada dal. Runtii waxa aan dareemaynaa in qaabk a dawladda Imaaraadku ula shaqaynayo Somaliland ay tahay mid ka dhalatay dedaalka bilo wga ah ee uu ku hawl-galay danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar.

 



Maxamed Aadan Cabdilaahi
Hargeysa,Somaliland