Dawladda in la Dhaliilaa Hannaanka Dimuqraadiyadda aynu Dooranay ayey ka mid Tahay

 

 


 


Wasiirka Qorshaynta oo faahfaahin ka bixiyey qaabka deeqaha loo siiyo Somaliland iyo waxa laga yeelayo dadka ku tagrifala hantida ummadda ee lagu aaminay

Hargeysa (TNN)- Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa daboolka ka qaaday in dawladda, siyaasiyiinta iyo dadweynahaba xil ka saaran yahay ilaalinta iyo dhawrista hantida qaranka, isagoo xusay in dawladda oo la dhaliilo ka mid tahay hannaanka dimuqraadiyadda.

Dr. Sacad Cali Shire oo warsaxaafadeed ka soo saaray shalay caasimadda Hargeysa, waxa uu tilmaamay in dawladda Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo ay ka go’an tahay dhawrida iyo ilaal inta hantida ummadda, isagoo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi;

“Waxa jira beryahan dambe eedeymo saxaafadda lagu baahiyey oo ku saabsan leexsad deeqo layna siiyey. Giddigeenba shicib, siyaasiyiin iyo dawladba waxa xil innaga saaran yahay ilaalinta iyo dhowrista hantida qaranka, dawladdana in la dhaliilaa hannaanka dimuqraadiyadda aynu do oranay ayey ka mid tahay, waxase habboon inaynu marka hore fahanno habka deeqda laynoo siiyo.

Dawladda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu hoggaaminayo waxa ka g o’an, siyaasaddeeduna tahay in la dhawro oo la ilaaliyo hantida ummadda ama cashuur ha noq oto ama deeq la siiyey ha noqotee. Hawshaas waxa u xilsaaran hay’ado khaas ah sida Hantidha wrka iyo Hay’adda Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa. Guud ahaan shacab, baarlamaan iyo dawladba waxa xil innaga saaran yahay dayac-ka-ilaalinta hantida qaranka. Haddii cid ku takrifasho ama lagu tuhmo in ay leexsatay wixii lagu aaminay, waxa loo baahan ya hay in hay’adaha sharciga ah ee arrinkaasi khuseeyo la gaadhsiiyo, iyana waxa ku waajib ah inay xilkooda gutaan. Taas baana saldhig u ah siyaasadda dawladda.”

Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland waxa kaloo uu tafaasiil ka bixiyey ha nnaanka beesha caalamku deeqaha u siiso dawladda soo koraya ee la aqoonsan yahay iyo qaa bka Jamhuuriyadda Somaliland taageerada uga hesho deeq-bixiyeyaasha.

“Waddamada soo koraya ee la aqoonsan yahay deeqda la siiyo inteeda badan waxa toos ah g acanta looga geliyaa dawladda oo lagu kabo miisaaniyaddeeda. Deeqahaas waxa bixiya dawla do ama hay’ado (Bilateral Aid). Innaga maadaama aan layna aqoonsanayn deeq toosa oo lacag ah cid ina siisaa ma jirto. Deeqaha layna siiyo oo dhan waxa laynoo siiyaa si dadban. Waxa layn oo soo mariyaa hay’adaha Qaramada Midoobay, hay’adaha samafalka ee caalamiga ah, shirkad o gaar ah ama hay’adaha samafalka ee waddaniga. Deeqahaasi waxay ina soo gaadhaan iya goo mashaariic ah. Mararka qaar waxa mashaariicdaas fuliya wasaaradaha iyo hay’adaha dawli ga. Mashruuc waliba wuxuu leeyahay ujeeddo, wax-soo-saar, dabagal iyo xisaab-celin. Waxaan filayaa in aanay jirin, welina lama kulmin hay’ad lacag mashruuc loogu tallogalay ku shubtay akaawn gaar ah oo masuul qaran leeyahay,” ayuu wasiirku ku yidhi warsaxaafadeedkiisa.

Waxa kale oo wasiirka qorshayntu u sharaxay bulshadda Somaliland ujeedooyinka, qaab-dhism eedka iyo shaqada hay’ad la yidhaahdo Shirkadda Horumarinta Somaliland oo madaxweyne Siilaanyo ka qaybgalay furitaankeeda wakhtigii uu magaalada London ka socday shirkii lagaga hadlayey arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka qorshaynta oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxa iyana jirta su’aalo bad an oo layska weydiiyey ujeeddada, qaab-dhismeedka iyo shaqada hay’ad la yidhaa Shirkadda Harumarka Somaliland (Somaliland Development Corporation) oo ay si weyn isugu hawleen, ug ana shaqeeyeen muwaaddiniin reer Somaliland ah iyo saaxiibbo Somaliland oo muhiim ah. Hay’addaas oo laga diiwaangeliyey dalka Ingriiska. Guddida agaasinka hay’addu waxay ka koob an tahay xubno muwaaddiniin iyo xubno Ingiriis ah. Haya’ddu waa hay’ad madaxbanaan oo aan dawli ahayn. Waxay ka kooban tahay laba qaybood: Qayb hay’ad samafal ah iyo qayb shirkad gaara ah.

Qaybta samafalku waxay la mid tahay hay’adaha samafal ee caalamiga ah. Ujeeddadeedu waxa weeye inay mashaariic harumarineed waddanka ka fuliso. Mashaariicdaas oo ay maalgelin doon aan waddamada iyo hay’adaha deeqda bixiya. Qaybta shirkadda gaarka loo leeyahay ujeeddad eedu waxa weeye inay soo hagto oo u fududayso sidii ay u maalgashan lahaayeen waddanka shirkadaha ajnebigu.

Waxa iyana hawshiisu socotaa sanduuq (Trust Fund) ay wadajir u samaynayaan dawladda In griiska iyo dawladda Denmark. Sanduuqaas lacagta ku soo dhacda waxa si toos ah lagu fulin d oonaa mashaariic harumarineed. Qaab-dhismeedkiisa iyo hab-maamulkiisu weli waa hawl qabyo ah oo socota.

Deeqaha layna siiyaa imminka kama muuqdaan miisaaniyadda dhexe ee dawladda, waayo dakhli khasnadda dhexe ku soo dhacay oo dawladdu go’aamiso sida loo isticmaalayo ma aha. Haseyeeshee, siyaasadda dawladda ayey ka mid tahay in miisaaniyadda lagu xuso oo lagu lifa aqo warbixin wixii sannadkii hore deeq waddanka soo gaadhay iyo odoros waxay hay’aduhu ugu talogaleen sannadka soo socda iyo meelaha loogu talogalay. Si ay taasi innoogu hirgasho waxaynu u baahannahay in aynu hay’adaha ka hello warbixin iyo qorshayaashooda. Arrinkaasi sidii uu innoogu fuli lahaana hawshiisu way socotaa.

Sharciga Hay’adaha Samafalka ee madaxweynaheennu saxeexay November 2010 ayaa faraya, kuna waajibinaaya hay’adaha inay xogta waxqabadkooda iyo qorshahoodaba u soo gudbiyaan dawladda,” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.
 

source:Jamhuriya