DARDAARAN WALAALEHEEN WALAWEYN

 




Walaalahayo Walaweynoow samir iyo iimaan; kow iyo labaatan malyuun oo faatixo dhaafsada midnimo Soomaaliyeed oo dib u aragtaan. Shalay iyadoo midnimadii lagu galbinayo gabay, geera ar, heeso, iyo kalgacal walaaltinimo ayaa subax arooryaad goofkii Xamarweyne lasoo joojiyey. Isweydiiya sababtii himiladii ummadda Soomaaliyeed hungada u noqotay? Ayaa loo geedsaaraa guuldarada qowmiyadda Soomaaliyeed ku habsatay? Masuuliyadda burburka iyo baaba'a geyiga Soomaaliyeed aafeeye waxa iska leh reer koonfureed markay aragtidoodii ku soo ururtay hungu ri laba dhuumoodle ah oo ka mataanaysan xag siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Seddexdii maqnaa ee soo socday halkay ku dambeeyeen? Mar haddii caqligii Aadamuhu noqday hungurigaa labada dhuumoodle ee midba midka kale la gaadayo dabinka saansaan dowladnimo idinka dheer.

Maantana waxa la is weydiinaya waar horta qowmkan maankii iyo miyirkiiba kaga doorsoomeen raadgoobista midnimo Soomaaliyeed ma shalay wax iska hagranayeen? Miyaanay ahayn kuwii a abayaashood iyo adeeradood uubta dheer ku rideen? Ilayn waxaan adduunyada loo maaro helin nimaan qabsoomayn oon qancayn, oon quusanayn. Toloow miyaanay maqal oon dhegoodu u nug layn: Waar Soomaaliyi kala quusatee qoomamo la'aada! Weydun daali durbaanada midnimada a ad ugu dayaansiiya madaama ay taasi tahay arrinta keli aha ee Soomaali konfureed ka midaysan tahay. Jidka aad heysaan wuu dheeryahay, dhib iyo halaag badanyahay e ilaa inta suurta Illaa hay la afuufayo toobiyaha ad haysaan dib ha uga soo laabmina, durduro iyo xawligana aad u sii badiya.

Aadamuhu hadduu runta naftiisa u sheegiwaayo, noloshiisa ay sideedaba khasaare u ah, waxase lama arag ah marka ummad dhan oo sheekh iyo shariifba lihi wax qanciya, ama quusiya la waayo, oo yoolkeedu noqdo xaajo aan waxba ka hirgelayn mededaalo iyo maaweelo laga dhigto muddo dhowr iyo labaatan sannadood ah. Waalahayow Soomaali Konfuureed ama Walaweynba kartidoo dii iyo awoodoodii waxay noqotay SOMALILAND MA JIRTO; MIDNIMADA SOOMAALIYEED WAA MUQADAS; IYO WAXYAABO INTAA KA SII LIITA. Runta haddii la isu sheego waxa quman in wax lagu qaato, haddii kale xaalku waa sida Qur'aanka Kariimka ah lagu sheegay Suuratul Isra', Aayadda 71:"Wa man kaana fii haadihii acmaa fahuwa fil aakhirati acmaa wa adalu sabiilaa."

Maanta sheeko Soomaaliweyn oo dib u hanaqaadaysaa majirto oo godkii Soomaali koonfureed ku ridday ayey gunta ugu jirtaa oo cid badbaadinkartaa ma jirto; lix iyo toban jeer oo hore ayaa gogol nabadeed la iddin fidiyey, intaba natiijadeedii waxay isugu biyo shubata bar kuma taal iyo khasaare. Ilaa inta reer koonfureedoow runta isu sheegaysaan ee idinku yeelanaysaan lahaansh a dib-u-heshiinta, waxba idiin suurto gelimaayaan oo konton sannadood ayaydun ku jiridoontaan diihaal, dagaal sokeeye oo daba dheeraada, colaad demiweyda, qaxootinimo iyo daaduun hadba beesha caalamku u dewerto. Magac xumi hore ayuu ugu lammaana dalkii la odhan jirey Soomaali ya: QABRIGII GARGAARKA BEESHA CAALAMKA. Inta aad iska indho tireysaan in aad indinku mindi da daabkeda qabataan oo taladiina la wareegtaan, hadba shir meel la idiinku qabtaa waxba idii nsoo kordhinmaayoe wisheysiga iyo waraabuhu ha idin haaligo.

Xiligii la isku beerlaxawsan jirey Soomaaliyeey tooso isku tiirasada wey dhammaataye si fiican madaxiina ha uga daadegto, haddi kale sida kaa Qur'aanku sheegay ee if iyo aakhiroba ku indho la' iska ahaaada. Shirka magaalad London ee cariga Ingriiska lagu qabanayaa raju intee le'eg ayuu usoo kordhin walaaleheena reer konfureed, marka aynu ka duulo talada qabqablayaasha Gacan-ku-Rimiska ku Meelgaadhka e wadaad Shariif iyo Cabdi-weli-Tagsiinle.

Seddexda Qodobad ee labadan masuul talada shbirka ku darsadeen ayaa ah:

In ahamiyadda koobaad ee gogoshu noqoto ka midho dhalinta dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed oo loo dhanyahay, oo Soomaaliyi gadhwadeen ka tahay!;
In xukuumadda Ingriisku awoodeeheeda dibloomaasiyadeed iyo siyaasadeed adeegsato si ay Somaliland u keento miis wadahalka, iyadoon ahayn goob jooge, lakiinse qeyb ka ah nabadaynta;
In si straatijiyadaysan loo eego arrimaha huriyana dhibta Soomaaliya ka taagan iyo sidii looga gaashaaman lahaa dhibaatadaa soo noqnoqonaysa.


Walaalahayo reer koonfureedo inta aad fikirka sidaas ah qabtaan waxaydun gudaysaan gudcur magangooyo; tiisaba daryeela tu kale ku dara ayaa hore loo yidhi; ogsoonaada shirka London iyo kuwa ka dambeeyaba cid la sandulaynayaa ma jirto, been ha isku maawwelinina e wixii idinla gudboon haka warwareegin e halka salaadu idiinka xidhmi la'adahay toos u abbaara. Taladii qar an idiinku dhismi lahaa waxa u loogteen gacan shisheeye; taasina waxay idin dhaxashiisay hadba in maamul dibad lagu soo yagleelay in dusha la idnkaga keeno. Maamuladaasina waxay noqdeen qaar aan ka turjumayn rabitaanka dadweynaha; ka dibna si hadba ka maalintaa talada hayaa cimri dherer uga dhigto ku dheganaanta kursiga aragatidiisii waxay dhaafi la'dahay ciidan shiishe eye oo ummadda addomiya la igu caawiyo oo caalamku ha maalgeliyo. Ummadda loo talinayaa ra ali ma ka tahay in cudud ciidan shisheeye lagu muquuniyo? Jawaabtu waa maya.

Laba iyo toban sannadood Soomaali Koonfureedee waxa qoorta la idiin sudhay koor la magac ba xday 4.5 Qaacidada awood qaybsiga Beelaha marna Gobolo been abuur iyo isku dhererin ah; waxa ilaa maanta awoodi kariweyden in aad koortan iska furtaan oo la timaadaan qaab aad wax ku qaybsataan oo idinku iska leedihiin oo ka duwan kan sanqadhiisii idin dhego tirtay. Koortan idin sudhani waxay sadbursiimo sharci darro ah siinaysaa koox tiro yar oo magac madhan saami ku dooneysa. Arrimahaasi waa dabarka iyo guntimaha taladiina garba duubay.

Waxa intaa soo raaca ee loo haqal taagayaa waa madasha oo la filayo in qaraamaad lagaga yab ooho si loo dardargelyo dowlad Soomaaliyeed oo loo dhanyay. Waa dededaalo kow iyo labaatan sannadood soo jirtey oo marka aynu eegno dhaqaale burburka adduunka ka dhacay waxaba iska yar dowladaha reer galbeedka dal dhaqaale hidin kara. Midowgii Yurub labadii matoor ee jiidayey dhaqaaluhu( Jarmalka iyo Faransiiska) wax ay la daala dhacayaan kaabista dhaqaalihii Giriiga, Tal yaaniga, Isbaanishka, Boortaqiiska, iyo Iyrland oo Miisaaniyadoohoodii iyo daymankii lagu lahaa iska bixi kari la'.

Haddiiba sanduqaa lagu yaboohidoono wax ku so dhacaan, ha filina in gacanta loo geliyo maam ulkeeda Soomaali, sababtoo ah dunidu meesha musuqmaasuqa ka jira wey ogsoontahay, wax la isku aaminyaa ma jirto; taladeeda waxaad marti uga tihiin shisheeye idiin yeedhiya OO HALKA SHILINKU KU BAXAYO QALIN IYO XISAAB LABA JOOGA, ninka boorso weyn usii tolanaya khasnadihii Reer Galbeedka ayaa soo butaacidoona oo dunidaba doolar ayaa hadhayn adiguna war moogatahaye dib isula xisaabtan.

Hadal iyo gunnaanad: Sida Walaalihiin reer Somaliland kaga soo doogeen dhibtii aad u geysateen kaga deyda oo taladiina gacantiin ha ku jirto; hadba dowlad gacan ku rimis ah oo maalinba nin l oo soo cumaamado meelna idin gaadhsiinmayso. Dib isugu noqda oo inta aad geedka hoos fadh iistaan maamul aad heshiis ku tihiin samaysta. Shacbiga Somalilandna hagardaamada iyo hadba dabinada aad u soo maleegaysaan iska dhaafa oo danihiin ku toosa. Hadda waad aragtaan had haagii Siyaad Barre oo ka kooban dhugmalaawe, dhafoorqiiqle, dhabayaco, iyo maryo alool ayaa hadba isaga habar wacanaya Wajeer, Walwaal, Wardheere, iyo webi daaciisa, iyaga oo ku hee saya RUUG CADDAAGII SOO ROGAAL CELI ayey sida koronlkorada tarab tarab ugu le'anayaan deegaano Soomaliland ka tirsan. Malaha mabay maqal midh hore loo yidhi oo ahaa:

Waar abtiyaal waxydaan heleyn ha isku hiifina
Abidkiinba kuma hawl baxdaan holaca Maadhiine
 

 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse
February 10, 2012