War saxaafadeed deeqbixiyeyaashu ka soo
saareen Nairobi

 

Nairobi (Longlivesomaliland News)- Deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo hannaanka dimoqraadiyadda, ayaa caddeeyey in ay soo dirayaan khubarro shisheeye oo ka shaqayn doona hawsha kala shaandhaynta diiwaangelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed deeqbixiyeyaasha caalamiga oo ka kooban Guddiga Gadhwadeenka Barnaamijka Dimoqraadiyadaynta  Soma liland oo kala ah Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Norway, Sweden iyo Denmark xaruntooda magaalada Nairobi, caasimadda Kenya, balse waxa ay qorshaha soo dirista khubarrada shuruud uga dhigeen, in marka hore la dhammaystiro magacaabista xubnaha cusub ee noqonaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Waxa kale oo deeqbixiyeyaashu warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inay diyaar u yihiin sii wadista taageerada dhaqaale iyo farsamo ee ay u  fidiy aan geeddi-socodka doorashooyinka Somaliland, waxaanay si gaar ah u soo dhoweeyeen heshiiskii dhowaan lagu soo afjaray khilaafkii siyaasiga ahaa ee dalka ka taagnaa.


Warsaxaafadeedka deeqbixiyeyaasha caalamiga ah oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan:

“Deeqbixiyeyaasha oo ka kooban Guddiga Gadhwadeenka Barnaamijka  Dim oqraadiyadaynta Somaliland (USA, UK, EC, Norway, Sweden iyo Denmark) waxay arkeen heshiiskii dhexmaray saddexda xisbi qaran ee ku saabsanaa doorashada soo socota ee Madaxtooyada Somaliland ee lagu kala  saxeex day toddobaadkii hore Hargeysa.

Waxa aannu diyaar u nahay inaannu sii wadno taageerada geeddi-socodka doorashada Somaliland, iyo iyadoo laga duulayo heshiiskaas in aannu soo dirno khubarro marka la dhaqan-geliyo wax-ka-beddelka Komishanka  Door ashooyinka Qaranka ee ay bilaabanto dhaqangelinta heshiisku.

Waxa aannu diyaar u nahay in aannu la shaqayno Komishanka cusub si  aan nu u taageerno qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo Somaliland ka dhacda.”

Hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID, ayaa  dabay aaqadii toddobaadkii hore qallinka ku duugay heshiis ka kooban lix qodob oo beesha caalamka iyo dawladda Itoobiya ku dhexdhexaadiyeen  dhinacyada as oo tan iyo badhtamihii sannadkii hore ka dhex oognaayeen khilaafaadyo ka dhashay dib-u-dhacyada ku yimi qabashada doorashada Madaxtooyada Somaliland.”




Source: Jamhuuriya Online