“Dawladdu way u Soo Jeedaa Inay Wax-qabato Ee Ha Arkina Barobagaandada”

 



 

Hargeysa (TNN):- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somalilan d Shukri Xariir Ismaaciil ayaa ugu baaqday shacabka in aanay dhag u dhigin dacaayadaha ra qii ska ah ee ay xukuumadda ka fidiyaan mucaaridku.

Shukri Xariir Ismaaciil ayaa waxa ay sidan ku sheegtay xaflad shahaado sharaf lagu guddoo n siinayay xildhibaan Nacnac, waxaanay sheegtay in madaxweyne Siilaanyo ay ka go’an tah ay inuu dalka waxqabad muuqda ka muujiyo oo uu taariikhda ku galo, waxaanay tilmaantay in xukuumaddu fulisay waxqabad iyo horumar balaadhan.

Shukri Xariir Ismaaciil oo arrimahaasi ka hadlaysa waxa ay tidhi, “Dawlada maanta jirta ee ta lada dalka haysa waa dawlad dalka u soo jeeda inay wax ka qabato, dawladan barobag aan dadeedu way yar tahay, laakiin waxqabadkeeda ayaa tiro badan markaa dadweynow waxa an idin leeyahay ha arkin barobagaandada ee waxaad aragtaan waxqabadka iyo horumarka la taaban karo ee dalku gaadhay, waxa la arkayaa siyaasadda arrimaha dibada tallaabooyin ka adag ee dawladdu qaaday, waxa la arkayaa siyaasada arrimaha gudaha talaabooyinka culus ee ay dawladu qaaday, waxa la arkayaa dhinaca dhiirigelinta bulshada iyo shaqaalaha dawlada ciidamada, waxay la lahaayeen maalintii darajooyinka lagu taloyay ciidanka waxay lahaayeen dhab ma noqon doonto, waa lagu dhiiraday madaxweynaha maanta jiraa waxa uu jabiyay gidaar adag oo hor yaalay dawladihii hore ee Somaliland soo maray.”

Shukri Xariir Ismaaciil waxay tilmaantay in Madaxweyne Siilaanyo hamigiisu yahay inuu taa riikhda ku galo waxqabadka uu muujiyay, waxaanay tidhi, “Madaxweynuhu waa nin mujaahid ah oo garanaya in uu u mahadceliyo inta hadhay ee SNM. Waa nin garanaya inuu u mahad celiyo ciidanka qaranka ee difaaca ku jira, ma doonayo madaxweyne Siilaanyo oo ah guddo omiyihii SNM ugu mudada dheeraa, ma doonayo in la yidhaahdo madaxweynihii afaraad ee Somaliland ayuu noqday wuxuu doonayaa in la yidhaahdo waa madaxweynihii ugu wax qab adka badnaa ugu horumarka badnaa ee ummaddiisa wax u qabtay taariikhdana way galay saa.”

 

 



Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland