Dawlada Denmark oo Markii u horaysay Wakiil usoo magacawday Xafiis ay ku yeelato Somaliland


 


Wakiilkan oo magaciisa lagu sheegay Mr.Soren Skou Rasmussen ayaa ka hawl gali doona xafiiska cusub ee ay hargeysa ka furanayaan.


Hargeysa (TNN)-Wasiirka Wasarada Arrimaha Dibada  Somaliland,.Dr.Maxmed C/laahi Cum ar ayaa sheegay in Dawlada Denmerk ay Somaliland u soo Magacawday Wakiil dawladaasi u fadhiyidoona Somaliland oo la yidhado Mr. Soren Skou Rasmussen.


Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr. Maxmed C/laahi Cumar oo warbaahinta la ha dlay ayaa wuxuu yidhi  “Maanta Dalka wax Yimid Wakiilka Dawlada Denmerk u Fadhiyidoon a Somaliland Mr. Soren Skou Rasmussen oo si rasmi ah dalka u yimid, si uu hawlihiisi uu hal kan wakiilka uga noqonayo dawladda Denmerka uu u bilaabo, Arrintaasi waxay ka danbey say wadda hadal dhexe maray Dawlada Denmerk iyo Dawlada Somaliland, laguna heshiiy ey ama ay iyadu goáansatay in ay wakiil halkan ku yeelato, Hawlaha ugu waaweyn ee wa kiilkaasi uu halkan ka qaban doono wax ugu badan in uu kobciyo iskaashiga labada dal De nmark iyo Somaliland, oo Khaasatan u badan dhinca Horumarkaiyo Iskaashiga iyo Arrimo dhinca Nabadgelyada la xidhiidha, Runtii sharaf weyn ayey inoo tahay in Maanta halkan dawladii ugu horeysay ee Reer Yurub ay halkan xafiis rasmi ah oo wakiil ka noqonaya Dan ahooda iyo Iskaashiga ka dhexeya dalkeena iyo Dalkooda, uu halkan maanta uu ka furmo sharaf weyn ayey Xukuumada iyo Shacabka reer Somaliland u tahay.”Ayuu yidhi Wasiirku.
 

 

Timacade News Desk