Deeqbixiyeyaasha oo Dalbaday in Khubarro Ca alami ah oo Madaxbann aan loo Xilsaaro Isku-dubbaridka Hawlaha Doorashada Madaxtooyada Somaliland

 

“Waa in xukuumaddu la timaad qorshe deeqbixiyeyaashu ku qanacsan yihiin oo ku saabsan sugidda ammaanka dalka oo aan doorashada khalkhal gelin karin, kaasoo ah shuruudda koowaad ee ku xidhan bixinta kharashka deeqbixiyeyaashu ugu talogaleen doorashada madaxtooyada”



“Waa inay jiraan hab lagu kala baxayo haddii doorashada laysku qabto, kaasoo ay ka qaybqaadanayaan xisbiyada, Komishanka, deeqbixiyeyaasha iyo khubarro madaxbannaan oo ka socda beesha caalamka”


Nuxurka qoraal deeqbixiyeyaashu u gudbiyeen Komishanka iyo saddexda xisbi qaran


Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka, ayaa xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka ka dalbay in khubarro caalami ah oo madaxbannaan loo saaro isku dubbaridka hawlaha doorashada Madaxtooyada ee soo fool leh.


Sidaa waxa lagu sheegay qoraal deeqbixiyeaashu ku soo bandhigeen shuruudo ay ku xidheen doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta waqtiga loo qoondeeyey oo shalay loo gudbiyey Komishanka Doorashooyinka iyo saddexda xisbi qaran ee Somaliland.


Deeqbixiyeyaashu waxa ay axsaabta iyo Guddiga Doorashada ka dalbadeen in la helo hab la isku waafaqsan yahay oo lagaga bixi karo haddii doorashada madaxtooyada ka dhacaan muranno la isku qabto, qorshahaas oo ay ka qaybqaadanayaan khubarro ajnebi ah oo ka madaxbannaan hay’daha maamulaya doorashooyinka.


Shuruudaha deeqbixiyayaasha caalamiga ah u gudbiyeen shalay Komishanka Doorashooyinka iyo axsaabta qaranka, ayaa nuxurkiisu yahay sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.


Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin qoraalka deeqbixiyeyaashu u gudbiyeen Guddiga Doorashooyinka iyo saddexda xisbi qaran iyo nuxurka uu xambaarsan yahay toona, haseyeeshee sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay, waxa xeer-anshaxeedkaas oo ka dhawr qodob ka kooban ka mid ah:


-In sida ugu dhakhsaha badan laysu waafajiyo xeerarka doorashooyinka ku shaqada leh oo haddii waqtigu saamixi waayo in goleyaasha sharci-dejinta laga ansixiyo lagu daro xeerka anshaxa doorashada ee axsaabtu saxeexayaan;


-Waa inay jiraan hab lagu kala baxayo haddii doorashada laysku qabto, kaasoo ay ka qaybqaadanayaan xisbiyada, Komishanka, deeqbixiyeyaasha iyo khubarro madaxbannaan oo ka socda beesha caalamka, iyadoo habka lagu heshiiyeyna khubarrada madaxbannaan gacanta ku haynayaan ilaa inta doorashadu ka dhammaanayso;


-Arrinta Komishanka waa in si aan habrasho lahayn laysku weydiiyo kartidooda, aqoontooda iyo hoggaamintooda, waana in lagu heshiiyaa xal ku-meel-gaadh ah oo arrinta xubnaha Komishanka laga gaadhi, taasoo aan haba yaraatee doorashada dib uga dhigayn waqtiga loo cayimay;


-Waa in la saxeexo xeerka anshaxa ee xisbiyadu ku heshiiyeen ugu dambayn 21 June 2009;


-Waa in xukuumaddu dhaqaalihii ay ugu talogashay doorashada ku diyaariso ugu dambayn 15 June, kuna shubto account u gaar ah oo deeqbixiyeyaashu xilli alla xilliga ay doonaan hanti-dhawr gelin karaan;


-Waa in xukuumaddu la timaad qorshe deeqbixiyeyaashu ku qanacsan yihiin oo ku saabsan sugidda ammaanka dalka oo aan doorashada khalkhal gelin karin, kaasoo ah shuruudda koowaad ee ku xidhan bixinta kharashka deeqbixiyeyaashu ugu talogaleen doorashada madaxtooyada;


-In doorashadu ku qabsoonto waqtiga loo cayimay ee ah 27 September 2009 iyo weliba qodobo kale oo khuseeya arrimaha doorashooyinka.





Jamhuuriya Online