Degmada ugu Balaadhan
Ganacsiga Somalilad oo Dariiq Xumo Awgeed
Gaadhi ku Dul Qalibmay Guri Xaas
Tog-Wajeele (Longlivesomaliland News)- Tan iyo maalintii la
magacaabay dagma da togwajaale oo hatan laga joogo mudo ku
dhaw sanad iyo dhawr bilood ayaa baa ilaa imika waxba ayna u
kordhin wax ka sii dhaca mooyaane .taasi oo ilaa imika balan
qaadyadii uu maamulku balan qaaday inuu dhisi doono xafiisyada
dawlada hoose ayaabaa dhismahooda la bilaabay sadex bilood ka hor
ilaa imikana waa qabyo, sida ila xogogaal ahi ay sheegayaana in
jaajuurka qabyada ahna laga soo amaahday shirkad labanka samaysa oo
ku taala magaalada gabiley sida aynu wada ogsoonahay ama aynu ka
dharagsanahay lacagta sanadkan ka soo baxday ardiyada iyo liismada
waxay ku dhawayd 450 milyan s/shl taasi oo ay dakhliga maalin kaste
soo hoydaa uu ku dhawyahay 3 milyan .
Hadaba ma is odhan karnaa waa la dhisi kari waayey labada qol ee
ilaa imika qabyada ah taasi waa maya takale sida aynu wada
ogsoonahay wajaale waa magaalo ganacsi taasi oo jidadka dhex maraa
ayna mari karayn baabuurta rarani ayna magaalada soo dhex mari
karayn maalin walba ay ku dul dhacaan guryo xaasas galaan iyo
meherado sida kan oo kale hadaba dadwaynaha magaalada ku noolo wuxuu
is waydiinayey iyadoo lagu jiro xiligii doorashooyinka, ayey dadku
is waydiiyaan muxuu inoo qabtay xisbiga talada hayaa taasi
jawaabteedu waa waxba muu qaban hadaba dadwaynaha magaalada tog
wajaale waxaa iskugu biirtay laba arimood .
Iyadoo maamulka magaalada laga soo magacaabo madaxtooyada oo ay
yimaadaan iyagoo idman oo aan qofna u joojinayn ta kale iyadoo
xukuumada dhexe ay ka dhaga adaygtay inay wadooyinka magaalada ka
soo caawiso sidii wax looga qaban lahaa sida imika ku cad sawirkan
gaadhiga raran eek u dul dhacay guri xaas ah taasi oo ay maalin
kaste khasaare ay gaystaan baaburta rarani oo uuna kani ahayn kii
ugu horeeyey .
Hadaba dadwaynaha magaalada ku nooli markii ay arkeen maamul xumida
hadhaysay magaalada iyo dhaga adayga ay ka dhaga adaygtay inay wax
ka qabato wadooyinka magaalada iyo maamul xumida haysata magaalada
tog wajaale ayey dad badani oo ahaan jiray tageerayaasha xisbiga
udub ay uga dareeren . taasina waxa kuu cadayn kar manta markii uu
gaadhigu ku dhacay guriga dadkii ku soo ururey ee ganacsatada iyo
dhalinyarada ahaa waxay ku dhawaaqayeen waakaa wax qabadkii udub.
Hadaba waxaan leenahay anana aan aragnay khaladaadka caynkaasi ah
iyo khalado kale oo ay ku kacday xukuumadu oo aanan ka filayn anagoo
ahaa tageerayaashi xisbiga udub ayaa nagu noqotay Dhaka faar iyo
amakaag hadaba waxaan xukuumada ka codsanaynaa inay hoos u eegto
xaalad kaste oo taagan si aan u helno taageero buuxda
Allaa mahad leh
QORE
c/risaaq maxamuud awdahir
yaasiin sh.maxamed xuseen
|