Human Rights Center

 


Headquarters: Hargeisa Somaliland Tel: 063 4468227 or 4472011 E-mail: dafac02@hotmail.com

3rd July 2013 14/2013



Somaliland: Maxkamadda Gobolka Hargeysa Waxay Xukuntay Laba Suxufi



Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay xukuntay tafatiraha iyo maareeyaha wargeyska Huba al. Garsoooruhu wuxuu ku dhawaaqay xukunkiisa maanta, 3rd July 2013. Wuxuu ku xukumay H assan Hussein Abdilahi, tafatirihii wargeyska, 2 sano oo xadhig ah iyo ganaax lacag ah, halka uu ku xukumay Maxamed Axmed Jaamac 1 sano oo xadhig ah iyo ganaax lacag ah.

Xukunka Maxkamaddu wuxuu yimi kadib markii la xayiray wargeyska taas oo ay ka danbaysay dacwad lagu soo oogay.

Qareenka labada suxufi wuxuu u sheegay Xarunta Xuquuqal Insaanka inay eegayaan inay uga rafcaan qaataan xukunkan maxkamadda ka saraysa. Balse, qareenku wuxuu ku eedeeyay Max kamadda inay saamaysay dawladu.

Suxafiyiinta waxa lagu eedeeyey, sumcad dilid, hafriinsho iyo daabacid ama faafin war been ab uur ah, la buun-buuniyay kaas oo qasi kara amniga guud.

Waa waajib saaran warbaahinta inay xaqiijiyaan run ahaanshaha warkooda, islamarkaana waa ku waajibka dawladda inay ilaaliso xuquuqal insaanka.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay qaado masuuliy adda ka saaran inay ilaaliso xuquuqal insaanka ee ku dhigan qodobka 32 ee dastuurka oo dhig aya “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.”

Waa waxaan loo dulqaadan karin in loo soo dacweeyo saxafiyiin xaqiiqo ay soo bandhigeen oo keliya.

Wargeyska Hubaal waxa weeraray 24kii April laba nin. Masuuliyiintu waxay xaqiiijiyeen in nin loo xidhay weerarkaas uu yahay Booliis.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanay masuuliyiinta inay sida ugu dhaqsaha badan u sii dayaan suxufiyiintaas.





Axmed Xuseen Cabdi

Madaxa Xidhiidhka Dadwaynaha