Dawlad riciyadeedii ku mudaaharaadaysa, waa dhidar xabaalo qodaaya ...... Hamud Duale



Tan iyo intii madasha wada tashiga lagu dhawaaqay, maamulkii M/weyne Axmed Maxamud Maxamed, wuxuu bilaabay ismuujin iyo mudaaharaadyo dadka rayidka ah looga soo horjeed o oo ufooyin naxliya, aafooyin iyo aflagaadooyin wata. Kii ugu weynaa wuxuu ahaa socdaa lkii M/weynaha ee dhagax tuurka ahaa. Warbaahintii maalin walba waji ku macaash la soo wadhayaa. Sidii ciyaartooga dunida, ayay soo xaraashanayaan Meeyaradii xusbiyada kale. Waxay midaynayaan laba wax oo aan isgeyin, waa maayarkii la soo doortay iyo Badhasaab kii; ay iyadu magacawday. Waxay doonayaan in qofkii la doortay hoos yimaad kii aan codka dadweynaha sidan. Waa mudaaharaado lid ku aha xeerarkii axdi qarameedka.


Mudaaharaadadaa dhagax tuurka ah iyo goolaaftankan xad dheefka ahi, ee isdaba jooga ahay, intuu ku filaaan waayey, ayaa Ardaydii Jaamacadaha ka qalin jebisey hortoodii lagu mudaharaaday Madaxdii ururada qaranka ee codka dadweynaha badhkoodii sitey, ee loo igmadey in dawlada la hawlgalaan oo waxay ku qaldan tahay ka doodaan, lagu yidhi ma hadli kartaan oo ma hugmi kartaan.


Mujaahidkii waranka u badheedhay, lama odhan karo weedh buu xamili waayey, haddana, waa halkii geesiyadii ina walwal, la haystaye; "Waxay gobi ku haasawdoo, la gartana kumuu kicin." Mudaaharaadadan dawladu miciinka moodey, kuwii lidka ku ahaa way diidey, waana lagu raacay. Mudaaharaadada iyo qururflayntaa waa loo dul qaadan karaa, laakiin biqladaa danbe, saalo saalaynta iyo carjuuq dheh, Allaa i diliye, shacabiga waa ku dheeraad.