Dawladda Itoobiya oo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku Hanbalyaysay xuska maalinta Qaranimada ee 18 May

 


Hargeysa(TNN) :-Qoraal ka soo baxay xafiiska Itoobiya ku leedahay caasimada Hargeysa, kuna saxeexan yahay Brig Gen. Berhe Tesfay, safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa lagu sheegay inuu hambalyo u dirayo shacabka Somaliland la xidhiidha xuska maalinta qar animadda Somaliland.

Mr. Tesfay ayaa qoraalkiisa ku yidhi, “Waxaan u rajeynayaa shacabka Somaliland farxad maalinta xuska qaranimadooda 18 May.
Qoraalka safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa sidoo kale la raaciyey, “Waxaan u raja ynayaa gaadhitaanka guulo badan mustaqbalka.”

Xukuumada Itoobiya ayaa noqonaya wadankii ugu horeeyey ee hambalyo la xidhiidha xus ka maalinta qaranimadda 18 May u soo dira shacabka Somaliland.Dhinaca kale, dalka Itoo biya ayaa la filayaa inay kala qeyb galaan shacabka caasimada Hargeysa dabaal dega xus ka 18 May oo berri ka wada dhici doona wadammo badan oo caalamka ah.

Munaasibadaha xuska maalinta qaranimadda Somaliland ee 18 May oo sannadkan si balaad han uga xusi doonaan muwaadiniinta Somaliland ee daafaha caalamka ku kala nool magaalo oyin gaadhaya lixdan oo ku kala yaal afartan wadan ayey ka qeyb ahaan doonaan banaan baxyo lagu dalbanayo aqoonsiga Somaliland oo wadamada qaarkood ka dhici doona.