DHAGARTII QARSOONAYD

 





QAYBTII 1AAD

" Garannamaayo meeshay, godobtu iga raacdee, waxaan gaystay mooyee, ifka dhibi " halka a markuu marinayo si kedis ahna uu dhinacaan ka xigay u soo eegay,indhahayaguna isku dha ceen, iina soo jiro ugu badnaan boqol tallaabo, ayuu heestuu qaadayay ku badalay dhoola ca dayn iyo madaxa oo uu marba dhinac u lulo. Tan iyo intii heestaasi dhagahayga ku soo dhacd ayba, waxaan aniguna markaygii horaba eegayay, qofkan heestaa qaadaya. Waa nin iila mu uqda inuu maskaxiyan xanuusanayo, qaarka sare qaawan,qaarka hoosana ku sita macawis ji lbaha ka saraysa, gunti weyn leh, gacantana uu ku haysto si aanay uga dhinic, maadaama a anay si fiican u adkayn. Wadada oo midkaayaba dhinac ka maraayay, ayuu dhankayga u soo tallaabay, waxaanay taasi ii cadaysay, in qofka uu u soo dhoola cadaynayo una soo tallaab ay aniga yahay.

Markan waanu iska hor nimid, indhahayaguna si toos ah ayay isugu beegan yihiin. Waxaan u jeedaa, waxaanu nahay laba nin oo si toos ah isaga hor yimid, indhahooduna si toosa isku ha yaan. Way dhacdaa qof isagu ku garanaya, balse adigu aanad garanayn, wuxuuna isagu iila muuqdaa inuu i garanayo, weliba aqoon fog ii leeyahay, amma aanu isku lahaynba. Waa sub ax hore, wadada aanu maraynaana tahay mid dad badani socdaan. Dadka qaar ayaa shaqo tagaya, qaarbaa soo dukaansanaya, sida dumar badan oo saladihii ay suuqa wax kaga soo iibsanayeen, laad-laadsanaya amma laabatada suxulka ku sita, halka aniga iyo qaar kalaba aan is leeyahay, hawlo u gaar ah ayay u dhaadhacayeen. Marba marka ka danbaysa ayuu w ejigiisu si cad iigu soo muuqanayaa, welina maaha qof aan aqoonsaday amma garanayo. Wa xa keli ah een ku mashquulsanahay, maaha qaabka uu u labisanyahay amma xanuunka ka mu uqda, waa inaan garto amma aqoonsado qofka uu yahay.

Mar qudhaata ayuu joojiyay socodkii, qiyaas ahaana ma kala dheerin, waxaanad moodaa in ay isaga u qorshaysantahay, qaabka uu ii salaamayo amma ii soo dhawaynayaa. Anigase wa xa iga batay la yaabka qofkan, anigoo is weydiinayana su'aasha ah " Tolow waa kuma ninka ni,kolay isagu wuu ku garanayaaye "? Anigoon weli ka fekerin qaabka aanu isku salaamayno, ayuu gacantii guntiga uu ku haystay iyo tii kalaba, si balaadhan u kala furay, nasiib darro'se, waxaa hoos uga dhacday macawistii amma qaydkii uu guntanaa. Nasiib wanaag intaanay ma cawistii bawd yahiisa hoos uga dhicin, cawradiisana aan lawada arag ayuu qabsaday. Si deg-deg ah ayuu u guntaday macawistii yarayd, isagoo welibana si adag u xidhay. Intuu kor mad axa u soo qaaday, gacmihiina mar labaad sidii u kala furay, si aanu laabta isku saarno, ayuu weliba raaciyey " waar yaa Cabdirisaaq ma nabadbaa "? shaki igagama jirin inuu isagu yahay nin i garanaya'e, mar allaale markuu magacaygii iigu yeedhay, foolkiisii jabnaana aan arkay, ayaan gartay inuu yahay Siciid xaaji.

 


Abdirizak Ibrahim Koshin ( Alpha )
La soco qaybta labaad.


 

 



DHAGARTII QARSOONAYD

 

 

QAYBTII 2AAD

Meel dheer ayuu midkaayaba ka kale kaga soo booday, ha ahaado nin caato ah, dhuubnida x anuunku sababayna ka tan badatay, wuxuuse ahaa nin yaraantiisii laf u dhashay, xoog iyo d hererba aanan jeex kaga dhici jirin, hase yeeshee tabaaladaa haysa ayaa ka dhigtay, nin gol xo yeeshay, feedhihiisa dusha laga tirin karo, anigana wax naf leh iga dheerayn.

Gacmahayga ayaa gacantayda bidixna garabkiisa midig saarantahay, tayda midigna gacantii sa bidix hoos marsantahay. Gadhkaygu wuxuu saaranyahay garabkiisa bidix, halka gadhkiisu na uu saaran yahay garabkayga midig. Indhaha waan isku hayaa, isma ogiye shaw waan ilm aynayaa, sidii ciyaalkana ooyayaa. Waxaan maqlayaa codkii Saciid oo leh " Waar Cabdirisaaq shaydaanka iska naar, waa qadar eebe'e . Waxaan qaadan kari waayay uun sadexdii ciyaalk a ahaa iyo hooyadoodii la gubay ".

Markii hore waxaan is idhi malaha waabu miyir qabaa, markiise uu yidhi " waxaan qaadan kari waayay sadexdii .............gubayna " waxaan is idhi malaha waa hadalo xanuunku ka keenay. Waxaan is leeyahay ilaa saacad badhkeed ayaanu aniga iyo Siciid hal qof isku ahayn. Aniga ilmo mooyee wax kale laygama hayo, isaguse marar badan ayuu ii caqli celinayaa, waxaanse codkiisa ka dhex arkayaa waxoogaa ciil ah. Aniga waxaa iga oohinaya Saciid Xaaji oon aad iy o aad u aqaanay, yaraantiisii, dhalinyaranimadiisii ilaa shaqo galkiisii. Wuxuu ahaa nin yaraan iyo weynaanba u dhashay fir - Fircooni, ah dadka hoogaaminta u dhashay, lahaa asxaab bad an oo uu ku bartay goobaha kubadda cagta lagu ciyaaro, goobaha habeenkii lagu kulmana ( Makhaayadaha ) lagu soo xoomo halka uu fadhiyo.

Waxaan dareemay in dad badani nagu xoonsanyahay oo weliba dumar u badan, waa marka an dareemay hadalo u badan " Inalilah wa inaalilaahi raajacuun, tolow maxay isku yihiin, ma laha maantaa isagu horraysa, tolow ma miyir qab baa isagu danbaysay, miyaa garanaysaan " iyo qaar la mid ah.

Indhaha ayaan kala qaaday, waa run, waxaa sida giraanta nagu meersan dadkii wadada ma rayay oo dhan, haba u badnaadeen dumarkaa aan sheegay. Qaar badan ayaa gabadh iyo ha blaba ilmaynaya oo noo ooyaya, qaarbaa indhaha marmaranaya, qaarbaa gacmaha iyo dhab anku isku dhageen. Xagga ragga waxay u badanyiiin kuwo laba laba u taagan, codkooda aan an maqlayn, balse aan is leeyahay waxbay iska kiin waydiinayaa.

Waanu isasii daynay walow uu Saciid gacanta midig i haysto, waanu iska soo hor jeednaa, in dhahayaguna isku beegan yihiin. Mar qudha ayuu jawigii madashu is badalay, waa markuu Sa ciid bahal qosol ah kaga kacay. Inyar dabadeed ayaan anna ku daray, dadkii nagu xeernaana kolba qof nagu daray, halka qaar kale oohin cusub ooyeen, baroorta iyo qosolkana aad moo do, jiib iyo jaan.

Waxaad moodaa arinka meesha ka dhacay amma ka dhacaya masraxiyad, waa markii Saciid qosolkii ku badalay, " Inalilah wa inaalilaahi raajacuun, waar waxaan xidho ii dhiiba, waar wax aan xidho ii dhiiba ". Waxaa istaagay qosolkii,waxaa sii laban laabmay xadkana ka baxay oohi ntii, ilaa goobtii u ekaatay goob ay geeriyi ka dhacday. Dad badan oo baroorta iyo oohinta m aqlay ayaa soo ordaya, waxayna u badanyihiin dumar iyo caruur.

Ma garanayo waxaan ku sharaxo iyo kulankayagan aniga iyo Siciid, inuu yahay miyir qab am ma waali.
 

 


Abdirizak Ibrahim Koshin ( Alpha )
lasoco qaybta sadexdaad insha allah.