DARIIQA JANADA QISO DHAB OO KA DHACDAY AMISTARDAM (HOLAND)
Maalinkasta oo Jimce ah Salaada ka dib waxaa jiray Nin Iimaam ah iyo
Inankiisa oo 11jir kuna Noolaa Magaalda Amistardan (Holand) ayaa
waxa ay u bixi jireen Jidadka iyo Guryaha Maga alada ay
Deganaayeen ee Amistardam si ay ugu qaybiyaan Kitub yar-yar oo
Ciwaankoodu ahaa Dariiqa Janada Loo maro iyo qaar kale oo iyaguna ka
hadlaya Islaamka.
Hadaba Maalin ka mid ah malaamaha
Salaadii Jimce ka dib waxaa timid Waqtigii Iimamka iyo Inankiisu u
bixi jireen Dacwada Wadooyinka Amistardam si ay ugu Wasacaan (Qaybiyaan)Kitaabada
yar-yar ee ka hadlaya Islaamka Maalintaa Jawigu Dibadu waxa uu ahaa
mid aad u Qabaw waayo Roobab ayaa Da'yay Inankii waxa uu bilaabay in
uu Xidho dhar fara badan si aanu u dareemin Qabawga, markaas ayuu
Aabihii ku jidha Abaabo diyaar ayaan ahay marka as ayuu
Aabihii waydiiyay maxaad diyaar u tahay Inanki ayaa ugu
jawaabay,Aabo, waxaa la gaadhay Waqtigii aan Qaybin lahay kutubta
Islaamiga Markaas ayuu Aabihii ugu jawaabay, waxaa dhacaya Qabaw
Hawada banaankuna ma fiicna, markaas ayuu Inankii ugu jawaabay, Aabo,
waxaa jira halkaa Dad wali ku socda Naarta inkastoo Qabaw iyo Roobab
jiraan.
Aabihii, ayaa ugu jawaabay laakiin anigu uma baxayo Qabawgan,
markaas ayuu Inanki Sabi ga ahaa ku yidhi Aabo suurta gal ma
tahay in aan anigu soo qaybiyo Kutubta isagoo ku ce-celinya
Aabihii-Aabihii ayaa ku yidhi waa suurta gal inta uu u dhiibay
waxoogaa Kutub ah ay uu Inankiina ugu jawaabay Aabo waad
mahadsan tahay, la saco Inankan Dadiisu waa kow iyo toban jir u
baxaya xiligan Qabawga aha Wadooyinka si uu u qaybiyo Kutubtaa
Islaamiga ah, waxa uu bilaabay in uu kutubta u qaybiyo Qofkii uu
lakulmaba isagoo waliba Guryahay Xaafada ku garaacaya oo u qaybinaya
Kutubta guri-guri laba sacaadood ka dib marka uu dhex socday Qabawga
waxaa Gacantiisa ku soo hadhay Kitaab kaliya isagoo raadinay Qofka u
danbeeya ee uu siin lahaa Kitaabkan soo hadhay, lakiin Wadooyinku
waa cidla oo way haa wanayaan cidna ma socoto markii uu waayay
Qofnaba ayuu goostay in uu u dhaqaaqo xaga Guryaha u dhaw si uu u
siiyo xabadan Kitaabka ah ee ku soo hadhay.
Waxa uu bilaabay in uu Garaaco Albaabka Guri ku dhawaa, lakiin cidna
umay jawaabin wuu ku cel-celiyay garaacii Albaabka lakiin cidana
wali kamay furin waxa uu isku dayay in uu iskaga tago lakiin wax
ayaa u diidaya in uu ka tago, markii u danabaysay ayuu aad u yara
Garaacay Jalaskii isagoon ogayn cida uu sugayo ilaa Wakhtigaa wuu ku
yara dheeraaday garaacii si la ma filaan ah ayaa loo furay
Albaabkii waxaa ka furtau Aalbaabkii Qof Dumar aha oo da'ah
Wajigeedana ay Murugo ka muuqato waxay ku tidhi maxaad u baahn tahay
Inankaygiiyaw, Inankii yaraa oo ku eegay indhihiisa Nuurku ka muuqdo
ayaa ku yidhi waan ka xumahay in aan ku dhibay ama aan kaa
xanaajiyay, laakiin waxa kailya ee aan rabo in aan kuu sheego waxaa
weeye ilaahay waa ka kaliya ee ku jecel kuna caawinkara waxaanse u
imid in aan ku siiyo Kitaabkaygii iigu danbeeyay kaas oo kaagawarami
doona wax kasta oo ilaahay xagiisa ku saabsan iyo sidaad ku kasban
karto ilaahay raali ahaanshihiisa markaas ayu u dhiibay kit
aabkii Yaraa markas ayay ku tidhi waad mahadsantahay Inankaygiiyaw.
Wiigii danbe markii Iimaamkii Khudbadii dhameeyay ayuu yidhi yaa
su'aal qaba mise Safafka danbe ee Dumarka Qof weyn oo Dumar ah ayaa
tidhi Qofna may garanyo Jimacahan horena umaan iman halkan Jimcihii
hore maan ahayn Muslim kumanaan fakirin in aan noqonayn Mus
lim, Ninkaygii waxa uu Dhintay Bilo ka hor waxaanu igaga tagay
Aduunyadan kalinimo Jimcihii tagay Jawigu waxa uu ahaa mid aad u
qabaw Roobna wuu da'yay waxaan goostay in aan isdilo waayo wax Amal
ah iigumay hadhin Noloshan oo waan ka quustay waxaan soo qaatay
Xadhig iyo Kursi Xadhiguu waxaan ka soo laalaadiyay Qolka aan ku
jiray xagiisa sare Xadhigii markaan xidhay ee aan u diyar garoobay
in aan iska soo deldelo ee aan kursigii isku taagay ee aan qoorta la
galay kaligaynaa aan ahaa Murugo badana ay i hayso oo aan rabo in
aan ka dhuunto, ayaa si lama filaan ah waxaan u maqlay Cod Aalbaabka
waxaan goostay inaanan ka furin oo aan sugo inta uu iga tagayo balse
waxa uu ahaa cod aan tagay balse sii kordhaya markaas ayaan
Naftaydii la sheekaystay oo aan ku idhi qofkan kaa tagi waayay
wa'ayo mar kaas ayaan xadhigii intaan ka bixiyay Qoortaydii
ayaan goostay in aan eego Qofkan Albaa bka xoog u garaacaya,
markii aan Aalbabkii Furay may rumaysan Indhahaygu waab Sabi yar oo
wajigiisa ay ka muuqato farxad iyo dhoola cadaynta Malaa'igta oo aan
hore u arag mid la mid ah kelmadii ka soo baxay Afkiisa ayaa
Qabsaday Qalbigaygii dhintay islamarkaana dib u soo Noolaysay oo ka
saartay rejo la'aantii, waxa uu igu yidhi Sayidadaydiiyeey waxan
kuugu imid Waqtigan inaan ku idhaah ilaahay wuu ku jecel yahay waanu
ku caawinayaa, ka dibna waxa uu isiiyay Kitaabkan aan sido ee
Ciwaankiisu yahay Dariiqa Janada loo maro Waqti ad ag ayay
ahayd aniga iyo isagaba waayo Jawiga ayaa adkaa waxaan Aakhriyay
kelmad kasta oo ku jirta Kitaabkan marakaan dhameeyay ayaa bilababay
in aan Xadhigii iyo Kursigiiba me esha ka qaado waayo
midkoodna iminka uma baahni oo waxaba ii tari maayaan waad i
arag taa iminka waan Farxsanahay waayo waxaan ogaaday in uu Jiro
ilaah dhab ah waxaan u imid inan idiinku mahad noqo Malagan yar ee
aad ii soo dirteen Waqti munaasib ah ilaahay ayaa mahad iska leh may
jirin qof aan Ooyin Dadkii Masaajidka joogay mar qudha ayaa saaxadii
isla kacday iyadoo Dadkii ku Qaylinayaan ALaahu akabar-Alaahu Akabar
Imaamkii ayaa ka soo degay Mimbarkii markaa ayuu agfadhiista
Inankiisii isaga oo Ooyaya,hadaba Su'aasha aan waydiinaya Naftayda
iyo Dadka ku nool Caalamak Qarbiga waxaa leeyahay maxaan u gudbinay
Dadka aan muslimiinta ahayn ee aan la Noolahay ee ku saabsan
Diinteena Islaamka ah* ilahay in Sabab kaaga dhigo in Qof gacantaad
ku soo Muslima *ayaa kaaga khayr badan Aduunka iyo waxa yaala
Xadiiskii nebiga scw.
Hussein sulub Jama
husseinsulub14@yahoo.com
Finland
|
|