MASAAFO LA MAGAC BAXDAY DAREEN

 



Marka hore waxaan salamayaa dhamaan Timacade Groub iyo hawl wadeenada sharafta leh, iyo dhamaan dhamaan reer somaliland. Idin koo iga raali ah, halkan waxaan kusoo lifaaqay M asaafo la magac baxday ( DAREEN) waxaany muujinay saa dhamaan dareen keena maan ta aynu ka midaysan nahay, oo ah, dal hore u maray iyo dawlad hanata dadkeeda iyo dalkeeda ba.Idin koo mahad san ila eega

 

 


Qofka daraja dii,Daaim keen cuskaya
Miyaa lagu dagtaa, Dabin loo dhigaa
Siday diin tu tidhi, Daliil lagu hayaa
Saw daacad dii ilaahay dirsaday
Dariiq toosan iyo, Kuma darin tilmaan
Maalin dabar ka iyo, Darbi nagu xudh maba
Saw Daaim keen Dariiq nooma furo
Markii ay didaba, Ilaah baa dajoo
Darajiyo aqoon, Ku dabaala nabad

*****
Duul ilaayhayoo, Dambigay galeen
Yahay waar I daa, Daalim kii qabsaday
Xume diidayoo, naxariis dalbaday
Darxumiyo coladaad, Dirsooc loogu daray
Boqol lasy ku daray, darbi lagu xidh xidhay
Tii dihatay wiil , lagu dilay horteed
Maati aan la dayn , Waayeel la duray
wixii aan aan daraad dunidaw gambiya
Dary cad keeni kacay, U daldalay dhashii
Daabeeq suntii daraata u cunay
Dusha sare wixii Dab ka laygu shigay
Danab da qarxiyo,Madfac lay dul dhigay
Daar la dhaafinyoo, Hoygeenu dumay
Daradiyo kud iyo Dacar loo kabaday
Xageebaa dur kii Daabac loogu rogay?

*****
Wixii aan darteed,Dabka uugu dhacay
Ilaa Daalo Bari, Dura iyo Gallbeed
Dab ka lays ku shiday, Dirir tii cuslayd
Dulcad maalin tii,Lagu jiray darxumo
Markii damaqa iyo laga tagay dareen
Dacaladu hubaal daryaameen hubkii
Halkii dahab la qubay loo huray darteed
Waayeel dagtiyo lagu siday dushaba
Halkii diif ta iyo loo maray darxmo
Miyaa doorateen, Inaa kala dirtaan?

*****
Door hore ragii lagu door tay magac
Goleyaal la diray, Sharci laga dalbaday
Darajiyo aqoon ,Kuwaan bilay dareen
Dalkaba kuwaan, idhi daa-dahee
Anoon durin midnaaba, Midna dahab ka dhigin
Dhamaan uuga daoo,Ma daryeelin kacal
Dan yartay xisaab, culays uugu dareeen
iaya-gaa dan tood u dadaala gabi
Doolar bay hadeer, Nagu door sadeen
Damqashadii nacoo, Mana diir naxaan
Ubad kii darbiga,Lagu dhaafay door
Dayro dhaaf ka jiray, Daryeel looma fidin
Da,a yartii galbade, Dubur hawd ka gale
Dareeroo hablihi, u dulaame meel
Didmadii cidlay, Dubjireen dhalaan
Cadaw aan dareen iyo lahayn dad nimo
Dubka sare ka roge, Kaliyi hii la doon
Wadni hii la dabay, Doolar siis te badan
Da,ayar-teeni lume, dhur waaguna daldalay
Mana jir garaad dajin laa mar kale
Nimcadaa dahsoon, Dibad dhigi lahaa

*****
Nin ki daaha yee, Dirqi lagu heloow
Dalba juuqadiyo, Dari-dii ma bein
Damac ceeb wada, darxumuu sidaa
Maxaan diida yaan, wali daba scodaa
Maxaan doorta yeen, Taladii ku darin?
Maxaa damac san tiin , Haday daan dagayn ?
Dabin-dabin ku maqan,iyo labada daan
Dirir tani qarsoon, Daah la saarin ceeb
Qorigana dagtiyo, Lagu sido dushaba
Duhur maalin tii lagu dilo nin culus
Dibin daab yo iyo, lagu jiro darxumo
Kol hadaan daleed, cidlada uun dub jiro
Wixii shalay na dilay Qabiilaan dugsado
Kol haddii dadnimo, laga door tay ciil
Sida duun yadii, Had dii aad didaan
Ehel kala durkoo, Dayr lays ku xidho
Maxaad diidayeed, shalay doona seen?

*****
Kalmad diiran iyo,Rag buu carrab dabraa
Dulqaad iyo wanaag, Dood qiimo badan
Arin kii dahsoon, ceeb waa la daday
Carrab dalab lah iyo, Digashiyo xumaan
Deelay irmaan, Shax na loogu daray
Garaad durug sanoo, Xume dooxi kara
Gacmo diiranoo, Nabar duugi kara
Ehel damaqsadoo, Diir koodu naxo
Garaad doojiyoo, Dan ta guud hubsada
Dabar baarqab kii, Lagu xidho darteen
Daryeel iyo wanaag, dad ku wada mid yay
Diin teena iyo sharci dabac sanoo
Daadihin karoo, Dan ta meel ka dhiga

*****
Mid haduu darsado weel dacal banan
Dan yartina cidlada wada daad san tay
Dubjir kii habeen gaajo duuban yay
Darbiyada cidlada ubad kii dardhado
Oday daalay oo waayhuh dabreen
Hooyo diiday oo, gobalan daah u rogay
Geed damala hoo, Dad ku wada hadhsado
Waxaan doonayaa, hayin aan didayn
Dusha saari laah, Ubad kaa dardhaday
Waxaan doonayaa ki dabiibi laa
Nabar kaa dhasoon Iga jaray dagtii
Waxaan doonayaa Kii daryeeli laa
Dhalaan kaa dushiyo, lagu sido docdaba
Waxaan doonayaa waa kala dambayn

*****
Waxaan doonayaa Kii danayn lahaa
Durdurad cidlada, doox yadan galbaday
Dayrtiyo gugaba, Dabri laa xareed
Dacalada aqoon adkayn laa darbiga
Beeraha dushiyo, Beeri li laa dalkaba
Waxaan doonayaa Kii damaca jaan
Dahab urusan iyo Diidi laa xarago
Waxaan doonayaa, kii danayn laa
Garaad keenan dumay, Maan ki dooni laa
Dulqaad iyo wanaag, igu dhaqa dantii
Waxaan doonayaa, waa dareen dhaboo
Waxaan doonayaa, waa, kaqla dambayn
IYO EHEL DAREEN DAMQASHADA KA MIDA

 

Abdulkhaliq Mohamed