Dawlada Itoobiya oo Markii U horaysay ka hadashay Mow qifkeeda la xidhiidha Hubka Saaran Markabka ku xidhan Dekedda Berbera

 


Sarkaal ka tirsan Safaaradda Itoobiya oo Berbera ku tagay indho indhaynta Markab Hubku sa aran yahay


Hargeysa (TNN):- Dawladda Itoobiya, ayaa markii u horeysay ka hadashay Markab dhowaan ku soo xidhay dekedda Berbera, kaas oo xukuumadda Somaliland xannibtay kaddib markii laga helay saanad-milari oo laga shakiyey cidda iska leh.

Markabkan oo maalmihii u dambeeyey ku xannibnaa Dekedda Berbera, xukuumadda Somalilan d-na sheegtay inay gacanta ku hayso baadhitaanka cidda iska leh hubka saaran, waxa ay da wladda Itoobiya oo Somaliland iskaashi kala leh dhinaca ammaanka u dirtay sarkaal sare oo ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa.

Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa Brig. Gen. Berhe Tesfaye, ayaa sheegay in sar kaal ka tirsan Xafiiskiisu u diray xogogaal u noqoshada xaaladda Markabka ku xidhan dekedda Berbera ee saanadda Milatari lagu qabtay, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay inay qayb ka tahay wada-shaqaynta dhinaca ammaanka ee ay wadaagaan Somaliland.

Berhe Tesfaye oo wargeyska HIMILO wax ka weydiiyey jiritaanka war lagu baahiyey warbaahi nta qaarkeed oo lagu sheegay in dawladda Somaliland ay safiirka Itoobiya ka horistaagtay bo oqasho uu ku tagi lahaa magaalada Berbera, waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin warka as , balse uu jiro sarkaal ka tirsan xafiiskiisa socdaal ku tagay magaalada Berbera.

“Waxba kama jiraan socdaal aan ku tegay dekedda Berbera oo kuna soo eegayey markabka oo lay diiday, balse waxa jiray sarkaal ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Somaliland oo socdaal ku tegay xog-ogaal u noqoshada arrimaha la xidhiidha markabka iyo waxa saaran,” Sidaas ayu u yidhi Mr Berhe.

Mr. Berhe oo la weydiiyey inay xukuumadda Somaliland ka wada hadaleen arrimaha Markabka iyo ujeeddada socdaalka sarkaalka ku tegay dekedda Berbera waxuu ku jawaabay, “Kamaanu wada-hadal, sabab aan u weydiiyo ma jiro waa hawl xilkeeda ay leedahay Somaliland, haddii arrimo saamayn leh ay qabaan way nala wadaagi karaan,” ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Tegitaanka sarkaalka safaaradda ee dekeda Berbera waxuu ahaa kormeer caadi ah oo xog-ogaal ugu soo noqonayey arrimahaa markabkaa iyo waxa uu sido inaanu cadow lahayn, waana arrin aanu wada shaqeyn ka leenahay xagga amaanka Somaliland.”




Xigasho: Wargeyska Himilo