Dareen yididiilo xanbaarsan iyo Safarkaygii Maandeeq

Horraantii bishii julaay ee sannadkan 2009 ka ayaan ka degey Madaarka  caal amiga ah ee Hargeysa. Waxa ay ahayd gelin hore, oo hawadu aad u fiicnayd. Nin ka mid ah askartii madaarka joogtay baa na weydiiyey in aanu  dhaxamoo nayno. Waxa aan is idhi ma waxa uu u jeedaa (Miyaa gubanaysaan) waayo kulaylkii Jabuuti ayaa nagu sii jiray. Hargeysa laftigeedu waxa ay noo ahayd kulayl aan dhib lahayn, balse marnaba qabaw maanu dareensanayn. Waxa aan markii danbe ogaaday in maalmahaa ka hor ay magaaladu kululayd oo  maalinta a aanu tagnay maalintii ka horraysay uu roob weyni ka da'ay magaalada iyo hareeraheeda. Subaxaasna ay dhacaysay hawo aad u macaani, laakiin la ahayd dadka magaalada deggan qabaw. Jawigaasi waxa uu ahaa mid aad u fiican. Magaaladuna waa ay sii weynaatay, oo sii dad badatay marka loo eego saddex sannadood ka hor oo ahayd markii iigu danbaysay.

Debbaaldeggii Dhaqanka iyo Buugaagta ee Mooge

Qoraalkaygan waxa aan jecelahay in uu u bato dareenkii aan kala kulmay debbaaldeggii dhaqanka iyo buugaagta ee loogu magacdaray Maxamed Mooge Liibaan, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee. Waxa la furay maalintii ay taariikhdu ahayd 22/07/2009. Goobtii lagu furay waxa ay noqotay hudheelka Ambaasadoor, ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee magaalada. Waxa isugu yimi goobtii furitaanka dad aad u farabadan oo isugu jiray rag iyo haween, dhallinyaro iyo waayeel iyo weliba dhallinyaro cuslaatay, oo aan ka mid ahay. Waxa kaloo ka mid ahaa dhallinyarada cuslaatay ee aanu goobtaa isku aragnay Maxamed Nuur Carraale "Duur" oo xubin ka ah Baarlamaanka Somaliland oo aanu ilaa dugsigii hoose ilaa kii sare aanu ku wada jirnay, laakiin haatan aanu nahay dhallinta cuslaatay ee aan weli gaadhin waayeelka. Intaasi waa iga kaftane, waxa goobtaa joogay odayaal badan oo caan ka ah deegaanada soomaalidu degto waxa ka mid ahaa: Muuse Cali Faruur, Xasan Xaaji Cabdilaahi "Ganey" Maxamed I Warsame "Hadraawi" Cabdalle Xaaji Cismaan oo Jabuuti uga soo baqoolay kulankaas iyo abwaano kale, aqoonyahanno iyo dhallin aad u tira badnayd.

Goobtaas furitaanka waa laga hadlay, oo xikmad iyo duurxul iyo kaftanba laga yidhi madashii. Ujeedada ugu weynise waxa ay ahayd u goggoldhigga  debbaa ldegga oo loo qorsheeyay in uu socdo shan maalmood. Hadalkii furitaanka waxa bilawday Ayaan Maxamuud Casuur oo ah Marwada isku soo dubba ridday, soo habaysay, ku dhiiratay in ay hawshaas ballaadhan dhabarka u ridato. Waxa kale oo hadlay xubno isugu jiray dawladda iyo Abwaanno. Maalintaa furitaanka waxa xusid mudan Rawaayaddii quruxda badnayd ee ka qoslisay odayaal badan oo madasha fadhiyey. Waa Rawaayaddii la magacbaxday "Baqayo Rogad" oo si aad u sarraysa, u kooban, oo hadana xanbaarsanayd sheeko dhan oo aan waxba ka dhinnayn soo gudbisay. Maalintaa ka dib waxa  bilaab may maalmihii loogu talo galay in lagu qabto guriga shaqaalaha. Goobtaas waxa ku kulmay dad aad u farabadan. Odayaashii ama dadka intii waayeelka ahayd laguma arag guriga shaqaalaha, marka laga reebo ilaa tobaneeye isxilqaamay. Is weydiintu waxa weeye, maxaa ku dhacay odayaashii? dad badani waxa ay ku jawaabeen " Way qayilayaan" qaar kale ayaa yidhi, Maya ee maba xiisaynayaan arrimahan laga hadlayo.

Weli jawaabteedii ma aan helin; meel ay ku maqnaayeen iyo sabab ay u maqnaayeen toona --- waayeelkii ka qayb qaadan lahaa doodaha ku saabsan dhaqanka iyo buugaagta waa ay ka maqnaayeen goobahaas. Waxaase farxad ahayd in dhallinyaradu ay muujiyeen rabitaan aad u xooggan, oo u baahan in la dhiirri geliyo oo loo jeexo jid wanaagsan oo ay kaga kaaftoomaan, shaqa-la'aanta, qayilaada, ´Makhaayad fadhiga iwm. Waxa aan la kulmay dhallinyaro farabadan oo qoray buugaag ama gacanta ku haya oo raadinaya halkii ay ku daabici lahaayeen. Ma jirto wasaarad ay kala xidhiidhaan, mana jiro hay'ad u hagar baxaysa oo ay ka helaan taageero. Waxa kale oo aad ka dheehan karaysay su'aalaha dhallinyarada in aanay dareensanayn in ay xaq ku leeyihiin dawladdooda. Kolba dawladda xukunka haysa ayey xaq ugu leeyihiin baahiyaha u gaarka ah dhallinta soo koraysa oo ah mustaqbalka dalka. Haddii aan il gaar ah lagu eegginna berri waa laga shallayn doonaa. Shantii maalmood ba waxa ay ku dhammaadeen farxad iyo rayn-rayn. Wejiyo farxadi ku dheehantahay ayaa is dhaafdhaafayey xilli kasta. Madashuna waxa ay la ciirciiraysay dhallinyaro, xataa buuxiyey daaqadaha iyo bannaankaba. Mallinna kama ay dhacayn maalinta kale. Taasi waa dareen farxad leh oo u baahan in la horumariyo oo sannadkii ugu yaraan saddex jeer la sameeyo debbaaldeggan oo kale. Mar kastana laga faa'iidaysto wixii ka dhinnaa ka hore ama la saluugay in lagu saxo ka danbe.

Naadiyada Akhriska ee ka hanaqaaday Somaliland.

Waxa ay ii ahayd fursad weyn oo qaali ah in aan la kulmay xubno ka socday dhammaan Naadiyada Akhriska Somaliland. Naadiyadaasi waxa ay ku  sama ysmeen dabayl caafimaad qabta oo martay dhammaan gobolada Somaliland. Inkastoo wakhtigu ii saamixi waayey in aan gaar-gaar ula kulmo Naadiyada xubnahooda, laakiin intooda badan waanu is araganay, sheekaysannay, oo aan aad ugu farxay dareenka ku jira dhallintaas iyo dedaalka ay ku jiraan. Maalintii aan soo baxayey maalintii ka horreysay oo ahayd 28/07/2009 waxa aan nasiib u yeeshay oo aan la kulmay Naadiga Halkaraan ee Burco oo maalintaas hadhimo-sharafeed (Qado) ku lahaa Hudheelka Imbiiriyal ee ku yaal Hargeysa. Halkaas oo aanu si qoto dheer uga wada sheekaysannay hawlaha Naadiga iyo ilaa aasaaskiisii. Iyaguna waxa ay aad iiga waraysteen Ururka Qoraaga Somaliland iyo waxqabadkiisa. Kulankaasi waxa uu ii ahaa mid taariikhi ah. Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa qoraaga caanka ah ee Xasan Cabdi Madar oo igu sharfay ka qayb galka Qado-sharafeeddaa.

Naadiyada kale oo dhanna waxa aan jeclaa in aanu sidaasoo kale u kulanno, laakiin wakhtigu aad ayuu u yaraa. Waxa aan ku rajo weynahay socdaalkayga danbe in uu ka badnaado kii sannadkan aan ku joogay dalkeena hooyo, hadii Eebe idmo. Naadiga Maskaxmaal, Naadiga Halkaraan, Naadiga Hargeysa, Naadiga Ismaaciil Mire ee Laascaanood, Naadiga Anfac ee Ceerigaabo iyo Naadiga Akhriska ee Berbera waxa aan u dirayaa hanbalyo aad ballaadhan, oo kal iyo laab ka soo go'day. Waxa aan Naadiyada raacinayaa kii ugu danbeeyey ee la furay ama la furayo maalmaha foodda innagu soo haya oo ah Naadiga Akhriska Sheekh oo aan leeyahay hanbalyo oo hanbalyo oo hadana hanbalyo. Ugu danbayn balse aan ahayn hanbalyadii ugu yarayd haddaanay uguba weynayn. Waxa aan si gaar ah ugu dirayaa Naadiga Akhriska Hargeysa oo si diirran iigu soo dhoweeyey Hargeysa. Soo dhoweyntaas oo aanaan illaabi karin waxa ay ii ahayd habeen taariikhda iigu jira oo ii ahayd dhiirrigelin iyo kalgacal ay ii muujiyeen Naadiga Akhriska Hargeysa. Waxa aan leeyahay intiinii isku soo dubbaridday iyo intii ka soo qaybgashayba waad ku mahadsantihiin soo dhoweyntaas.

Waxa aan ku soo gebagabeynayaa qoraalkan, talo ku socota dhallinyarada oo ah: "Biyo sacabbadaada ayaa lagaga dhergaa" haddaan sii jiliciyo,  dhallin yarooy idinkaa wax badan qabsan kara. Waxa samayn kartaan kulanno aad ku kobcinaysaan garaadka, dhaqanka, barashada aqoonta Sayniska, barashada diinta Islaamka, doodaha kala jaad-jaadka ah iwm. Waan hubaa oo idinkaa samaysan kara, waa haddii aad la timaaddaan niyad. Waxa aan idinkala  darda armayaa dhaqaalaha ay bixiyaan hay'adaha oo ah sun loo soo waarido dunida saddexaad in aad iska jirtaan. Waxa wax ku qaadataan dalkeennii dhammaa ayey maanta geliyeen muran aan loo baahnayn, sababtuna waa waxoogaaga sunta ah ee ay inna daba sidaan. Waxa jira waxbadan oo idinku aad qabsan kartaan oo intii isku xiiso ahiba ay samaystaan urur aan ahayn mid lagu  doona nayo dhaaqaale ee ah mid idinku aad u tihiin dhaqaalihii, xataa uga raaidaya shirkadaha wadaniga ah, maalaqabeenada dalka, laakiin ha uga raadinina hay'adaha magacyada leh ee soo dhoofiya siyaasadda casriga ah ee hurgum ada huwan.


 



Nabad iyo caano
Wa billaahi tawfiiq

Sayid Maxamed Yuusuf "Dhegey"
Sweden