WAR-SAXAAFADEED

 



Madaxweyne xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaa ciil “Saylici” waxa uu dhambaal mahadnaq iyo bogaadin u diray Jaaliyaddaha reer Somaliland ee ku kala nool qaarada Yurub oo maanta banaan-bax aad u balaadhan ka hordhigay xarunta Baarlamaanka Midowga.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxa uu Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan wadamada Yurub uu ku ammaanay sida geesinimada iyo sharafta badan ee ay isugu soo baxeen Banaanbaxaas muhiimka ahaa ee lagu taageerayay xaqa ay Jamhuuriyada Somalila nd u leedahay in la aqoonsado.

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa kale oo uu Jaaliyada reer Somaliland ee qurbaha ku nool uu ku ammaanay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan horumarinta dalka Jamhuuriyada Somaliland iyo waliba dedaalkooda ku saabsan sidii ay dunida ugu qancin lahaayeen in ay aqbasho madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland oo ah mid Muqaddas ah oo aan gor-gortan gali karin. Waxa kale oo Madaxweyne ku Xigeenka ahna ku Simaha Madaxweynuhu uu ugu baaqay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool dalka debadiisu inay gacamaha is qabsadaan siina laban-laabaan dedaalkooda ku aadan Horumarinta Dalkeena Hooyo ee Qaaliga ah.



ALLAA MAHAD LEH



Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.