Degaanka Isaaqa ee Kilinka 5aad Waa in Laga Gooyaa Kilinkaas Lana Hoos Keenaaa Dawladda Fadaraalka Itoobiya

 



Waxaa joogto noqday duullaamada lagu soo qaado dadka, hantida, iyo dhulka Isaaqa ee ka ti rsan Kilinka 5aad ee Itoobiya. Duullaamadan mudada socday oo galaaftay dad iyo hantiba wa xaa qaab qabiil looga soo abaabulaa magaalo madaxda Kilinka 5aad ee Jigjiga. Waa colaad sa lka ku haysa cadaawad guun ah oo ujeedadeedu tahay in dadka Isaaqa laga barakiciyo dhulkooda oo laga qaado.

Dadka Isaaqa ee Kilinka 5aad looma oggola inay samaystaan booliis xoog leh oo difaaca degaa nkooda iyo nabadgelyadooda. Waxaa kale oo aan loo oggolayn in degaamadooda laga hirges ho mashaariic horumarineed sida maalinkasta looga hirgesho Qabridaharre iyo Dhagax-buur, sababtuna waxa weeye waxaa la rabaa in dhulkooda sooyaalka ah laga barakiciyo. Arrintaas waxa ka dambeeya Maamulka Jigjiga waayo waxa dadka soo weerara markasta waa booliiska beelaysan ee laga maamulo Jigjiga ee maaha shacab. Xataa waxaa dhawaan xabsiga loo taxaabay salaaadiinta waaweyn ee labada dhinacba u ah madax dhaqameed sida Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo socdaal nabadeed ku tagay Xarshin.

Sida aad la socotaan waxaa dhibaatadan oo kale lagu sameeyay sannado dhawaa Beesha Fiqi Cumar (Shiikhaal) ee degta Kilinka 5aad oo qayb ka mid ahi u gashay Oromo magangelyo awg eed. Dagaalladan foosha xun oo cadownimo ee lagu qaaday Beesha Fiqi Cumar (Shiikhaal) waxa ujeedada ka dambaysaa ahayd in dhulkooda laga barakiciyo, hantidoodana la boobo. Dagaalladaas lagu qaaday Beesha Fiqi Cumar waxaa laga soo abaabulijiray Jigjiga iyo Godey.

Xaaladaasu markii ay dhacday ayaa waxay Beesha Fiqi Cumar go'aan ku gaadhay laba arrimo od oo kala ahaa : Inay gasho dagaal ay isku badbaadinayso iyo inay ka go'do Kilinka 5aad oo hoos tagto Dawladda Fadaraalka ee Itoobiya. Labadii go'aanba Beesha Shiikhaal way ku dhaq aaqday ilaa ay soo faragelisay oo ay ergo u soo dirtay Dawladda Fadaraalka ah ee Itoobiya. Dawladda Itoobiya waxay shirweyne u abaabushay Beesha Ogaadeenka iyo Beesha Shiikhaal si xaaladda oo meel xun gaadhay wax looga qabto.

Shirweynahaas waxaa lagu qabtay magaalada Diridhaba bishii April 2012 waxaana martigelisa y Beesha Ciisaha. Shirweynahaas waxaa maamulayay Dawladda Fadaraalka ah ee Itoobiya oo ku qasbay Maamulka Kilinka 5aad inuu ka soo qaybgalo waxaana lagu gaadhay heshiis rasmiy a oo Maamulka Jigjiga faraha kala baxay degaanka Beesha Fiqi Cumar loona sameeyay beesha as booliis degaanka ka tirsan oo ilaasha nabadgelyada dhulkooda. Waxaa kale oo loo oggol aaday in mashaariicda horumarineed ay helaan qaybtooda.

Haddaba, waxaan u soo jeedinayaa siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, aqoonyahanada, iyo wa x-garadka dadka Isaaqa ee dega Kilinla 5aad inay xaaladdan aan caadiga ahayn ka tashadaan una diyaargaroobaan sidii ay degaaankooda u difaacilahaayeen isla markaana looga goyn la haa Kilinka 5aad ee beesha gaarka ah ku amar-ku-taaglayso si ay u helaan nabadgelyo joogto ah, ciidan booliisa, iyo mashaariic horumarineed oo ay kula tartamaan degaanada kale ee Kilin ka 5aad. Xukuumadda Somaliland waxaa la gudboon inay xaaladan si joogto ah ugala xidhiidho Xukuumadda Fadaraalka ah ee Itoobiya si dhibaatada xal joogto ah oo Caadil ah loogu helo taas oo waafaqsan rabitaanka dadka degaanka. Waa Billaahi Tawfiiq.
 

 


Ibrahim Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yahoo.com
September 24, 2012.