Dawladan jirtaa toosinta waxay u taqaanaa dhaliil ee bilaa caleek haygu xanaaqina

 


 


Waxa aan soo arkay deegaan balaadhan oo ka mid ah dalkan Jamhuuriyada Somaliland oo da wlada Madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaaminayaa ay ilawday kuna jirin qorshaheeda wax qabad.


Deegaanka Gaaroodi ee hoos yimaada degmada Sallaxley waxa uu ka koobanyahay 31-tuule, waana deegaan aad u balaadhan kana baaxad weyn gobolada qaar.Waa deegaan ay ku dhaq an-yihiin badi xoolo dhaqato,beeralay iyo dad ka ganacsada tuulooyinka.Degmada Sallaxley oo keli ah ayaan ku soo arkay maamul dawladeed inuu ka jiro.Halkaas oo uu ka dhisanyahay dugsiyo hoose/dhexe,dugsi sare iyo dugsiga agoomaha. Dawlada hoose,Saldhig boolis iyo xa run caafimaad ayaa ka jira oo laga hawl galaa.


Waxa soo raaca ganacsadaha la yidhaa Cabdikariim Maxamed Iid ee Telesom ayaa ugu deeqa y Salaxlay qayb dugsiga ka tirsan,laguna barto computer studies,waxaanu u galiyay internet bilaash ah,waxa kale oo uu ardayda ka soo baxda dugsiga Sare ee Salaxley ugu deeqaa arday ama laba scholarship iyo taageero dhaqaale kuna kaabo hadba waxa ay dugsiyadaasi u baahd aan.Taasi waxay ka tarjumaysaa waddaniyadu inay qof walba oo hadi karaba ay waajib ku tahay.


Dhamaan 31kaa tuule iyo deegaanka hoos yimaada haba-yaraatee kama jiro maamul dawlade ed.Arrinkaasi waxa uu igu noqday mid aan liqi waayay!Waayo Jamhuuriyada Somaliland wax ay haatan jirtaa 21tan sanno.Waxaana dalka soo maray 3 dawladood iyo tan maanta dalka ka talisa.Taa weeyaan ta igu noqotay laf dhuun mari wayday! Markaa waxa aan naftayda waydii yay sababta intaas oo dawladood go’odoonka uga dhigeen deegaanka gaaroodi,tan iyo maan tana jawaab uma hayo.


Waxaynu la wada soconaa tan iyo intii Jamhuuriyada Somaliland cagaheeda isku taagtay inuu dalka ka socday hormar dhinac walba leh itaal kasta ha lahaadee balse deegaanka gaaroodi wax mashaariic oo ka baxsan inta aan kor ku xusay ma jiro marka laga reebo xarun hada la fu ray oo ay dhistay UNICEF una dhistay ururka dhalinyarada Salaxley lana yidhaa SAYDO.Wax k ale oo dawladahii iska danbeeyay ay u qabteen ma jirto.Dawladan hada jirta ee uu hogaanka ka yahay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ilaa hada indhaheedu way ka sii jeedaan ayadoo weli ba Madaxweyne Axmed noloshiisa iyo maamulkiisii halgankii SNM uu xogogaal u yahay qaybta laxaadka leh ee deegaanka gaaroodi ku suntanyahay.Waxa deegaankaa u dheer oo ayaan darro ah hadba wasiirka iyo masuuliyiinta ka soo jeedaa tan iyo lixdankii waxa aad moodaa in naftaba laga jarayo hadiiba lagu yidhaa mashaariicda maamulka aad ka tirsantihiin wax uga raadiya oo mashaariicda dalka loo qaybinayo qorshaha ugu dara.Masuuliyiinta ka tirsan dawl adan jirtana ee ka soo jeeda deegaanka gaaroodina kama duwana kuwii hore ee ilaa lixdankii is-bedelayay.Waxaabay dheeryihiin sas aanay kuwii hore qabin ayaabay qabaan masuuliyiint an maantu ee deegaanka gaaroodi ka soo jeedaa.


Waxa aan ugu baaqayaa dhamaan aqoonyahanka,qurba-jooga iyo ganacsatada ka soo jeeda deegaanka gaaroodi inay talo wada yeeshaan oo ay gobolkan la ilaabay,una eg inaanu dalkan Jamhuuriyada Somaliland ka tirsanayn ay gartaan inaan cid kale u maqnayn.Kana hawl galaan sidii ay deegaanka gaaroodi qorshe ugu jeexi lahaayeen,iskuna hawlaan horumarka dalka ka socda inuu la jaan qaado.
 

 

 

 

 

X. X .Badmaax
hbadmah@yahoo.com
Hargeysa/JSL