Dhacdo la yaab leh oo xalay ka dhacday Tog-wajaale iyo dareenka shacbiga degaanka
 

Waqtigaa  anigu, wariye nimcaan,waxaan  ku sugnaa magalada waajale,oo aan safar shaqo ku joogay.Markay arrintan mudaharaadku  dhacday , waxaa joogay  Huteelka ma gaciisa la yiidhaa, Central Hutel, ee magalada Tog-Waaale.Mudaharaadkani waxa uu ka dhashay ka dib markii Taliyaha Booliska ee Saldhiga Wajaale amar ku bixiyay in dib loogu celiyo  .........

Wajaale (longlivesomaliland News)- Mudaharaad saacado badan socday, ayaa  gilgilay magaalada Wajaale ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.

Mudaharaadkani waxa uu ka dhashay ka dib markii Taliyaha Booliska ee Sald hig a Wajaale amar ku bixiyay in dib loogu celiyo dhinaca Itoobiya gaadhi Jaad sid ay oo ciidamada Federaalka Itoobiya subaxnimadii ka qabteen tuulada  Gar bo-haadlay oo ilaa saddex Km u jirta magaalada Wajaale, kuna taala xuduu dka labada dal.

Waxa  gaadhigaas ciidanka Itoobiyaanku ka qabteen markii uu in hal Km ka yar gudaha u soo galay Somaliland, kaasoo sida la sheegay ay ku eedeeyeen inuu siday Jaad kootarabaan ah. Sida warku sheegay, ciidanka Itoobiya markii ay qabteen , waxay gaadhigaas ku celiyeen dhinaca Jibriga, halkaasoo uu galabni madii si kedis ah uga soo baxsaday, gaadhigaas oo laga leeyahay Somaliland.

Gaadhigaas oo abaaro 5:30-kii galabnimo soo galay Tog-wajaale, ayaa Taliyaha Saldhiga Booliska Wajaale Axmed Cabdi Daahir amar ku bixiyay in loo talaabiyo dhinaca Itoobiya, loona dhiibo ciidanka uu ka soo fakaday, ka dib markii masuul iyiin Itoobiyaan ahi sidaa ka dalbadeen.

Hase yeeshee, dadweynaha reer Wajaale ayaa ka gadooday  amarkaas,  kuw aasoo ku doodday in aan gaadhigaas dib loogu celin dhinaca itoobiya, maadaa ma laga leeyahay Somaliland.Iiyadoo sida la sheegay gaadhigaas ay ku xidhnaa yeen Taarikada labada dalba. Dadweynahaas gadoodsanaa , waxay Dhagax-tuur ku bilaabeen ciidanka Booliska oo isku dayay fulinta amarka Taliyahooda iyo sidii gaadhigaas loogu celin lahaa Itoobiya, iyadoo  lagu gudojiray sidii Kast amka magaaladaas looga Cashuuri lahaa Jaadkaas.

Ciidanka Booliska ayaa Rasaas ku furay si ay dadweynahaa Mudaharaadayay u kala dareeriyaan. Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay Rasaasta Boo lisku furay iyo dhagxaanta dadweynahaa gadoodsanaa la dhaceen Saldhiga Booliska, waxayna dadweynuhu ku guulaysteen in aan gaadhigaas lagu celin Itoobiya, waxaana isla xalay gaadhigaas la geeyay Kastamka Kal-baydh.


Dadweynahan oo ilaa 10.00kii habeenimo banaan baxayay, kuna  dhawaaq ayay erayo ay ka ka mid yihiin, doollar qaate doonimayno ,taaasi oo ay  u jeedeen Taliyaha Booliska Saldhigaas.Waxay kala dareereen, ka dib markii ay halkaas gaadheen masuuliyiin ka tirsan ciidanka Booliska oo uu horkacayo Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Gabiley Maxamed Faarax,  dadweynah ana  u balan qaaday in aan gaadhigaas dib loogu celinaynin dhinaca Itoobiya.

intaasi ka dib ,warar ka iminayey dhinaca itoobiya , ayaa sheegaye in maamulk aasi ay  khillaf dhexedooda ka dhacay, kaasi oo ay  saraakiil soomali ahi iyo kuwo itoobiyaan ah isku diideen in la soo celiyo gaadhiga.Taasi oo la sheegayo inaye u kala bexeena labada dhinac,sida uu  masuul ka tirsan maamulkaasi oo codsaday inaan macagsiisa la sheegni .

 


 

Weriye Nimcaan Dheeg Ibraahim
Longlivesomaliland News Desk
Tog-Wajaale,Somaliland