Dawladda Yaman oo Markii ugu Horaysay Ciqaamad ku bixisay Baasaaboorka Somaliland

 

Yuusuf Diiriye Xasan oo ka mid ah Jaaliyadda ku dhaqan Dalka Yemen ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee Basaboorka Somaliland ciqaamad iyo deganaansho kaga hela Dalka Yemen oo uu muddo badan deganaa. Yuusuf Diiriye Xasan waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey Wargayska Maalmaha oo uu xalay soo booqday. Yuusuf ayaa sheegay in Jaaliyadda reer Somaliland ee deganYemen ayay tahay noloshoodu mid iska wanaagsan oo aan wax dhibaato ahi ka jirin, dadkaasina ay yihiin dad isku xidhan oo is og wixii ku soo kordhana ka yeesha aragti midaysan, waxa kale oo uu Yuusuf intaa kudaray in Xafiiska ay Somaliland ku leedahay Dalka Yemen ay xaaladiisu marayso meel aad u fiican oo baryahan dambe uu qabtay hawlo badan oo ay ka mid tahay xafladdii munaasabadda qarannimada Somaliand ee 18kii May, qabanqaabiyey isago la kaashanaya jaaliyadda Somaliland ee degan Dalka Yemen, xafladaas oo markii ugu horaysay laga qabtay sannadkan dalka Yemen si fiicanna ugu dhacday iyadoo xafladaasina aanu ka helnay ahmiyad weyn oo wax tar u leh xafiiska iyo jaaliyaddaba.

Mr. Yuusuf Diiriye Xasan wuxuu ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay dar dar geliso hawlaha xafiiska si uu u noqdo mid tayadiisa waxqabad sarayso isla markaana wufuuda ay xukuumaddu u soo dirayso dalalka aynu ka helno martiqaadyada casuumadeed ee ay ka mid yihiin Dalka Yemen iyo kuwa kale ee carbeed ee la jaarka ah inay la tagaan oo ay ku galaan basaboorka Somaliland si aqoonsigiisu basaboorka meelo badan looga ogaado loona aamino maadaama aanu shaqaynin baasaboorkii hore ee Somalia ee Green ahaa oo aanimika dawladuhu imika qadashadiisa iyo dal ku galistiisa aqbalin taasina ay fursad weyn u tahay, waxa kale oo uu ugu baaqay inay qaataan basaboorka Somaliland ganacsadtada waaweyn oo ay ku dhoofaan markay dibadaha u baxayaan basaboorkeena. Waraysigii oo dhamaystirana wuxuu u dhacay sidan:

S. Bal nooga waran xaaladda guud ee Jaaliyadda Somaliland ee waddanka Yemen?J. Xaaladda guud ee shacabka Somaliland ee degan Yemen way wanaagsan tahay, jaaliyada Somalilandna dalka meelo badan ayey ka degan yihiin sida Cadan, Ticis, Xudayda, Sacda, Maarib, meelo badan bay ka dagan yihiin oo dalka way ku baahsan yihiin laakiin xarunta ugu weyn ee jaaliyadaha iyo xafiiskuba waxay ku yaallaan caasimadda dalka ee Sanca, waana halka aan daganahay anigu isla markaana an magaalada shacabkeenu ugu badan yihiin, Ticis, Xudayda iyo Cadanna waxaan odhan karaa waa magaalooyinka kale ee soo raaca.

 Wakhtiyadii hore shacabkeenu tuulooyinka way ku badnaayeen oo waxa jiray macalimiin iyo dhakhaatiir ka shaqayn jiray oo Wasaaradda Waxbarashada iyo ta Caafimaadku u direen, laakiin imika shqaqooyinkaasi way yaraadeen oo meelo aan badnayn ayaa dhakhaatiirta qaarkood ka furteen goobo privet ah jaaliyadduna guud ahaan si fiican bay u shaqaysaa laga soo bilaabo 2002 ilaa 2004tii ayey jaaliyaddu shaacday oo xoogga la saaray oo ay shaqaysay oo caan noqotay markaasaa loo sameeyey guddi iyo maamul iyo xeer laga soo dheegtay sida ay u shaqeeyaan jaaliyadaha kale ee adduunka aan ku leenahay sida Norwey iyo Ingiriiska, markaa jaaliyaddu guud ahaan way wanaagsan tahay waxaana imika ku soo kordhay xafiiska ganacsiga oo sida safaaradda u shaqeeya hawlo badana fuliya.S. Siduu u shaqeeyaa Xafiiska Somaliland ee ka furan Yemen?

J. Wuxuu u shaqeeya sida xafiisyada aynu ku leenahay adduunka sida, Jarmalka Norway, Kenya, Itoobiya, laakiin xafiiskani wuxuu kaga duwan yahay xafiisyada kale, Dalka Yemen wuxuu ka mid ahaa dalalka carbeed ee sida adag siyaasadeena iyo gooni isu taageena uga soo hor jeeday iyo taas oo ay noo dheerayd safaaradda Soomaalida oo had iyo jeer nagula jirtay dagaal xaga siyaasadda ah iyagoo ka faa’idaysanaya taageeradii 1994kii taageeradii aynu siinay Koonfurta Yemen makay isku dhaceen Woqooyiga taas oo nagu kaliftay inaan wax walba u daba fadhiisano safaaraddii Somalia ee ka hadhay bur burkii Somalia taasina waxay dhamaatay markay madaxda Somaliland safarka ku yimaadeen Yemen laga soo bilaabo 1999 ilaa socdaaladii ugu dambeeyey ee Madaxweynaha iyo kuwii wasiirada taas oo run ahaantii wax weyn ka taray xidhiidhkii xafiis ahaan noo dhexeeyey dawladda Yemen, imikana haday noqoto waxbarasho iyo adeegii kale ee aan uga baahanaba waxaan ku dhamaysanaa aqoonsi aan cidn u daba fadhiisan oo Somaliland ah, Waxaan ku guulaysanay waxbarshada dibadda ee uu u daba fadhinay oo ay araajida u qoranayeen Somalia ayaanu ku guulaysanay in Somaliland toos loo siiyo, imika lodkii saddexaad ayaa ku dhigta Jaamacadaha Yemen, waxa kale oo aanu ku guulaysanay in aanu urur adaydu leedahay aanu samayno, waxa kale oo noo suuragashay in sanadkan aynu imika ku jirno ee dhamaanayo inaanu samayno xafladdii munaasabada 18ka May oo Yemen laga xuso taas oo ay suuragaliyeen iskaashi dhex maray jaaliyadda Somaliland ee Yemen degan iyo xafiiska ay Somaliland ku leedahay Dalka, kharashka ku baxay munaasabadana ay bixiyeen hawlwadeenada xafiisku, xafladda waxa ku xumaa in la qabto dadkii kale ee aan ahayn Somalilanderka ee dalka nala deganaa waxaana ay isku dayeen inay is hor taagaan xafladda, laakiin umay suurta galin iyagoo safaaraddoodii meesha ku taallay adeegsanaya, markaa waxaanu ogaysiinay dawladd Yemen iyaguna ogolaansho ayey noo siiyeen, waxa kale oo iyana wakhtigaa yimid wafti ka socda Somaliland waxaana hogaaminayey Wasiirka dib u dejinta Abshir.

Xafladda aanu u samaynay 18ka May 2008da waxa ilaalinayey madaxa sirdoonka jaaliyadaha dibadaha qaranka, jaaliyado Soomaali ah ku reer Jabuuti ah ayaa nagala qayb galay xafladda oo aanu ku casuunay si fiicana way noogu dhacday dhinca Yementa waxa nagala qayb galay madax ka tirsan sirdoonka qaranka iyo madax ka tirsan saxaafadda dalka. Meesha xafladdu ka dhacday oo ahayd meel aad u weyn ee ay ku yaallaan xarumaha dublamaasiyiintu. Xafladdaasi waxay noo kordhisay ahmiyad wayn inaanu ku yeelano dalka, meeshaa xafladda aanu ku qabanay waxa kale oo anu kula kulnay iskuna waraysanay wafti ballaadhan oo reer Somaliland oo uu hogaaminayey Wasiirkii hore ee dibudejinta Abshi.S. Basaboorka Somaliland ma lagu tagi karaa yemen, sidayse u arkaa dawladda Yamaneed?J. Baasaboorkeenu wali meel kale in lagu bixiyo muu gaadhin, dalabka qafka doonayaa basaboorka wuxuu ka bilaabaa Somaliland, oo halkan uu baa laga qaataa, markaa dawladda Yemen waxay ka mid tahay meelaha Basaboorkeena lagu galo, waxaanan odhan karaa dawladda Yemen inay tahay waddankii ugu horeeyey ee Basabookeena deganaansho lagaga helay inay tahay, xafiiska Somaliland ee Yemeneed aniga oo qudha ayaa ka haysta Basaboorka Somaliland, waxaanan ahay qofka kaliya ee Somalilander ah ee Basaboorkeena degaanaansho ku haysta dalka Yemen. Waftigaa ballaadhan ee noogu yimid dalka Yemen ee uu hogaaminayey Wasiirkii hore ee dibu dejintu, waftigaa laftiisu wuxuu ku guulaystay inuu dalka Yemen ku soo galo Basaboorkeena oo Entery loogu dhufto, ka dib markii ay ku adkaysteen waftigu haddii aan loo aqoonsan Basaaboorkoodu inaanay ka qayb galayn shirkaa caalamiga ah sidaa darteedna loo ogolaaday. Markaa anigu mar hadaan ahay qofka kaliya ee Somalilander ah ee haysta basaboorka Somaliland waxaan sameeyey galangal aan ku sameyey madax badan oo ka mid ah dalka Yemen gaar ahaan madaxda socdaalda dalka oo aan qaar badan aqoon fiican isku lahayn maadaama aan dalka muddo badan joogay waxna ku bartay ayaan qolada ciqaamadaha bixisa ee Madaxtooyada Yemen ayaan codsi u qortay inay igu siiyaan ciqaamada sannadka oo ay dhacaysay, sannadka soo socda inay igu siiyaan Baasaaboorkeena maadaama basaboorkii Somalia ee hore uu C/laahi Yuusuf joojiyey isticmaalkiisa, markaa masuuliyiintaasi waxay I waydiiyeen sababo badan, markaa markaan doonay waxaan ku idhi anagu waxaanu nahay waddan gaar ah oo la yidhaahdo Somaliland, markaa waxaan xaq u leeyahay inaan basaboorkan Somaliland ee aan ku joogo dalka la igu siiyo Ciqaamadda, dood badan oo na dhex martay masuuliyiinta ka dib waxay waraaq iigu qoreen Emagrationka, dabadeed markay waraaqdii gaadhay emigrationkii way soo celiyaan, waxaanay yidhaahdeen laguma siin karo baasaboorkan ciqaamad maadaama uu ka hor imanayo siyaasadeena oo ah inaynaan Soomaali kala qaybin inagoo u doodayna sidii Soomaali aanay u kala gu’I lahayn ayaanu saamaxaynin sharcigeenu.

Markaa sanadkii 2007da dhawr goor ayey waraaqo ii qoreen masuuliyiintaasi lana so celiyey, dabadeed sannadkaasi wuxuu iigu dhamaaday anigoo bilaa sharci ah oo sharciguna iga dhacay, horaantii sannadkan aan ku jirno ilaa badhtamihiisii kolba siday ii celcelinayeen oo aan isla soo marnay marxalado fara badan ayaa waxa jira wax la yidhaahdo macluumaadkaagii hore ee ciqaamda in la tix raaco dabadeeedna baasaaboorkaaga iyo waxaaga oo shaqaynaya aad baasaboor kale u rarto taas ayaan bilaabay bishii labaad ee sannadkan oo ay ciqaamaddu ii so baxday, arrinkaasi lix bilood ayuu igu qaatay celcelintiisu. Bishii sagaalaad ee sannadkan ayaan ku guulaystay inay ii raraan deganaanshihii basaboorkeena iyadoo si sharci ah aan qaybta qaanuunka u maray oo ay qaybtaasna cadaysay inaan wax dhibaato ahi ka imanayn, markaa basaboorkaygan Somalilanderka ah way saaran yihiin ciqaamaddii iy deganaanshihiiba sidaad indhahaaga ku arago, markaa waxaan reer Somaliland u sheegayaa baayacmushtarigeeda iyo xukuumaddaba sidii basaboorkeenu u noqon lahaa mid ku fudud dal ku gelista Yemen iyo wadamada kale ee ay Somaliland wufuudoodu ku tagaan ee carbeed in bayacmushtarigeenuna xidhiidh ganacsi la sameeyo dalalkaas iyagoo ku tagaya basaboorkeena si loo aamino, xukuumaduna wufuudeeda tagaysa dalalkaasi ay qaataan kuna galaan dalalka aynu jaarka nahay iyo kuwaa dawladdeenu ay wufuuda u dirto markay ay ka hesho marti qaadyada.S. Safarkaagaan aad ku timid Somaliland maxay tahay ujeedadiisu?

J. Ujeedadiisu waxay tahay kor u qaadista hawlaha xafiiska Somaliland ku leedahay Dalka Yemen sidii kor loogu qaadi lahaa xafiiskaasi hawlihiisa, anigu shakhsiyan waxaan ku qoranahay xafiiskaa Somaliland ee Yemen qaybta waxbarashada oo aan si mutadawacnimo ah ugula shaqeeyo, markaa waxaan u imid hawlaha xidhiidhka ee xafiiskeena Yemen sidii kor aanu ugu qaadi lahayn una ballaadhin lahayn, intii aan dalka imidna waxaan la kulmay Wasiirka dibudejinta oo qoxootigeena reer Somaliland ee la soo celinayo oonu Wasiirka iska aragnay sidii loo soo celin lahaa, Wasiirka Waxbarashada oo aan isagna kulan la sameeyey oo ardaydeena waxbarashada u tagaysa dalka Yemen oo dhibaato weyni ka jirto, Wasaaradeena oo aan ardayda soo dirin xilliga loo baahan yahay ee waxbarashadu ka bilaabmayso dalka Yemen dib uga dhaca. Adigu hawlo badan oo la xidhiidha xafiiskeena Yemen ballaadhintiisa ayaan u imid, madax badan oo Wasiiro leh iyo Madaxweyne ku xigeenka Somalilandna waan la kulamay rajo fiicana waan qabaa, hawluhu way ii dhamaan lahaayeen e adigu waxa iga soo dhex galay hawsha ballaadhan ee dalka ka socota ee diiwaangelinta, waxaanan rajaynayaa inay si dhakhso ah hawlahaan u imid iigu dhamaadaan dibna aan ugu noqdo Dalka Yemen.

 

 

 

 

Wargayska Maalmaha