WAR-SAXAAFADEED

 



(Gobonnimana waa quus haddii quud la dhaafsado)

Sidaynu wada ogsoonahay waxa mudo bil laga joogo la aasaasay urur ay ku midaysan yihiin dhama an dhalinyarada subeer awal bari ilaa galbeed kaas oo runtii ay ku diirsadeen bulshada ka soo jeeda beeshaad gudo iyo dibadba. Waxa maalmahan soo baxaayey arimo dhawr ah oo ay dhalinyaradu ka soo kala saaraayeen kaas oon dan u ahayn beesha baalmarsana wixii loo aasaasay ururkan hadaba Dhalinyarta beesha Subeer-Awal waxa ay baaq ay ku midaysan yihiin ka soo saareen arrimo dhaw ra oo ay ka mid yihiin :

1) Go’aankii uu Gudoomiye Muuse biixi Cabdi ku gaadhay “inuu ka tanaasulo Musharraxanimada Jagadda Madaxweynenimo ee Shanta sanno ee soo socoda”,dhalinyarta Beesha Subeer Awal waxa ay aad iyo aad uga xumaadeen go’aankaas, oo soo baxay wakhti dhalinyartu Maal, Muruq, Maskax iyo nafahoodaba ay u hureen taageeridda Gudoomiye Muuse Biixi, su’aasha yaabka iyo ammakaaga nugu dhalisay waxa weeyaan , Gudoomiyhu muxuu ku badashay hiilka taageero ee halkii ugu saraysay gaadhay ee loo muujiyay? !!

2) Furfurista iyo kala qaybtinta uu Gudoomiye Muuse biixi ku sammaynayo Urrurkii dhalinyarada subeer awal, ee dhawaan unkamay, kaasoo laga lahaa ahdaaf dhawr ah oo dan iyo waxtarba u lahaa beelwaynta subeer awal oo la rajaynayay inuu wax ka qabto arrimo ay ka mid yihiin – caafimaadka-waxbarashada-deegaanka iyo guud ahaan hurumarinta Deegaanada Beeshu dagto, furfurkaas oo ah wax aan u cuntamayn dhammaan wax garadka beesha, meel kasta oo ay joogaan,

3) Ganacsata reerka ee arrintan ka shaqaynaya waxaan iyagana leenahay, fadlan ha ka shaqaynina burburinta cududa dhalliinyaro ee reerkiina, waanan ka dharagsanahay in Ganacasade kastaaba dan gaara ka wato arrinta, haddaad ka sii shaqaysaan arrintaa, waxaa nagu balan ah inaan shacabka u soo bandhigo danaha shakhsi ee aad xukuumadda kaga badalanaysaan burburinta urrurkan.

4) Waxaanu baaq gaara u diraynaa dhammaan qurbe joogta Beesha in ay arrintan taageero Midaysan oo maal iyo muruqba ah ka gaystaan, waxaanu u baahanahay gurmad, waxaa lanaga hortaagan yahay inaan ka tashano aayaha iyo danaha beeshayada, waxa ay xukuumaddu ka soo horjeedaa Unuga urrur Dhalinyara oo ay ku midoobaan beesha subeer awal, waxa ay xukuumaddu ka shaqaynaysaa burburinta iyo qaybinta iyo kala dirida urrurkan, kaasoo ay u arragto inuu ku noqondoono caqabad wakhtiga doorashadda,

5) Dhalinyarta Muuse biixi ku taageeray go’aankaa khaldan ee shirka jaraa’id qabatay’na waxaan leenahay ka waantooba danta gaarka ah ee aad ka doorsanaysaan danta guud ee ay ka midaysnaayeen dhalinyarada subeer awal.

Ugu danbayn waxaan ka xunahay tafaraaruqa iyo kala qaybsanaanta ay kula dhexwareegayaan dadkii hiilka iyo hoogaba ay u hureen dhalinyaradu, waxanaanu ka digaynaa cidkasta oo manfac shakhsi ku raadisa magaca subeer awal iyo cidkasta oo u adeegsada dano gaar ah.

Wabilaahi tawfiiq

 Madaxa xidhiidhka jaaliyaddaha: Naasir Axmed Ibraahim Madaxa xidhiidhka ardayda: Dr. Maxamed Axmed C/raxmaan (ina xaaji) Gudoomiyaha gudi hoosaadka dhalinyarada subeer awal: Maxamuud Axmed Xirsi ( fiigo)

Maxamed jaamac xasan(xubin)

Axmed Rashiid Cali “ siyaasiga”

Samiir Maxamed Ismaaciil “ maarshaalka”

Barre sare: Maxamed Ciise C/laahi “cirro”

Saleeban yuusuf carte(xubin)

Dr. Ibraahim xasan diiriye(xubin)

Eng: Xaashi mahamed xaashi(xubin)

Jamaal nuur maxamed(xubin)

Faysal ibraahim rooble(xubin)

Yuusuf ibraaahim ciise(xubin)

C/raxmaan axmed c/laahbini(xubin)

Eng:- Rashiid aw maxamuud sarmaan(xubin)

Khaalid abokor abshir(xuubin)

Idil barkhad caalin(xubin)

Khadra cali obsiiye(xubin)

Faysa cawil xuseen(xubin)

Amran ducaale faarax(xubin)