Dawlada cusub ee Soomaaliland maxay ka dhaxashay tii ka horaysay maxaase laga dhaxli doona iyada?



 

Qoraalkan waa qalinkii Mahamed Rashiid Sh Aadan oo ahaan jiray latali yihii hore ee madax waynihii geeriyoday alla ha u naxariis tee M.I Egal marna ahaa wasiirka madax tooyada Soomaaliland

Dhibatooyinka qaar adag iyo qaar saaleeli ah (artificial) ayaa jira. Dhiblow xata ta yar wuu shareeraa laakiin wadani maskaax fiican ayaa sahla xataa ta adag. Hadii dadka  maskaxdoo da ka madhan tahay qaranimo ama ku dheeldheela qaranimadooda wuu dabar go,aa tusaale xayawaanka qaar sida aynu lasocono qormadiisa yar ee xun si daran ayuu u  ilaashadaa Mucaradka iyo qaran dumuska waxa u dhexeeya dun yar oo khafiifa,markaa waxa weeyi in mucaradku sirsirka meeraan doqoniimaduna waxa weeyaan in hogobta ku dhacdo oo shaadh qaran dumus hulaabato.


Dhibatooyinkii dawladii hore horyaalay tana maanta waa horyaal. Dawladii hore markay  gar an wayday dhibtaa waxay ka dhigtay qaar aan jirin ama Itoobia ayay furdamis uga raadsan jirtay.

Shacabkana faqri ayay ayay uqaybin jirtay haba yaratee wax qorshe dawladeed ah oo ay ku xalido bahida dalka may lahaayn xag dhaqaale,caqiido nabad galyo iyo mid bulshoba  mar kaa waxa kaliya ee ay unoolayd yoomiye heeda ku talagal xaga wakhtiga soo socdana may lahayn!!! Saa oo ay tahay dawladaasi waxay ahayd mid cag culus, oo naf teeda u roon  laa kiin ”doobir badan” wadankana ka bad baadisay haliso badan dawladaasi marnaba dad  kee da umay sheegi jirin runta oo dadku khiyaal ayuu ku noolaa.Hadaba waxaas oo dhiba waxa dhaxashay dawladan cusub ee uu madaxda ka yahay Maxamed Axmed Maxamuud  (Siiraan yo).Bal eeg durba sawaxanka iyo buuqa baxaaya dawlada oo 45 cisho jirin hadaba nuxurka uu xambarsan yahay hugunkaas jiho waraar sani waxa uu daran yahay waa sida tan



· Dawladan oo wada doktoor miidhan! Taas oo mac naheedu yahay dawlad shacab keeda ka saraysa lama rabo ee mid ka hoosaysa ayaa larabaa miyaa!!!

· Dawladii hore way sirdoon bad nayd oo lama rabin iyadoo Fashisto iyo Faqash lagu  tilmaa mayay markaas manta dawladan ayaa lagu eedee yaa inayna sirdoonka ah miyad wayn  sii naynin sababtoo ah cuq dad ayay ka qabtaa sirdoonka oo dawlaadii horana qaab dhismeed keedu ka soo jeeday sirdoon

· Dawladan cusub waa dawlad kooban oo aad uga yar tii ka horaysay hadana dadku waxaa uu rabaa in reer walba ka muuqdo oo lagaadh siiyo ilaa jilibada hoose!!

Hadda lama garan karo dawladan maanta joogtaa in iyana dhibaatada jirta iyo qaar kale oo iman kara iskaga sii riixi doonto ta kaasii daanbayn doonta. Kolay dawladani wakhti badan ma haysato sidii tii ka horaysay hadaay guntiga dhiisha iskaga dhigto oo ay si geesinimo ku jirto u waajah do dhibaatadan ay dhaxashay una kala horay siiso siday ukala mudan yihiin hadaba arimaha hortagan in ka midi waa sida tan.

· Soomaaliland gooni isku taageeda ama xornimadeedu intee in le,eg ayay aasan tahay ama adkaysin keedu jiraa?

· Dimuqraadiyada Soomaaliland ma reer ayaa iska leh mise reero isxulafaystay mise waa qaran dimuqradiya oo danwadaga?

· Hadii Soomaaliland ku hungowdo ictiraafka meel kaloo ay uga wareegtaa majiraa ama qorshe labaad ma uga yaal?

· Hartiga dudaya sidee ayay u af garan jireen dawlaadihii hore ilaa dawladihii lixdameeyadii ilaa dawlaadii M I Egal? Aaway af-Soomaaligii lagula hadli jiray? Boqoradan sida daafuur  duu rka ku nool miyanay ka wacnayn in la xurmeeyo oo guyahoogii si nabada ugu nooladaan  xa taa iyagoo mucaarada waxii lakala tabanayana lagu xaliyo iyagoo ay Boqoradu joogan  hoyg ooda lagana qurux badan duurkan ay wareegayaan?

· Soomaaliland gudaheeda malaga yaaba in ay joogaan Sheekh-Atomyo jiifaa? Mase haboon tahay in maadada diinta islaamka ladarso oo tubta toosan lagu dhaqo Soomaaliland intii barito mid tooxsan lahaa (hi jack) jeebkiisana kala soo bixi lahaa mabadii ugaara iyagoo ku soo gabanaya diinta islamka?

· Distuurka wax malaga badali karaa? Sida guurtida abdiya malaga dhigi karaa mase lagu soo kordhin karaa salaadiinta si meeshu miyir u yeelato?

· Shaadhadh kan badan ee reer boorame xidhan yihiin mala midayn karaa?

· Ciise Binu-Axmed maku dulman yihiin nidaamka? Sideese loo sixi karaa?

· Hartigan 3 gobol wax kulihise ma ku dulman yihiin nidaam kan Soomaaliland?sideese loo sixi karaa?



Hadaba intaa aan kor kusoo xusay iyo inkalaba dawladan maanta joogtaa ma xaliyi kartaa? Runtii waala xalin karaa waxase loo bahan yahay qodabadan hoos ku xusan



· In marka hore ay dawladu xor tahay, dawlad xor ah ayaa qaran xor ah dhisi karta ! dawlad madiidin ahi qaran xor ah ma dhisi karto.

· Waa in ay dawladu leedahay karaamo iyo akhlaaq (values) dawlad taa ka aradani hadii walibana cimri dherer kusii darsatadto sidii tii hore wadankaas inkaar baa ku dhacday!

· Waa in ay dawladu qunyar socod tahay go,aan ka ay qaadatana maanta waa in ayna bari badalin go,aan ka ay qadanaysana ka fakirto oo aanaay qadan go,aan dagdaga si anay hadhaw u qoomamo u iman.



Dawlada Soomaaliland xoog ayay yeelan kartaa hadii!!

· Hadii ay kabad baado dabaylaha qaarkood dawladaha afrikanka cidhif yada ayaa looga soo dhacaa oo laga bur buriyaa dawladuna waxay ku koob nataa casimada taas oo daawlaha Afrikanku marka hore ay casimadaha uun dhisaan oo daayacaan dalka intiisa kale halkaana looga soo dhaco ama aakhirka laga soo bur buriyo daafaha kadibna loogu yimaad casimadaha

· Waa in ay dawladu kaadh keeda si fiican u dheesha dawladii hore wax kaadh ah oo ay dheeshay majiro waa in ay u dheesha si xirfadaysan oo taxadir leh iyadon nabad gaalyada ka tagayn sida mid istaratiijiyadeed,mid bad mid bari, mid khayraadka dhulka jiifa xataa ku siman duur joogta!!!!

· Hadii fursadaha ictiraafku soo yaraado dawladi waatii dadkeeda danihiisa soo horu marisa xidhiidhadeeda siyaasadeed waa tii dib ugu noqota taas oo keeni karta in xidhiidho maan ta jira daqada ka baxaan kuwo hor lihina irida kasoo galaan!!

Gabogabo:

Xaqiiqooyinkan in lafahmaa haboon

· 5 shanta sano ee soosocota wakii mudane Maxamed Axmed Maxamud (Siiranyo) inoo  aha ada madax waynaha dalka Soomaaliland hadii alle idmo Amina Waris na waa marwada  kawa ad ee dalka S/L hadaba arin kaasi waa arin dhamaaday (finish) markaa saw maaha in lakala shaqo tago qof walbana xirfadiisa shaqo ku doonto la,iskana yareeyo siyasada xoogana lasaaro xaga dhismaha dalka.

· Dawladnimo waa nidaam ismaqal iyo kala danbayn ayaa sal u,ah tusaale: kubada-cagta waxa loo ciyaraa 11 iyo 11 intaa waxii kabadana haday ciyaarta u saftaan ciyaar laguma sheegi karo goolna kama dhasho hadii siidhi walaha lamaqli waayana kaba sii daran oo waa foowdo.

· Mugdigii waxa looga baxay arimihii bul shada ee mugdiga lagu maa mulijiray in iftiinka lagu mamulo oo wax qarsoomaayana jirin dimiqradiyada iyo warbahinta casriga darteed warbaahin masuulka ahi sirdoonka waa ay ka mihiimsan tahay siyaabo badan awgeed

· Dawladu waa in ay geesinimadeeda latimaad runtana ka sheegtaa hadii ay albaabadu inagusoo xidhmo.





Qalinkii: Mohamed Rashiid Sh Aadan

g.golis@yahoo.se
Jameeco Media Group
Sweden