David Shinn Oo Caalamka Ugu Baaqay Inay Goob-joog eyaal u diraan Doorashada Deegaanka Somaliland
 



USA (TNN)- Safiirkii hore ee dalka Mareykanka u fadhiyey magaalada Addis-Abba xarunta dalka Ethiopia,Devid Shinn, ayaa soo dhaweeyey hanaanka dumuqraadi ee ka hano-qaad ey dalka Somaliland.


David Shinn waxaa uu sidoo kale ka hadlay doorashooyinka goloyaasha degaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan 28 bishan.

David Shin, waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu xalay khadka Telefoonka ku siiyay Telefishanka qaranka isagoo ku sugan dalkiisa. Waxaanu tallooyin u

Danjiruhu waxa uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay dimuqraadiyadda Somaliland,waxaanu ku dooday in beesha caalamka ay waajib ku tahay inay u soo direen goob joogeyaal caalami ah oo indhahooda ku arka jawiga ay ku qabsoomayso doorashadii labaad ee goleyaasha deegaanada dalka.

David Shin waxa uu intaasi ku daray in doorashadani ay sumcad hor-leh u soo kordhin doonto siyaasadda dibada Somaliland.

Safiirkii hore ee Maraykanku waxa uu labada xisbi iy shanta urur-siyaasadeed ee ka qeyb galaya doorashadan u soo jeediyay inay si nabdoon u galaan doorashadii labaad ee dawladaha Hoose ee Somaliland ka qabsoomaysa.

Danjire Shinn waxa uu carabaabay inay beesha caalamka waajib ku tahay inay qiimayso horusocodka Somaliland ka samaynayso balaadhinta saaxadda siyaasadda iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.
 


Source: SO