Dawladda Ingiriiska Oo Somaliland Soo Gaadhsiisay Gaadiid Ay Ugu Talagashay Inay Ciidamada Ilaalada Xeebuhu Ku Hawlgalaan

 


Berbera (TNN) - Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Cimaan Jibriil  Xa gar, ayaa maanta 12 Baabuur oo ka mid ahaa 14 Gaadhi oo ay dawladda Ingiriisku ugu deeqday Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ka guddoomay Sarkaal sare oo dhinaca arrimaha  Millata riga u qaabbilsan Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka It oobiya.

12-kaas Gaadhi ayaa Taliyuhu ku guddoomay kulan lagu qabtay Taliska Ciidamada ilaalada  Xeeba ha Somaliland ee magaalada Berbera. “Aad iyo aad baannu ugu mahadnaqaynaa dawladda  Ingir iiska iyo Mr. Brown oo ah ninka Millatariga Ingiriiska u fadhiya Safaaraddooda Addis Ababa ee  xa runta waddanka Itoobiya. Runtii dhibaato badan ayaa naga haysatay xagga qalabka hadday  tah ay xagga Badda iyo hadday tahay gaadiidka Dhulkaba, wax badan oo dhibaatooyinkii baahiyeed ee aannu qabnay wax badan bay ka tari doonaan gaadiidkani.” Sidaa waxa yidhi Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland Gen. Xagar.

Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland Gen. Cismaan Jibriil Xagar, waxa uu sheegay inay deeqdani hordhac u tahay deeqo kala duwan oo dawladda Ingiriisku ku ballan qaadday inay ku  horumarina yso ilaalada Xeebaha Somaliland, kuwaasoo loogu talagalay in lagu sugayo ammaanka guud  aha anba xeebaha dalka iyo la dagaallanka Budhcad-Badeedda Maraakiibta iyo Doonyaha ka  qafaas ha Biyaha Gacanka.

Dhinaca kale, Sarkaalkan Millatariga Ingiriiska u fadhiya Safaaradda Addis Ababa ee dawladdiisa, ayaa sheegay in Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland door wayn oo muuqda ka qaataan la  da gaallanka Budhcad-Badeedka.

Sarkaal oo arrimahaas ka hadlayaana, waxa uu yidhi; “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay  ha dyaddan aannu ilaalada Xeebaha Somaliland ugu deeqnay inaannu maanta idin soo  gaadhsiin no, isla markaana si rasmiya idiinku wareejinno, taasoo aannu filayno inay wax tar ka noqonayso  de ddaalka aad ugu jirtaan adkaynta nabadgalyadda xeebta dheer ee Somaliland.”

Si kastaba ha ahaatee, Kulankaa Taliyuhu ku guddoomay 12-ka Baabuur, waxa iyaguna goob-joo g ka ahaa qaar ka mid ah Saraakiisha iyo Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland, kuwaasoo  iyag una madashaas ku soo bandhigay qaybo ka mid ah awooddooda iyo aqoontooda Ciidan.

Source: Togaherer.com