DAWALADA A-SILAAYNYO WAA DAAUUS LEH LABA NABAR OO U BAAHAN DAWEYN
DEDEG AH
Shacabka reer Somaliland oo dhamantood ka siman baahida aha iney
helaan dawlad la tac aasha afooyinka dib u dhigey Africa oo dhan ee
ay ugu horeeyaan qabyaalada, eexda iyo jahaligu ayaa waxa hubaala in
durtaba ay ay muqdaan laba arimood oo bukto iyo boog ca abuqa ku
noqon kara dawlada A-Silaanyo.
Hadii dib loo milicsado hogaamadii Somaliland ee ka horeyay
maamulkan cusub ee hada ta lada dalka la wareegay, ayaa waxaa la
odhan karaa iyaga laftoodu waxaa saheyday xan uuno la odhan
karo dawo looma waayeen ee dabiib ayaan la iskuba dayin.
Tusaale ahaan maamulkii u danbeyay ee uu madaxada ka ahaa Mudane
Daahir Riyaale Ka ahin, oo cardka kaliya ee maanta uu haystaa
yahey sidii sharafta laheyd ee uu ugu qance y natiijadii ka dhalatey
doorashooyinkii bishii june dalka ka dhacay, ayaa waxaa la odhan
karaa sababtii ay kuraasida ku waayeen Riyaale ciidankiisii waxey
aheyd oo xanuunadii d iley kow ka ahaa musuqmaasuq, maamul
jilicsan, madaxweyne aqoonta la col ahaa iyo wa siiro intey
shaqadoodii gabeen ka shaqeeyay keliya sidii ay kuraasida u ilaashan
lahaayee n. Camal guulwadeyn iyo in dadkii qaranka laga horeysiiyay
danihii gaarka ahaa.
Hadaba iyadoo mudo yar laga joogo markii talada dalka uu la wareegay
xisbiga KULMIYE, madaxweynaha dalkana loo doortey hogaamiyhii hore
ee xisbiga mudane Axmed Moham ed Mohamud Silaanyo ayaa haba
jireen cabashooyin ah in beelaha loo kala badiyeye, wax aan la
dafiri karin in hogaamiyaha dalku uu soo dhisey gole wasiiro oo leh
koofiyad macq uula ama hadii si kale loo yidhaado ay ka mid
yihiin rag aqoon, karti iyo waayo aragnimaba u leh jagooyinka loo
doortey.
Marka hadaba la qaato ee shifo
lagu afsaaro inuu Madaxwenyne Axmed M.M.Silaanyo uu soo dhisey gole
dawladeed oo cuntami kara, ayaa waxaa dhanka kale jira oo ishi
halacsa neysa in dawlada la dhisey ee quruxdeeda daa`uuska la mooda
ay baalsha hoostooda ku leeday laba nabar oo u baahan daaweyn degdeg
ah.
Nabarada cabsidooda leh ee halista ku noqon kara dawlada Axmed
Silaanyo oo mida durt aba cad yahey ka kalena uu jiro shaki weyn iyo
hadal hayn hubaal u dhaw ayaa waxa wax ey kala yihiin.
1.Qodobka kowaad ee shakigiisa leh una
muuqda sida cadeeda oo kale ayaa ayaa waxa uu yahey yahey in jiraan
jagooyin la magacaabey oo aan distoori aheyn amaba leh awoodo dadban
oo aan cadeyn, sida jagada Chief Of Cabinet.
Jagadaas oo xaqiiqdeedu tahey qof loo cabrbiniyo inuu mar uun noqodo
hoogamiyaha dalka ee mustaqbalka.
Iska daa Somaliland oo marka dib loogu noqodo ilaa dikteytarkii
Siyaad Bare may jirin cid si toosa ugu magacwonedy jago u gogal
xaadheysa in xukunka la iska dhaxlo lana samee yo cid loo
gardaadinayo iney jagada qabtaan mustqalka . Qoonsda halkaa waxaa ku
jira qabar laxaad weyne.
Waxaad xagan hoose ka akhiriyi kartaa inta nin ee soo qabatey dalka
Japan jagada Chief of Cabinet ee aakhirkii dalkaa ka noqotey
Raysalwasaare iyo bal waxa ay sideedaba tah ey shaqada Chief of
Cabinet.
In Japan, the Chief Cabinet Secretary ,is the Minister of State
charged with directing the Cabinet Secretariat. The Chief Cabinet
Secretary serves as the government's press secretary, conducts
policy research, and prepares materials to be discussed at cabinet
meetings. The Chief Cabinet Secretary's office is located on the
fifth floor of the prime minister's official residence in Tokyo.
Before and during World War II, the position was known in Japanese
as (naikaku shokikanchō?). The modern position was created on May 3,
1947, shortly after the passage of the Constitution of Japan, and
elevated to ministerial status in 1966. Yasuo Fukuda, who served
under Yoshiro Mori and Junichiro Koizumi, is the longest-serving
Chief Cabinet Secretary in history, having spent over 1,289 days in
office.
Since 1947, the office of Chief Cabinet
Secretary has been regarded as a stepping stone to the post of
prime minister. The first Chief Cabinet Secretary to become
prime minister was Ichiro Hatoyama, formerly Chief Cabinet Secretary
to Gichi Tanaka. Since then, eight other Chief Cabinet Secretaries
have become prime ministers, most recently Shinzo Abe and Yasuo
Fukuda.
2.Faragelinta ganacsiga xorta. Waxaa
jira sawiro iyo shakiyo ku xeeran dawlada cusub ee loo doortey
Somaliland kuwaas oo ah in dawlada Cusub ee Somaliland loo doortey
aaney sinaba u gafi doonon iney ku dhiirato in ganacsiga xorta ah ee
suuqa loo garbaduubo ama loo saxeexo cid gaara, taas oo hadii ay
dhacdo noqon karto Chief of Cabinet
kale oo laga dhex doortey suuqii iyo ganacsiga oo hore ugu socdey
dariiqada ah, kartida iyo in shirkad kastaa ay taalabsato inta
taagteeda iyo sumcadeeda wax qabad ay tahey.
Gebagebadii iyo guntii waxaa haboon in Madaxweyne Axmed M.Silaanyo
uu ka diktoonad oo duufanada iyo aafooyinka Afirca dib u
dhigey ee ay ugu horeyaan eexda iyo musuqa iyo maamulka oo cid gaari
u fara dhuudhuubnato. Waxaana taa badalkeeda u fiican inuu magac uga
tago dadka daalan oo inta uu kursiga uu joogo uu la dagaalmo
arimahaa dib dhaca sababa.
Waa Qalinkii:Osman Omar Dool
Oslo Norway
omardool@hotmail.com |
|