YUSUF BUDLE: DAWLADDA MARAYKANKU
WAXA AY NOO XAQIIJISAY IN AY XUKUUMADDA SOMALILAND QAADATAY MABDA’A
SOOMAALI-WEYN, HAATANNA LA GALAY WEJIGII SADDEXAAD EE IS DHEX GALKA……..
Imaatinka ay ku imanayaan Wasiir Xirsi iyo
Wasiir Biixi dalkan
Maraykanka waxa aan u arkaa Fadeexad Qa ran,
Washington (TNN):-Xoghayaha Arrimha Dibedda ee UCID, Mudane Yusuf Budle oo u waramayay
qaar ka mi d ah saxaafadda m adaxa banaan ayaa sheegay in wasaaradda
arrimaha dibedda ee dalka Maraykanku si toos ah ugu sheegt ay in “
Xukuumadda Somaliland ay si buuxda u qaadatay mabda;a Somali-weyn,
dawla dda Maraykankuna ay aad iyo aad ugu qanacsan tahay mabda’aas,
imika wixii ka dambeeyana ay siyaasa dda arrimaha dibed da ee dalkan
Maraykanku ku saalaysnaandoonto suurto gelinta wajigii ugu dambeey ay
ee midaynta wixii la odhan jiray Somali Republic ee burburtay
sanadkii 1991kii.
Mudane Yusuf Budle waxa uu sheegay in uu aad iyo aad ula yaabay
sheekadda khiyaaliga ah ee ay isku m aaweelinayaan dawladahan waaweyn
ee dhegta keliya wax ka maqla, waxana uu ku tilmaamay “ Riyo cas ar”,
isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi: Run ahaantii werwer
weyn kama qabo qolooyinkan re er galbeedka oo dadbaa lacag kaga cuna
warar iska khiyaali ah waxaanse la yaabay xukuumadan Somalil and ee
qalinka ku duugaysa wax aan laga soo waaqsan doonin. Isaga oo
arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi: Waan ogaa in xukuumaddanu ay
meel walba u gasho siddii ay woxogaa lacag ah uga qaadan lahayd dal
kasta iyo hey’ad kasta oo ay ka dhex sawirato lacag, laakiin marnaba
ma aanan filayn in ay gaadhaan heerkaas ay dalkii dhamaa dhaxal
wareejiyaan. LAAKIIN, ayuu yidhi mudane Yusuf waxa ayna dawladda
Maraykanka iyo dawladaha kale ee reer galbeedku ogayn in aanay
marnaba taasu suurto gal noqonayn, dadweynaha reer Somaliland-na ay
geeri iyo dagaal qadhaadh ka xigaan. Waxana uu Mudane Yusuf Nidar ku
maray in uu isagu qoriga u horeeya qaadidoono haddiiba la isku dayo
xataa wax u dhaw wax wadaag, iskaba daa isku darsiye.
Sidda uu Mudane Yusuf Budle ku sheegay warbixintaas uu siinayay
saxaafadda madaxa banaan; Imaatin ka Odayaasha isugu jira
madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo weliba saraakiisha sarsare ee
Meliteri ee ka socda xukuumadda Somaliya ee dhawaan yimiday Hargeysa,
socdaalkii ay qaar ka mid ah xukuumadda Somaliland dhawaan ku tageen
Muqdisho, Odayaasha dhawaan tegidoona Muqdisha ee reer Somaliland
a h, Saraakiishii reer Somalilnd ee dhawaan lagu soo tabo baray
Muqdisho ee shahaadooyinka uu soo siiyay wasiirka Gaashaandhiga ee
Somaliya iyo saraakiil Melitari oo Talyaani ah, intuba waxa ay ka
jurjumayaan waxa loogu yeedhay” Wajiga Saddexaad ee isu soo
dhaweynta Soomaalida kala cadhootay”.
Waxa kaloo ka mid ahaa hadaladdii uu Mudane Yusuf Budle ujeediyay
saxaafadda madaxa banaan: Imaati nka ay ku imanayaan wasiir Xirsi iyo
wasiir Biixi dalkan Maraykanka waxa aan u arkaa fadeexad qaran,
wa ayo xataa isma waafaqsana waraaqaha socdaalka ama baasbooradda ay
ku imanayaan labadan wasiir da lkan Maraykanka iyo xilalka iyo
masuuliyadda ay u hayaan Somaliland, waana waxyaabaha ugu horeeya e e
buriya sharafta iyo karaamada qaranka uu qofku metalayo. Illaahbaa
og oo ma jeclin in aanu wax sheeg sheegno, laakiin sidda loo socdaa
waa si aad iyo aad uga baxsan sharafta iyo karaamadda dawladnimo.
Waxa aan jeclahay in aan ka faa’iidaysto fursatan oo aan halkan
hambalyo weyn uga soo jeediyo Madaxw eyne ku xigeenka Somaliland,
Mudane Saylici oo isagu illaa hadda diidan in uu ka midnoqdo
socdaalkan qar andumiska ah.
Ugu dambayntii waxa uu Mudane Yusuf Budle sheegay in ay tahay
waajibaad qaran in loo guntado siddii xukuumaddan maanta joogta ee
dalkii iyo dadkiiba xaraashtay looga tuuri lahaa xilka: Run ahaantii
dalkee nii Somaliland waxa uu gacanta u galay shufto aan cidna u
tudhayn, dhegahana ka furaystay Alle ka cabsi iyo u naxariisashada
dadkii doortay.
C/Fataax Adan, Somali-American Media
Washington, USA
|