Dawladda Itoobiya oo Dalkeeda Xalay ka Mastaafuriyey Cali Khaliif Galaydh

 



Sababaha keenay mastaafurinta Cali Khaliif ee Itoobiya ka cadhaysiiyey ...................


Addis Ababa (TNN)- Dawladda Itoobiya, ayaa ka dalkeeda xalay ka mastaafurisay siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah abaabulayaasha majara-habaabiyey shirkii beelaha Sool iyo Buuhoodle (Dhulbahante) dhowaan ku yeesheen degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaal ada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, waxa dawladda Itoobiya abbaaro 8:00 fiidnimo ee xalay dalkeeda ka saartay Cali Khaliif Galaydh, kadib markii Itoobiya ka cadhootay falal ammaan-dar ro oo isaga iyo siyaasiyiin ay isku hayb yihiin ka rideen degaanka Buuhoodle oo ku yaal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana uu madaxdhaqameedyo ka tirsan beelaha dega Itoobiya kulan qarsoodi ah kula yeeshay degaanka Jigjiga.

Ma jiro war rasmi ah oo dawladda Itoobiya ka soo saartay arrintan. Haseyeeshee, ciidamma da ammaanka Itoobiya ayaa xalay fiidkii Cali Khaliif Galaydh ka kaxeeyey huteel lagu ilaalinay ey oo ku yaal magaalada Addis Ababa, isla markaana si khasab ah kaga dhoofiyey madaarka diyaaradaha ee xarunta dalkaasi.

Waxa kale oo ilo-wareedyadaasi sheegeen in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo) kulan uu shalay la yeeshay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Males Zenawi ugu gudbiy ey ashkato ka dhan ah siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo uu ku eedeeyey inuu falal ammaan-dar ro ah ka soo sameeyey Somaliland, isagoo Ra’iisal-wasaaruhuna u ballanqaaday Madaxweyn aha Somaliland in dawladdiisu wax ka qaban doonto arrintaas, taas oo sababtay in isla xalay ba dalka Itoobiya laga mastaafuriyo Cali Khaliif Galaydh.

Madaxweynaha Somaliland Md. Siilaanyo ayaa ka hor intii aannu Isniintii toddobaadkan u duu lin magaalada Addis Ababa warbaahinta u sheegay inuu dawladda Itoobiya kala hadli doono danaha labada dal iyo dadba oo ay ku jirto arrinta Cali Khaliif Galaydh.

 

source:jamhuuriya