Dawradii Wakhtiga Xagaaga oo Lagu soo Gabog abeeyay Masjidu Nuur ee Magaalada Gabiley
 

Gabiley (Longlivesomalialnd News)- Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gabiley c/risaaq sheikh aadan ayaa kala qaybgalay culimada gobolka Gabiley xaflad lagu soo gabgabaynayay tababar diini ah oo mudo laba bilood ah ka socday Masjid Nuur oo ku yaala magaalada Gabiley. Xaflada xidhitaanka dawradan ayaa waxaa kasoo qaybgalay culimo ka mid ah culimada ugu waawayn  dal ka, waalidiin, martisharaf kale oo tiro badan iyo ardayda tababarku u  dham aaday oo isla xafladaasi lagu gudoonsiiyay abaalmarino aad u qiimo badan.

Waxaa munaasibadaasi xidhitaanka dawrada ama tababarka diiniga ah  had al kooban ka jeediyay Sheekh Sacad oo ka mid ahaa culimada soo  agaasint ay xafladan oo ka waramay ujeedada ay ka leeyihiin dawradan kuna  sheeg ay in ardaydu wakhtiyada ay fasaxa galaan looga faa,ideeyo casharo diini ah oo iskugu jira kitaabo kala duduwan kadibna marka ay casharadu u  dha maadaan la tartansiiyo oo laga qaado imtixaano lagu qiimaynayo duruustii kala duduwanayd ee ay ka barteen masaajidka iyo sidoo kale in kuwa  kaal maha ugu sareeya gala la gudoonsiiyo abaalmarino ay aad ugu farxaan oo iskugu jirta kitaabo iyo lacag.

Dhinaca kale badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley ayaa ku amaanay  culi mada oo xusay inay xafladani tahay xafladaha ugu khayrka badan leh  waxa anu ugu danbayntii halkaa lagu gudoonsiiyay jaa,isado aad u qiimo badan oo iskugu jiray kitaabo iyo lacag.

Musheekh kale oo tiro badan ayaa xafladaasi hadalo kasoo jeediyay  dhama antoodna waxay ka warameen muhiimada uu tababarkani u leeyahay  bulsh ada iyo sidoo kale ardayda. Culumadu waxaa kale oo ay intooduba  dhaliny arta tababarka dhamaysatay kula dardaarmeen inaanay halkaasi kaga  had hin ee ay sii wadaan aqoontooda diiniga ah iyadoo ay tilmaameen inay  aakh iro iyo aduunba anfici doonto.

Tababarada diiniga ah ayaa sanadkasta lagu qabtaa masaajidada marka  ar daydu fasaxa galaan. Ardayda ka faa,idaysata ayaa sanadba sanadka ka danbeeya kasii badanaysa iyadoo ay culumadu siiyaan abaal marino ay ku farxaan marka ay tababarka dhamaystaan.

 

Mustafe Future
Longlivesomalialnd News
Gabiley Office Somaliland