DHAMBAAL TACSI AH OO OO UU DIRAAYO MUSTASHAAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM SICIID IBRAAHIM XAYD

 



L-taliayaha Madaxweynaha JSL Mustashar Axmed Carwo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka xaaskiisa Amal Cumar Carte iyo ka reer Cabdi Carwo waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qa raabadii, Eheladii, Asxaabtii ee uu ka baxay Marxuum Siciid Ibraahim Xayd oo maanta 8/02 /2016 lagu aasay magaalada London, Waxaanu si gaar aha u tacsiyadeynayaa tafiirtiisa i yo reer Ibraahim Xayd meel kasta ooy joogaan

Marxuumku wuxuu ahaa odayada London waliba kuwii ugu soo horeeyey ee qaxootinimadu dalkooda ka soo kicisay. Oday aan ka gaabsan hawlihii bulsho ee xiliyadii qadhaadhaa ka ji ray dalka. Waxuu ahaa nin cibaado badan oo ku samray xanuun muddo dheer hayey.

La-taliyaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistiisa jan atu fardawsa ka waraabiyo. Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo guud ahaan gobalka Maroodi jeex ee uu ka soo jeeday, inuu Alle waafajiyo samir iyo duco.
 

 


Ahmed Hassan Arwo
0044 7535447230
Sent from my iPhone


http://samotalis.blogspot.com/