Dawladda Turkiga Oo Gaadiid Baahi loo qabay ugu deeqday Somaliland

 



 

Hargeysa (TNN);-Dawladda Turkiga ayaa Somaliland ugu deeqday Baabuur iskugu jira kuwa gurmad ka deg-dega ah iyo gawaadhi kale,waxaana ka gudoomay Wasiirka Madaxtooyadda Md, Xirsi Cali Xa aji Xasan.

Baabuurta gurmadka deg-dega ah ee Turkigu ku wareejiyay xukuumadda Somaliland ayay tiradoodu ahayd shan baabuur iyo laba gaadhi oo kala ah V8 iyo Gaadhi Mine-Bus ah.

Xafladii gaadiidkan lagula kala wareegayay oo lagu qabtay xarunta madaxtooyadda waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirka waxbarashadda, Wasiirul dawlaha madaxtooyadda, agaasimaha gaadiid ka ee xarunta madaxtooyadda iyo saraakiil ka socday dawladda Turkiga.


Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali X. Xasan oo kulankaasi ka hadlay ayaa si weyn uga mahad celiyay dawladda Turkiga, waxaanu xusay in Gaadiidkani uu wax weyn ka tari doono horumari nta adeegyadda caafimaad ee dalka.

“Waxaan idiinka mahad celinayaa deeqda waxtarka leh, waxaanan sii xoojinaysaa xidhiidhka wacan iyo wada shaqayneed ee labada dawladood oo kordhaya maalinba malinta ka dambaysa, waxaanan idinka rajeynaynaa kaalmo ka badan intan,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Sarkaal u hadlayay dawladda Turkiga ayaa sheegay inuu dalkiisu ku faraxsan yahay inuu xidhiidh w ada shaqayneed iyo mid gacan qabadba la yeesho Somaliland, waxaanu tilmaamay inaanay deeqdan i ahayn tii u horeysay iyo tii u dambaysay midna, hase yeeshee ay labada dal wax badan iska saacidi doonaan.
 

 

Cumar M. Faarax
Somaliland,Hargeysa