Dhagaysiga Dacwada Masuuliyiinta Musuqa Raashinka Mucaawanada ah u Xidhan oo Maanta la bilaabay iyo Tuhunka ku Xeeran Markhaatiyaasha Dacwada.

 


 


Dhagaysiga DacwaddaMasuuliyiintan oo ahayd mid aad u Xasaasiya oo aan Warbaahinta loo Ogolayn ...

 


Hargeisa (TNN)- Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa Maanta si Rasmi ah ubilawday Dhagaysi ga Dacwadii Lunsiga Raashinkii Mucawaanada ee Somaliland lagu Caawiyay.

Xeer illaalinta Guud ee Qaranka ayaa Saaka ku oogtay Dacwada loo lagu soo Eedeeyay Masu uliyiinta Xidhan oo kala ahaa Guddoomiyihii Gobolka Hargeysa Axmed C/laahi Xamarji, Agaas imihii Wasaaradda Dibu-dajinta iyo La-taliyaha Madaxweynaha oo ay la xidhan yihii Gudoomi yaha Hay’adda SIWO (Somaliland welfare Association), iyo Ganacsade la yidhaahdo C/shaku ur oo ah mulkiilaha Bakhaar Hargeysa ku yaala.


Dhagaysiga Dacwadda Masuuliyiintan oo ahayd mid aad u Xasaasiya oo aan Warbaahinta loo Ogolayn ayaa Waxaa si Toos ah Maxkamada horteeda looga Dhagaystay laba Markhaati oo midi ahaa Sarkaal Boolis ah iyo mid ka mid ah Shaqaalaha Dekada Berbera ee raashinka laga Soo raray


Mid ka mid ah Markhaatiyaasha Saaka la Dhagaystay ayaa Sheegay in Raashinkaasi bilowg iisii hore masuuliyadiisa ay qaateen oo ay Dawladda ku wareejisay Hay’adda la yidhaahdo siwo, taasoo iyana Qaybta Hargeysa u wakiilatay Hay’ad kale oo la yidhaahdo Billan, iyadoo labada Hay’adood ee Boolisku sheegeenba ay ka soo jeedaan Bariga Burco. Booliisku waxa kale oo ay soo bandhigeen in Raashinak La Leexsaday ee Hargeysa ee ay u xidhan yihiin koo xdani in uu ahaa 20 gaadhi, iyagoo sheegay 13 ka mid ah in dadkii loogu talogalay loo qay biyay, hase yeeshee 7 ka mid ah inta la Leexsaday la dhigay bakhaaro iyo Guryo shacbi, ka dibna Xamarji soo sheegay Bilayskuna sidaa ku qabteen. Raashinkaasi markii la qabtay ka dib waxa ay sheegeen Madaxweyne kuxigeenku inuu u saaray Guddi ka koobnaa sadexda Ma suul ee xidhan iyo Taliye-kuxigeenka , iyadoo Booliisku ay ku doodeen in mar labaad la Leexs aday Raashinkii laba gaadhi oo ka mid ah kadibna ay soo qabteen, iyagoo markii danbena ay sadexda masuul ka dalbadeen Booliiska in la sii daayo Raashinkaasi markay u sheegeen in sifo sharci ah uu ku socdo balse ay ka diideen oo ay geeyeen wasaaraddii dibudajinta kadib markii la isku qabsaday.


Garyaqaanadda u doodaya masuuliyiinta xidhan ayaa ku dooday in Caddeeyo meesha ay dan biga ka galeen haddiiba uu Axmed C/laahi xamarji ahaa ninkii toddobada gaadhi soo qabtay isla markaan aaanay rajin masuuliyad rasmi ah oo qoraal ah oo uu lagu magacaabay masuuliyada raashinkaasi.

Dacwada Masuuliyiinta oo Muddo kooban socotay ayaa la Filayaa in ay dhawr maalmood qaa dan doonto, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo BBC-dan la hadlayaa sheegay in Saxaafada aan loo ogolayn Dhagaysiga Dacwada iyada oo uu Sheegay in ay Qabaan Amar uu Bixiyay Taliyaha booliska Somaliland C/laahi Axmed Fadal.
 

 


Timacade News Desk
Hargeisa, Somaliland