Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay in Beesha Caalamku Ka Niyad Jabayso Somaliland Haddii Doorashaddu Dib U Dhacdo

 


Hargeysa (TNN) :- Ku xigeenka Danjiraha Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya, Anddrew Allen, ayaa sheegay in ay dunida ku noqoneyso u qaadan waa iyo niyad jab haddii ay Soo maaliya ku qabsato doorashooyinkeeda sannadkan oo ay Somaliland-na ku fulin weydo doo rashooyinkeeda madaxtinimo waqtiga u qoondeysan ee bisha March 2017-ka.

Andrew Allen waxa uu hadalkan ka sheegay uu shalay warbaahinta ugu waramayay Hute elka Ambaasador ee Hargeysa, isagoo booqashadiisani tahay tii ugu horeysay ee uu ku yim aado Somaliland.
Safiir ku xigeenka Ingiriisku Isaga oo sharraxayay sida uu Ingiriisku uga xun yahay dib u dh aca doorashooyinka madaxtooyadda ee sannadka dambe, waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inay dawladdu fulin doonto jidwalka u dejisan doorashada madaxtinimada ee March 2017.


“Geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland waxay ileys u tahay gobolka,” ayuu ku yidhi su xufiyiinta. “Haddii Muqdisho si guul ah u qabsato doorashada, balse ay Somaliland ka gaab iso dimuqraadiyadeedii, waxa aan filayaa in ay dadka qaar sameynayaan is barbardhig ,” ayuu yidhi Andrew Allen. Diblomaasigani waxa uu sheegay inay dawladda cusub ee Ra’iisul wasaare Theresa May ayna wax isbeddel ah ku sameyn doonin siyaasada UK ee taageerad a Soomaaliya iyo Somaliland, islamarkaana ay hore ugu socon doonto in ay shirweyne u qa bato qaadhaan bixiyeyaasha si loo sii wado dhaqaale raadinta sannadka soo socda.

Mr. Allen waxa uu ka jawaabay su’aalo door ah oo ku saabsanaa waxa ay Somaliland uga heli weyday beesha caalamka aqoonsiga ay raadineysay tan iyo markii ay gooni uga istaa gatay Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxaanu sheegay in ay tahay arrin u taal beesha ca alamka, balse aaney ahayn mid u taal Ingiriiska oo keliya. “Go’aankaasi waa mid ay gaadhe yso beesha caalamka,” ayuu yidhi.


Waxa uu tilmaamay markii ay Czechoslovakia u kala baxeysay labada dal ee Slovakia iyo Cz ech republic – in ay aheyd heshiis ay wada gaadheen dadka labada dal.
“Waxa uu ahaa furriin laba dhinac ahaa” sababta oo ah labada dal ayaa wada Hadley,” ayuu yidhi, isaga oo soo xiganayay sheegashada ay Soomaaliya sii wado ee ay ku sheegan ayso Somaliland in ay ka mid tahay dalkeeda.
Danjiruhu waxa uu is diidsiiyay mar wax laga weydiiyay sababta diblomaasiyiinta UK ee qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ay u fadhiistaan oo kaliya Muqdisho, waxaanu yidhi “Waxa aan dad ku leenahay Nairobi, Addis Ababa, Mogadishu, London iyo Somaliland kolkaasi waxa aan sii wadi karaa taageerada aan u fidineyno. Ma jiro wax isbeddel ahi siyaasadayada,” ayuu yidhi.


Dhinaca kale Allen waxa uu ka Hadley madaxbananaanida saxaafada, waxaanu sheegay inuu soo dhaweynayo wadaxaajoodka dowladda iyo warbaahintu ka leeyihiin xeerka anshaxa ee doorashooyinka soo socda.