Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Lagdama, Lumiyana Mustqabalkooda Hadda Hiraya

 

Dhawaanahan waxa bulshada dhexdeeda ku badan hadal-haynta ciyaarta siyaasada ee dhexmaraysa xisbiyada UDUB, UCID, KULMIYE iyo golaha guurtida, taas oo ay hadda natiijadeedi tahay muddo kordhin, aanay wali aqbalin xisbiyada mucaaridka ahi.
Aqbalaad la'aantaas mucaaridku, waxay noqotay mid wali saamaynteeda leh, mar haddiise xisbiyada mucaaridka ahi, ay wada hadal ogolyihiin, wax dhib ah oo la filayaa ma jiraan, masuuliyiinta qaranka dhamaantoodna waxaan filayaa in ilaalinta nabadgelyda dalku ay kala wayn tahay hantiyida kursiga. Kooxda uu kursigu kala waynaado qaranimadana waxa ku dhici doona shaambad aan waligeed maydhmahayn, illeen dadweynuhu waa daawadayaashii ciyaartee.



Ta kale mar kasta waa in uu jiro maamul mar kasta dalka hagaa, ama xilkiisu ha dhamaado ama yaanu dhamaane, hadii kale waxaan noqon doonaa qaar u dhaqma sidii ninkii loo yaqaanay Cabdinuur Axmed Darmaan ee dhawr sanno ka hor ku dhawaaqay in uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya kadib markii uu shiriyay dhawr qof, iyada oo uu markaas madaxweyne ahaa Cabdiqaasin Salaad Xasan. In maamul la samaystaana waa xalka ummada ee fawdo ka hortagaya.



Dhalinyaradu marnaba ma ogola dad korkooda ku lagdama, lumiyana mustqabalkooda hadda hiraya, kana kala tuura waxyaabaha u suurogalay sida waxbarashada. In kasta oo uu wali maqan yahay doorkii ay dhalinyaradu ku yeelan lahayd maamulka dalka.



Mar hadii wadahadalo la filayo, waxa la filayaa guushii Somaliland, iyo in dhamaan xisbiyadu dhinac isu raacaan, oo ay soo saaraan go'aan midaysan, aakhirkana marka doorasho dhacdo, waxa garsoore ka noqon doona bulshada, oo kala xulan doona dadka u taagan hogaaminta dalka, sidii ay awalba u kala doorteen. Siyaasiyiintana waxaan leeyahay "Suga inta ay bulshadu idiin garsoorayso xilliga doorashada".



 

 



By: Siciid Maxamuud Gahayr