DAWLADA ETHOPIA AYAA XAFIISKEEDII HAR GEYSA KOR U QAADAY DERJO AHAAN UNA MAGACWDAY QUNSULYID
 

Dawladda Itoobiya ayaa Qunsuliyad buuxda u magacowday Xafiiskeedii ay ku lahayd Magaalada Hargeysa oo hore u ahaa mid Ganacsi. Waxaana  shal ay dalka soo gaadhay Safiir cusub oo ay u magacowday Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Wefti ka socda Itoobiya oo maanta wada-jir Shir-jaraa’id ugu qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda  Somalila n d, ayaa sheegay in Dawladda Itoobiya ay derejo ahaan kor u qaadday  X afiiskii Ganacsi ee ay ku lahayd Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo  arri ntan ka hadlay, ayaa yidhi, “Farxad wayn bay noo tahay in Xafiiskii Ganacsi ee Itoobiya ku lahayd Somaliland loo dallaco Qunsuliyad. Waxa shalay dalka soo gaadhay Safiirka ay Itoobiya dalka u soo magacowday oo halkan  (Shir ka-Jaraa’id) inala fadhiya. Waxa uu xalay la kulmay Madaxweynaha oo uu u gudbiyay farriin uu uga siday Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya iyo Wasiirka  Arri maha dibedda dalkaas.”

Wasiirku wuxuu u ballan-qaaday Wakiilka loo soo magacaabay Somaliland in ay Wasaarad ahaan iyo Xukuumad ahaanba taageeri doonaan, isla  marka ana is-garab taagi doonaan. “Waanu kugu soo dhawaynaynaa Somaliland, waxaananu kuu ballan-qaadaynaa in aanu iskaa garab-taagno. Halkanna (Somaliland) waa dalkaagii labaad ee soo dhawow.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Safiirka cusub ee Itoobiya u soo magacowday Somaliland Mr. Berhe Tesfey oo isna halkaa kelmado aad u kooban ka yidhi, ayaa ballan-qaaday in uu la shaqayn doono.


 


Source: Togaherer