Dawladda Somaliland Oo Shirka Midawga Afrika U Dir aysa Wafti Ka Ololeeya Madaxda Qaarada Afrika

 


Addis Ababa (TNN):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa shee gay in wefti ka socda Somaliland uu magaalada Addis Ababa ee Itoobiya u tagayo sidii uu uga ololayn lahaa madaxda Afrika ee shirkaas ka qayb galaysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey Warg ey ska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Fiisaha Itoobiya, oo uu sheegay inay ka wada hadleen Safiir ku xigeenka Safaaradda, waxaanu tilmaamay inay wax badan isla garteen, isagoo sidoo kale ka jawaabay baaqii ay reer Yurub ku cambaareeyeen qisa asta ay dawladda Somaliland fulisay.
Wasiirka oo ugu horayn ka hadlaya shirka Midowga Afrika wuxuu yidhi “Waxa aanu tagi doonaa dalka Itoobiya, oo Shirka Midowga Afrika ayaanu doonaynaa in aanu tagno, oo aanu qadiyadeena gaadhsiino insha allah.”

Wasiirka oo wax laga weydiiyay arrinta dal ku galka Itoobiya ee xidhan, wuxuu yidhi “Arr imahan Fiisuhu waa arimo taagan, oo mar walba waanu kala hadlaynaa, doraad tii ka hore eysana waanu iska aragnay Safiir ku xigeenka, oo Safiirkii ma joogo, markaas waxa ay yid haahdeen arintaas waanu saxaynaa oo imika Fiisooyinkii baa naga yar, oo dhawrka cisho ee soo socda waanu rajaynaynaa bay yidhaahdeen, Fiisooyinkiinkiina way yaraadeen ee lama joojin boqolkiiba boqol,marka sidii ay u kala mudan yihiinba loo kala siinayaa, oo wa xa la siinayaa wixii xanuun ah iyo dadka balamuhu ka dhacayaan ee looga yeedhay Safa aradaha”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire ayaa mar aanu wax ka weydiinay cambaaray ntii Midawga Yurub ee qisaasta ayaa ku jawaabay “Iyagu wey fahmi karaan, oo xagooda waa ka mamnuuc qisaastu, oo inaga sharcigeena ayaa odhanayaa, oo shareecadeena ayaa odhanaysa, dawladduhuna sharciga ma sameeyaan ee wey fuliyaan, dawladduna sharcigii wadanka ayey fulisay, waxa jira Wadamo badan oo iyagu fuliya xukunka qisaas ka,oo Mareykan baa leh, Japan baa leh oo Chine baa leh, inaguna qofka kuma dilno mabd a’iisa iyo fal kale, ee waxa la dilaa qof qof dilay, oo cidii dhaxalkiisa lahayd ay codsatay in loo dilo, haddii uu xiata cid dilo, oo ciddii dhaxalkiisa lahayd aanay codsan lama dilo,qof aan Maxkamad la marina lama dilo”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa mar uu ka hadlaayey Somaliya iyo faragelinta ay ku hay so Somaliland yidhi “Inagu waxaynu nahay umad jecel nabada, nabad ku dhaqan, Geeska na nabad la jecel, inaga oo kaliyana maaha ee jaarkeena oo ay Somaliya ku jirtana nabad la jecel, wax alaale wixii khal-khal galinaya nabadgaliyadeena iyo Geeskaba raali kama nihin, waanu uga digaynaa cid kasta oo laga yaabo inay kula jirta ama faraha kula jirta inay khal-khal galiso nabadgaliyada Wadanka iyo Geeskaba, cidna dani uguma jirto, inaga iyo jaarkeenaba dhibaatooyin badan baa hor yaala oo Dhaqaale,waxayna u baahan nahay inaynu cududeena, muruqeena, maskaxdeena iyo maalkeenaba iskugu geynayno sidii aynu iskugu geyn lahayn”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Wasiir Sacad yidhi, “Xadka Somaliya iyo Somaliland, wuu cayiman yahay, xad aynu inagu sameyno maaha, waa kii ay ka heshiiyeen Ingiriiska, Taly aaniga iyo Itoobiya, waa ka uu qorayaa Sharciga AU-du, cid ku xad gudubtana ma ogolin, xaq baanan u leenahay inaynu ilaashano, dadkeena, dalkeena iyo xuduudeenaba, waxaa nu mar walba diyaar u nahay in wax alaale wixii tabasho ah ee jira in lagu dhameeyo wad a  hadal”.

Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa mar aanu wax ka weydiinay waxa ka jira wararka sheegaya in Hay’addo caalami ahi dalka ka baxayaan, qaarna ka baxeen ayaa ku jawaabay “Cid tidhi waanu baxayna iyo cid baxday midna ma jiro,wax ka jiraana ma jiro waana been.”



Source: Geeska Afrika