Dawladda Kenya Oo Si Buuxda Ugu Qanacday Sharciyadda Dahabshiil, Caddaysayna Kalsoonideeda Amni

 


NaIrobi (TNN):-Faafinta rasnmiga ah ee dawladda kenya ayaa shaaciyey in xukuumaddu si buuxda ugu qanacday sharciyadda iyo amninimada shirkadda Dahabshiil, Kenya.Warbaah inta faafiyaha xukuumaddu (Government Gazette) waxa uu si rasmi ah uga saaray Dahab shiil liiskii hore loogu daray sannadkan horraantiisii ee lagu shaaciyey inuu yahay dad iyo hay’ado laga baadhayo inay ku lug leeyihiin falal argagixiso iyo in kale.

Xoghayaha (Wasiirka) Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa xaqiijiyey sababta looga saaray shirkadda liiskaasi maadaama lagu waayey wax haba yaraatee la xidhiidhinaya amuuraha la baadhayey, iyada oo shirkaddu si buuxda oo shurrucda waafaqsan u buuxisay dhamma an shuruudaha u yaalla shirkadaha xawila ama isu gudibiya lacagaha ee ka hawl gala dal ka Kenya.

Xukuumadda Kenya waxa ay soo af jartay baadhis qoto dheer oo dhinacyo badan oo lagu hubinayey qaababka shirkaddu u fuliso hawlmaalmeedkeeda, ugagana digtoon tahay arri maha lala xidhiidhiyo argaxisada, lacagaha la maydho (la xalaaleeyo) iyo sida ay shuruuc da u taalla ka-hortagga argagixisada ugu dhaqanto.

Faafiyuhu waxa uu ogeysiiyey dadweynaha in aanu Dahabshiil ka mid ahayn, si buuxdana looga saaray, liiskaa hore oo si ku-meel-gaadh ah loogu daray.

Tallaabadan lagu caddeeyey sharcinimada buuxda ee Dahabshiil waxa ay daba socotaa  r uqsad uu Bangiga Dhexe ee Kenya bishii June 2015 ugu fasaxay shirkadda inay hawlahee da dib uga bilawdo dalka Kenya, isaga oo ka qaaday xayiraad uu xawaaladaha hore ugu soo rogey 7 April 2015.

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Abdirashid MS Duale, waxa uu ku tilmaamay t allaabadan xukuumadda Kenya kaga saartay Dahabshiil liiskii hore “mid si buuxda ugu ma rag-kacaya in aanay shirkaddu wax qalad ah ama gef sharciyadeed ah gelin – marnaba, iyada oo dawladda Kenya si weyn ugu qanacday in aanay meelnaba ka soo gelin, wax lug ahna ku lahayn maalgelinta ururrada argagixisada, bal se ay si waafi ah oo mug leh ugu dhaqanto shuruucda caalamiga ah ee lagu dhaqo ka-ganacsiga lacagaha la xidhiidha”.

“Shirkadda Dahabshiil waxa ay ka hawlgashaa 126 dak oo ay ka mid yihiin Kenya iyo USA (Maraykanka), waxana aannu ixtiraam iyo ku-dhaqan buuxa siinnaa shuruucda lagu ilaal iyo sharciyadda isu-gudbinta lacagaha ee dalalakaa iyo caalamkaba u yaalla. Adeegga Da habshiil u hayaa macaamiishiisa waa mid nolosha aasaasiga ah Kaaba haddii ay ahaan la hayd dhinaca waxbarashada, nolol-maalmeedka iyo socodsiinta ama maalgelinta ganacsi ga oo isaguna sii abuura shaqooyin aan la dhayalsan Karin”, ayuu yidhi Group CEO Duale.

Shirkadda Dahabshiil waxa ay qayb libaax ku leedahay (kobcinta) dhaqaalaha Kenya. Waxa adeeggeedu abuuray boqollaal shaqo iyada oo uu dad badan shaqaalaysiiyey ama adeegga isu-gudbinta lacagaha oo meherado iyo ganacsi aasaasa laga helo shaqooyin kale oo tiro badan oo wax ka tara xakamaynta saboolnimda, halka ay shirkaddu, weliba, taageero ku celiso bulshooyinka ay ka dhex shaqayso, oo ay ka mid tahay Kenya. Faa’iidada shirkaddu samayso ugu yaraan 10% ayaa ku noqda bulshada si loo hirgeliyo mashaariic kaabayaal u ah mujtamaca, sida dhisidda dugsiyada/iskuullada, cusbataallada iyo helidda biyo saafi ah oo la cabbi karo.