Dawlada Kenya Oo Shiikh Shariif Ku Eedeysay Inuu Maleegay Qaraxyadii Lagu Weeraray Madaxweynaha Cusub Ee Somaliya.

 



Sam Ongeri Wasiirka Arimaha Dibeda ee Dowlada Kenya ,ayaa sheegay in Shiikh Shariif ay weli u cuntami la’dahay guul daradii.


Nairobi (TNN)-Wasiirka arimaha dibeda ee dowlada Kenya Sam Ongeri ayaa ku eedeeyey madax weynihii hore ee DKMG aheyd ee Somalia Shariif Shiikh Axmed inuu ka dambeeyey qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee maalmo ka hor ka dhacay Hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa madaxweynaha cusub ee Somalia.

Sam Ongeri, Wasiirka Arimaha Dibeda ee dowlada Kenya ayaa sheegay in Shiikh Shariif ay weli u cuntami la’dahay guul daradii ka soo gaartay tartanka looga guuleystay ee madaxtinimada S omalia uuna isku dayayo inuu carqaladeeyo madaxweynaha cusub.

“Doorashada ka hor Shiikh Shariif waa ila soo xiriiray, wuxuuna iga codsaday in Kenya ay gacan ku siiso sidii uu mar kale ugu soo bixi lahaa doorashada maadaxweynaha Somalia, hase ahaatee waxaan ugu jawaabay in Kenya aysan shaqsi taageereynin shaqsi balse ay taageereyso madax a weyne kasta oo Baarlamanka Somaliyed uu soo doorto” ayuu intaa ku daray Sam Ongeri.

Wasiirka Arimaha Dibeda ee dowlada Kenya Sam Ongeri ayaa intaa ku daray in Shiikh Shariif uu soo gaaray hotelka Jasiira wax yar ka dib markii ay qaraxyadu dhaceen isagoo aysan ka muuqa n wax naxdin iyo tiiraanyo ah taasoo uu sheegay iney cadeyn u tahay qaraxyada halkaas ka dh acay inuu wax ka ogaa.

Hadalka Wasiirka arimaha dibeda ee dowlada Kenya Sam Ongeri ayaa ku soo aadaya xili Xaraka da Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Somalia ay sheegatay masuuliyada qaraxyadii lagu weeraray hotelka Jasiira ee uu degenaa madaxweynaha Somalia, waxaana xusid mudan in xiriir ka ka dhexeeyay madaxweynuihii hore ee dowlada Kenya uusan fiicneyn