Danta Guud Wax-qabadkiyo, Dalka Horumarkiisuu, DAHABSHIIL U yahay Koow!!

 

 



HOR-DHAC.

Shirkadaha Ganacsiga ee Waddaniga ahi waa qaar ku kala geddisan kaalinta ay ka qaataan  horu marinta arrimaha bulshada. Ganacsiyaduna waa qaar u kala faa’iido badan ummadda. Shirkadda DAHABSHIIL waxa ay ka mid tahay shirkadaha hormoodka u ah kobcinta iyo ka qayb-qaadasha da arrimaha bulshada, iyada oo shirkaddani tahay SHIRKADDA KOOWAAD EE KA QAYB QAADATA HORUMARINTA ARRIMAHA BULSHADA, sida lagu daah-furay cilmi-baadhis ay sameeyeen urur waddani ahi.

Waxa laga wada marag-furayaa in ay shirkadda DAHABSHIIL door muhiim ah ka qaadatay  horu marinta arrimaha bulshada ee Somaliland, iyada oo intaas dheertahay in ay shirkaddu taageero laxaad leh u fidiso qaar ka mid ah dalal aan ahayn Somaliland. sida aynu warbaahinta ka  maqal no, akhrino ama daawanno marar badan. Taakuloyinkaasina waa kuwo muujinaya sida ay  shirka ddani caalami iyo caanba ugu tahay horumarinta arrimaha bulshada, iyada oo waxtar badan u leh Somaliland iyo caalamka kaleba.

Waxa ay ahayd sannadkii 2009 markii ay Urur cilmi-baadhiseedka uu magaciisu yahay Somaliland Research Center (SRC) ay sameeyeen qiimayn iyo xog-ururin ku saabsan Wasiirka ugu wax-qab ad badan xukuummada, Sheekha ugu hawlkarsan culimada Somaliland marka la eego dhanka  arri maha bulshada iyo waddaniyadda, Shirkadda ugu wax-qabadka badan dalka, haweenayda ugu  fi rfircoon haweenka Somaliland, iwm. Cilmi-baadhistaas waxa ay ururku ku ogaadeen in shirkadda DAHABSHIIL ay tahay shirkadda ugu wax-qabadka badan shirkadaha waddaniga ah, Sheekha dalka ugu dedaalka badanna waxa ay ururkaasi u aqoonsadeen Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Siiro), Haweenayda ugu firfircoon Somaliland-na waxa loo aqoonsaday Marwo Edna  Aad an Ismaaciil, Wasiirkii ugu waxqabadka badnaa golihii wasiirrada ee horena waxa uu noqday Cali Maxamed Warancadde, oo xilligaas ahaa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka ee Somaliland.

Haddaba waa su’aal ee sidee ayay shirkaddani ku noqotay shirkadda ugu wax-qabadka badan shirkadaha dalka? Muxuu DAHABSHIIL ummadda u qabtay? Faaiido noocee ayay dalka u  leeda hay DAHABSHIIL? Shirkaddani ma tahay mid umadda ku maal-gelisa hantideeda?, su’aalahaas waxa is-weydiiyay bahda Akadamiga ERA, aakhirkiina waxa soo baxay xog ku saabsan kaalinta uu DAHABSHIIL ugu jiro ummadda, taas oo runtii ah kaalin aad u culus. Xogtanina waa mid si  wa yn u taageersan qiimayntii ay sameeyeen Somaliland Research Center.

Intii uu Akadamiga ERA ku guda-jiray ururinta sida ay DAHABSHII ku noqotay shirkadda ugu  wa x-qabadka Somaliland, sida lagu daah-furay cilmi-baadhistii SRC, waxa ERA u suurtogalay in ay ogaadaan kaalmaha muhiimka ah ee ay shirkadda DAHABSHIIL ka qayb qaadatay sannadkii  dha mmaaday ee 2010. Doorarkaas waxa ka mid ah nadaafadda, caafimaadka, waxbarashada, darye elka derbi-jiifka iyo dhinacyo badan oo kale.

Qormadani waxa ay hordhac iyo fure u tahay qormooyin dambe oo aanu insha Allah ku eegi  doo nno qaybo ka mid ah doorkii ay shirkadda DAHABSHIIL ka qaadatay horumarinta bulshada sann adkii dhammaaday ee 2010.
 

 


Education and Research Academy (ERA)
Hargeisa, Somaliland
eraorg@ymail.com