Dareeno iska soo horjeeda oo laga bixiyay dhawaaq ka soo yeedhay Madaxweynaha Jabuuti

 


Aniga oo ku hadlaya Magacayga , ka Dawlada iyo ka shacbiga Somaliland, waxa aan Adiga, Marwadaada iyo shacbi weynaha Jabuuti idiinku hambalyaynayaa…. Madaxtooyada

Waxaad moodaa in Madaxweynaha Jabuuti is yidhi go doon yaad galin oon aduunweynuhu cidla kaaga dhaqaaqine, is raaci Xassan Ciise

Dunida lafteeda ayaa dhinac ka soo galaysa Budhcadnbimada Badaha Soomaalida haysata. Axmed Siilaanyo

Safarkii Madaxweynaha wax macna ah oo ku jiray ma jirin khaas ayuu ahaa uu doonayay inuu Jarmalka Ilkaha ku soo hagaajisto Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyayaasha labada Xisbi mucaarad ee Kulmiye iyo UCID iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Muj: Xasan Ciise Jaamac ayaa jawaabo kala duwan ka bixiyay hambalyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ugu jeediyay Somaliland nabadgalyada iyo dedaalka ay samaysay ee ay kaga duwan tahay xasilooni-darrada ka taagan Soomaaliya.

Mujaahid Xasan Ciise oo ugu horeyn Wariye ka tirsan Shabakada wararka ee Hadhwanaagnews waydiiyay sida uu u arko hadalka Ismaaciil Cumar Geele, waxa uu sheegay in uu u arko in aanay ka ahayn Jacayl badan oo uu Somaliland u hayo, balse uu is daad-raacinayo dunida inteeda badan oo haatan u muuqata inay u soo jeedsatay sidii wax loola qaban lahaa Somaliland.

Xasan waxaa uu tilmaamay taariikhdii ka dhaxaysay Shacbiga labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti oo uu sheegay in aanay Somaliland marnaba ka helin kaalintii ay ka filaysay walaalo hooda reer Jabuuti. “Socdaalkii dhawaan Madaxweynaha Somaliland ku tagay wadamada Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriisku haba ugu dambeeyo’e wax baa u muuqday ayaad moodaa Madaxweynaha Jabuuti, taas oo uu ka fahmay in aduunweynihii mar ay noqotaba uu u sii socdo dhinicii Ictiraafka rasmiga ah ee Somaliland, dhadhankaa siyaasadeed ayuu leeyahay hadalkiisu oo aad kala soo dhex baxaysaa. Markaa waxaad moodaa in Madaxweynaha Jabuuti is yidhi gadoon yaad galin oon aduunweynuhu cidla kaaga dhaqaaqine, is raaci xaga aduunweynihii u socdo.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac, waxaanu intaa ku daray Xasan Ciise in inkasta oo kharashka badan ee ku baxay Safarka Madaxweynaha aan Somaliland qaadi karayn, hadana in loo baahan yahay talaabooyin badan loo qaado baadi-goobka Ictiraaf-raadinta Somaliland. Hase ahaatee, Guddoomiyayaasha labada Xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE ayaa iyagu aragti taa ka duwan ka bixiyay dhawaaqa ka soo yeedhay Madaxweynaha Jabuuti iyo sidoo kale Safarka Madaxweyne Rayaale dhawaan kaga soo laabtay dalalka Yurub. “Horta hadalkaa uu sheegay Madaxweynaha Jabuuti waxaan u arkaa inay tahay talaabo uu dhinicii wanaagsanaa u qaaday, waxaananu jecelahay in uu arrintaa dhamaystiraa oo wuu sheegay in nabad iyo xasilooni ka jirto Somaliland ee inuu ku daro inay dawlad shaqaysaana ka jirto, sidoo kale waa in sida uu Soomaaliya ugu doonayo xuquuqdeeda uu Somaliland-na ugu doonaa oo uu labadaba u sinaado, waananu soo dhawaynaynaa. Waxa kale oo aanu u mahadnaqaynaa shacabka reer Jabuuti oo markuu intaa yidhi sacab weyn u garaacay.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, isla markaana mar la sii waydiiyay in hadalka Geele ka dambeeyay Safarkii Madaxweyne Rayaale ku tagay Faransiiska oo ay Jabuuti isku wanaagsan yihiin iyo dalal kale waxa uu yidhi, “Arrintan caqligiisa ayuu ka keenay, safarkii Madaxweynuhu ku tagay Faransiiska wax Alla wax macna ah oo ku jiray ma jirin safar khaas ah ayuu ahaa oo uu ku tagayay Jarmalka si uu Ilkaha u soo hagaajisto, Faransiiskana si uu dadka u jaha wareeriyo ayuu dad reer Somaliland ahi casuumad yar oo hoose ay uga soo dhameeyeen. Weli safar midho dhalay oo uu Madaxweyne Rayaale dunida ku soo maray taariikhda laguma hayo.”

Marka aynu u nimaadno Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa jawaabta uu ka bixiyay su’aasha laga waydiiyay waxa uu ku yidhi.“Ismaaciil Cumar Geele mandaqada ayuu ka hadlayay iyo arrimaha Soomaaliyeed, waana nin aad u daneeya arrimaha Soomaalida oo meeshay dawlad Soomaaliyeed oo la ictiraafsan yahay oo madaxbanaani ka dhisan tahay waa iyada uun (Jabuuti), inkasta oo Jabuuti dawlad gaar ah tahayna, dee hadana Ismaaciil arrimaha Soomaalida guud ahaan xil weyn ayuu iska saaraa oo waakii imikaba shirarka qabanayay, qaxoontigii ka imanayay dhulkaa baabaya aad u soo dhawaynayay. Xaqiiqada jirta ayuunbaanu ka hadlay oo wuxuu sheegay in Somaliland xasiloon tahay oo degan tahay, oo marka la bar-bar dhigo Soomaaliya ay arrimaheedii iyo taladeedii iyo nabadgalyadeedii ay gacanta ku qabsatay, qiimayntaana waxay ila tahay in uu sax ku ahaa, waananu ugu mahad-naqaynaa. Dhinaca kale Ismaaciil Cumar Geele bogaadin baanu ku siinaa xasiloonida iyo deganaanshaha uu dalkiisa ka abuuray iyo doorka uu ka qaato in uu mandaqada ku soo celiyo nabadgalyo, taas oo uu had iyo jeer mawqif xilkasnimo iska taago.”

Guddoomiye Siilaanyo waxa uu sheegay in ay la qabaan aragtida ku wajahan dhibaatada ka taagan Soomaaliya ee mudo dhaafka ah iyo sida dunidu ula yaaban tahay.

Waxa kale oo la wadyiiyay sida Xisbigiisu u arko socdaalkii Madaxweyne Rayaale kaga soo laabtay dalal ka mid ah Yurub dhawaan. “Wax Alla wax horumar ah oo Safarkaasi sameeyay ma jirto ee siduu isaguba inoo sheegay ilkihiisa ayuu soo samaysanayay, dabadeedna meelahaas ayuu iska soo maray oo waxoogaa lacag ah ayuu soo kharash gareeyay, kolayna nin weyn oo meel soo maray Xafiisyo hoose wuu iska sal-salaamayaa. Markaa wax uu ka soo qabtay iyo wax uu ka soo kordhiyay midna ma jirto.”

Axmed Siilaanyo mar uu ka hadlayay Budhcad-badeeda dhibaatada ku haysa safarada ka gudbaya Gacanka Cadmeed, waxa uu tilmaamay in ay ka timi oo ay tahay natiijadii bur-burka dawladii Soomaaliya, isla markaana dunidu ku fashilantay waajibkii ka saarnaa in dalkaa lagu soo celiyo dawlad hanan karta nabadgalyadeeda iyo ta mandaqada-ba. Waxa kale oo uu tilmaamay in khatartu aanay kaliya haysan safarada, balse ay sidoo kale dayacan tahay Baddii Soomaaliya. “Ileen inaguba waynagan illaashanay Badeeniiye, Xeebihii Soomaaliya dawlad la’aanta darteed waxa lagu shubayaa khashinkii, kaluunkeedii ayaa lala baxayaa waanay iska dayacan tahay. Markaa dunida lafteeda ayaa dhinac ka soo galaysa Budhcadnbimada Badaha Soomaalida haysata.”

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo aan isaga wax laga waydiin aragtidiisa ku wajahan mawduucan, hadana waxa maalin ka dib dhawaaqii Ismaaciil Cumar Geele, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland soo saaray warsaxaafadeed hambalyo ah oo Madaxweyne Rayaale ugu talagalay dhigiisa dalka Jabuuti. Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisa hambalyada ah gundhig uga dhigay munaasibadda Ciiddul-fidtriga. Warsaxaafaddeedkaas oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu maanta (Shalay) dhambaal hambalyo ah oo ku saabsan munaadibada Ciidal Fidriga ah uu u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynuhu dhambaalkiisaasi Hambalyada ah waxa uu ku yidhi “Aniga oo ku hadlaya Magacayga , ka Dawlada iyo ka shacbiga Somaliland, waxa aan Adiga , Marwadaada iyo shacbi weynaha Jamhuuriyada Jabuuti idiinku hambalyaynayaa Munaasibada Ciidal Fidriga oo soo gaba gabaysay bishii khayrka badnayd ee Ramadaan, waxana aan idin leeyahay Ciid Mubaarak , Kulu Caam Wa Antum Bil Khayr.

Mudane Madaxweyne , Waxaan kuu rajaynayaa caafimaad qab , cimri dheer , shacbiga aanu walaalaha nahay ee reer Jabuuti , waxa aan ilaahay uga baryayaa in uu Ciidan Ciideeda ku gaadhsiiyo , Horumar iyo Barwaaqo” ayuu ku soo gaba gabeeyay Madaxweynuhu dhambaalkiisaasi.”


 




Source :Ogaal