Wardegdeg ah :Dawlada Somaliland oo Dalka ka mamnuucday xafiiska Qaramada Midoobay ee siyaasada iyo Wakiilkeedaba

 



"Xukuumadda Somaliland wax wada shaqayn ah la yeelaynayn xafiiska siyaasad dda QM, ee Somaliya, balse ay kala sii shaqaynayso Mashaariicda Horumarinta,"Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar


Hargeysa (TNN):- xukuumada Somaliland ayaa ku gacan saydhay inay wax wada shaqayn ah la yeela to Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobay ee UMSOM, ka dib kulan arintaasi ay kaga wada hadle en madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ergayga Qaramada Midoo bay ee Somaliya Nicholas Kay.

Kulankan oo Caawa ka dhacay Qasriga madaxtooyada Somaliland, dhex marayna Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golihisa Wasiiradda iyo Ergayga UN- ka oo ay la socdaan Saraakiil ka tirsan Xafiiskiisa, ayaa intii uu socday Warbaahintu dibada ka joogtay , hase ahaatee markii uu dhamaaday waxa Warbaahinta uga waramay wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland waxa uu si toos ah u sheegay inay Ergayga u cadeeyeen inaan Xukuumadda Somaliland wax wada shaqayn ah la yeelaynayn xafiiska siyaasaddda Q.M, ee Somaliya, balse ay kala sii shaqaynayso Mashaariicda Horumarinta.

“Waxaanu u aragnaa Xafiiska UMSOM ee Barigii hore la odhan jiray UNPOS, markii aanu daraasaynay xukuumad ahaan, inuu yahay mid lagu balaadhinayo siyaasada Somaliya, oo intiisa badani ku wajahantahay dib u dhiska somaliya haday tahay dib u heshiisiinta, haday tahay dhinaca maamulka,markaa, maadama Somaliland tahay dal madaxbanaan, xafiiskaasina yahay mid ka hor imanaya qadiyada gooni isutaaga, waxaanu go’aansanay dawlada Somaliland hadii aanu nahay inaanaan Qaramada Midoobay kala shaqayn dhinaca siyaasada ee Xafiiska UMSOM loo furay, waana mid aanu u argno inuu ka hor imanayo Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, waxaanan u sheegnay inaanay waxba naga khusayn xafiiskaasi”ayuu sheegay Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Wasiirka ayaa sidoo kale sharaxay waxyaabaha ay isla garteen inay ka wada shaqeeyaan Qaramada Midoobay. “Ergayga Qaramada Midoobay waxanu u sheegnay inaanu kala shaqaynayno Mashaariicda dhinaca Horumarinta ee ay ka shaqeeyaan Hay’ada ka farcama UN-ka, sida WFP, UNDP iyo kuwa kale, waxaanan ka dalbanay in waliba la kordhiyo Mashaariicdaasi oo la soo mariyo nidaamka Mashaariicda horumarinta Somaliland, lagana maamulo Gudaha Somaliland oo aan meel kale laga Maamulin”ayuu sheegay.

Geesta kale Wasiir M. Cabdillaahi cumar, ayaa sheegay inay ergayga UN-ka isla soo qaadeen xayiraadii Somaliland ku soo rogtay Duulimaadyada Diyaaradaha UN-ka ee Somaliland, waxaanu sheegay inay xukuumad ahaan xadideen Go’aankaasi. “Go’aankii hore ee aanu ku joojinay Duulimaadyada Diyaaradaha Qaramada Midoobay, waanu ka wada hadalnay, waxaanan isla garanay in wixii Mucaawimo toos ah u sida shacbiga Somaliland ee dan u ah bulshada diyaaradaha sida aanu ogolnahay, laakiinse kuwa ay la socdaan shaqaalaha UN-ku e arimaha kale u socda, go’aankii aanu ka qaadanay ayay ku jirayaan”.


Ma jiro wax war ah amase jawaab celin ah oo dhinaca Weftiga ka soo baxay, waxaase muuqatay in Ergayga Qaramada Midoobay iyo weftigiisu si weyn uga biyo diideen go’aanka ay dawlada Somaliland ka qaadatay la shaqaynta Xafiiska Siyaasada ee UMSOM, taasoo wajigiisa laga dheehanayay Sarkaalka weftiga ugu sareeya.

Nicholas Kay iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa maanta Booqashadiisii ugu horaysay ku yimi Magaalada Hargeysa, tan iyo markii xilka loo magacaabay, isla markaana la bedelay qaab dhismeedka iyo magaca Xafiiska uu madaxda ka yahay.

 


Timaacde News Desk
Hargeysa ,Somaliland