DHAMBAAL .Qomadii 7aad

 


Hambalyada Iyo ducada Shirweynaha 1aad ee Xisbiga Waddani ,ka dib. Waa dharaaro yaab loo Ka Dhamaan agtaydoo dhacdo waayaheedoo ninkastoo dhegeysta dhabanada la hayst ee dhow dhowdu yaa yidhi uma dhicin Caduur weli (Mj Ahmed jeenis AHN) 19/10/16 Arbac maalintaasi waxay ku xardhanaan doontaa Sooyaalka Xisbiga Waddani waxayna ku Taariikhs an tahay Raad Raaca Taariikhda Somaliland .Waa qabsoomida habsamida Shirweynaha 1aad ee Xisbiga Waddani , Waxay in badan oo Ka mid ah shacabka Jamhuuriyada Somaliland ku re ebi doontaa maankooda mahadho ma guuraana oo Ka tarjumayasa koboca siyaasadeed ee xisbigu ku talaabsaday kagana horumaray labada xisbi Qaran ee kulmiye iyo Ucid oo da'aha an ugu gu' sheegta.

Hase yeeshee Xisbiga Waddani maanta 19/10/16 ayuu u quus gooyay isagoo tusay cudud iyo baaxada uu ku dhaafay mudadaas Lixda sannadood ahayd ee ay jireen . Xisbiga Waddani wuxuu muujiyay awooda balaadhan iyo higsadka fog ee uu doonayo inuu dalka ku hogaamiy o Shanta sanno ee soo socda . Haddii Alaha awooda lihi uu ogolaado. Ugu dambeyntii waxa an u soo jeedinayaa dadweynaha Somaliland ee jecel horumarka iyo is garabsiga in ay laba laabaan taageerada ay ugu hiiliyeen dimuquraadiyada uu Xisbiga Waddani u soo bandhigay . Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan DHAMBAAL ee maanta Guusha Waddani Waa mid aynu wada gaadhnay Dhamaan reer Somaliland ee aynu Ilaahay ugu Mahd naqno.


LA SOCO DHAMBAAL iyo Qormooyinka dambe.

 




Mataan M Omar Xoghayaha Warbaahinta Waddani UK. Sheffield